Tomorrow's Gedo Vs Lower Juba
Garoonka Kubbadda Cagta ee Waamo Stadium ee magaalada Kismaayo galabta waxaa si habsami leh uga bilawday tartan ciyaareedka Kubbadda Cagta ee ay ky baratamayaan ciyaaryahanada gobolada J/hoose, J/dhexe iyo Gedo,iyadoo galabta ay wada ciyaareen gobolada J/hoose iyo J/dhexe oo soo bandhigay ciyaar aad u xiisop badneyd.
Ciyaarta oo bilaabatay 4:30Pm xilliga geeska Africa ayaa waxaa garoonka Waamo Stadium isugu yimid dadkii ugu tirada badnaa ee badi ahaa taageerayaasha ciyaartoyda gobolada J/hoose iyo J/dhexe oo lagu qiyaasay kumaankum oo qof, kuwaasoo isku darayey sawaxan iyo qeyla mararka qaar ay xakameyn kari waayeen ciidamada police-ka Kismaayo oo ammaanka si aad ah u sugayey, waxaana ciyaartu ay bilawgiiba ku bilaabatay si xiiso badan.
Qeybtii hore ee ciyaarta ee 45 daqiiqo ayaa la is mari waayey, waxaana Kubbadda markasta lugtooda ku soo dhaceysay ciyaaryahanada gobolka Jubbada hoose oo aad moodeysay in ay galabta soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan oo aniga laf ahaanteyda aan si aad ah uga helay, ciyaartoyda baratamayey oo u badnaa dhallinyarro khibrad leh Kubbadda isugu dhii dhiibayey ayaa fursado badan oo ay heleen ciyaaryahanada ku dheelayey magaca J/hoose ay khasaariyeen oo ay beel dareeyeen.
Hase yeeshee ''Faanoole Fari kama qodnee''qeybtii labaad ee ciyaarta ee loo yaqaan (Half cambia) waxay ciyaartoyda gobolka J/dhexe u ciyaareysay la soo baxeen miciya Libaax oo waxaad arkeysay in ay ka yara roonaayeen sidii qeybtii hore, daqiiqadii 50 aad ee qeybtii danbe ciyaaryahan aad u da'yar uu goolkii ugu horeeyey u dhaliyey kooxda J/dhexe oo farxad iyo reynreyn awgeed isku qaadi waayey iyaga iyo taageerayaashooda oo soo galayba garoonka, balse wiilasha aadka u yaryar ee J/hoose martidana loo yahay ayaa xanaaqay oo qaaday ficilo badan oo ay ku doonayeen aargudasho iyo in aysan libtu ka raacin j/dhexe.
Kooxda Kubbadda Cagta ee J/hoose ayaa daqiiqada is xigxigay dhalisay laba gool kadib markii ay muujisay dadaal dheeraad ah ciyaarta oo gabagaba ah, sidaasna waxaa ku badisay ciaaryahanada J/hoose ciyaarta u matalayey oo 2-1 kaga adkaaday J/dhexe.
Maalinta Axada ayaa la filayaa in ciyaar tanoo kale ah ay iska arkaan ciyaaryahanada gobolada J/hoose iyo Gedo, markaas oo aan idiin soo gudbin doona natiijada waxa ay ku dhammaato haddii Rabi idmo.
Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo.
http://gedoweb.com/index/modules.php?na ... le&sid=233
First Round Lower Juba Vs Midle Juba Footbal 2-1
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 679 Views
-
Last post by Somaliweyn Commando
-
- 4 Replies
- 564 Views
-
Last post by precious_dyme
-
- 7 Replies
- 74 Views
-
Last post by Addoow
-
- 0 Replies
- 12 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 7 Replies
- 560 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 11 Replies
- 1509 Views
-
Last post by DANGIRL