Ciyaar la isku khilaafay oo galabta ka dhacday garoonka Kismaayo
Posted by Kismaayo
Friday, April 04 @ 10:01:28 PDT
Garoonka Kubbadda Cagta Waamo Stadium ee magaalada Kismaayo waxaa galabta ka dhacday ciyaar final-ka oo dhexmartay ciyaartoyda gobolada Jubbadda hoose iyo Gedo oo kamid aheyd koobka nabadda iyo isdhexgalka bulshada ku dhaqan gobolada Jubbooyinka, kaasoo oo ay ku tartamayaan gobolada J/hoose, J/dhexe iyo Gedo ayaa galabta u muuqatay mid khilaaf xooggan ku dhammaatay.
Ciyaarta oo aheyd mi aad u xiiso badan ayaa waxaa ka soo qeybgalay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dowladda federaalka ah oo ay kamid ahaayeen xildhibaan Barre Aadan Shire (Hiiraale) iyo xildhibaan Nuur Mataan Cabdi, taageerayaal aad u fara badan oo u kala sacan tumayey labada kooxood ee Gedo iyo J/hoose iyo suxufiyiinta oo warar badan tabinayey. Ciyaarta ayaa qeybtii hore ku bilaabay dardar xooggan oo laba gobol ciyaartoydooda waxay ahaayeen ciyaaryahano adag.
Daqiiqadii 25 aad ee ciyaarta ayaa kooxda Kubbadda Cagta ee Gedo waxay dhaliyeen gool khilaaf badan dhaliyey, calan wadaha labaad ee ciyaarta ayaa goolkaasi ku tilmaamay in uusan sax aheyn oo Hob site uu ahaa ama diilinta u dhaw shabaqa goolka u ciyaaryahanka goolka dhaliyey galay, ciyaaryahanada reer Gedo ayaa diiday oo ku doodayey in ay gool dhaliyeen, hase yeeshee ciyaartii ayaa la sii watay oo qeybtii koowaad la dhameystay.
Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-0 oo labada gobol ayaa is mari waayey, markii la isku soo nastay ee la rabay in qeybta labaad ee ciyaarta ay bilaabato ayaa ciyaartoyda gobolk Gedo ciyaarta u mataleysay ee qaadaceen in ay sii dheeleen iyagoo ku doodayo in goolkii Hob-site ee ay dhaliyeen uu ahaa mid xaq ah, tanina waxay sababta in ciytaartii oo cidina aysan koobkii yaalay hanan ay gabagabowda oo lakala dareeray.
Guddoomiyaha xiriirka Kubbadda Cagta ee J/hoose, ciyaarahana ay iyaga soo qaban qaabiyeen Saleebaan Cabdi Baddal oo la kulmay markii ciyaarta la isku khilaafay ayaa sheegay in ay aad uga xumeedeen go'aanka ay ku qaateen ciyartoyda gobolka Gedo, wuxuuna intaasi ku daray in maamulka kooxda Gedo oo ay is arkeen uu ciyaatoydiisa ku qalqaaliyey in ciyaarta ay dheelaan, balse ay ku gacan seyreen. Saleebaan ayaa xusay in ilaa berrito ay ka arrinsan doonaan fashilkan ku yimid ciyaartii galabta.
Waa markii labaad oo khilaaf uu ka dhalanayo ciyaaraha koobka nabadda iyo isdhxgalka bulshada Jubbooyinka tan iyo markii ay bilawdeen 27-kii bishii hore, horay ciyaar la filayey in ay dhexmarto J/hoose iyo J/dhexe ayaa muran awgeed u baaqatay, inkastoo markii danbe la ciyaaray.
Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo.
http://gedoweb.com/index/modules.php?na ... le&sid=259
Jubaland footbal finals. Gedo - Lower Juba 0-0
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
- Shirib
- SomaliNet Super
- Posts: 26911
- Joined: Thu Oct 04, 2007 3:50 am
- Location: May God grant us victory.
Re: Jubaland footbal finals. Gedo - Lower Juba 0-0
Are there any pictures bro
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
Re: Jubaland footbal finals. Gedo - Lower Juba 0-0
^^Marax learn how to read. what U posted was last week match between Midle Juba and Gedo.
Shirib, this final match photos are here



http://www.gedonet.com/index.php?news=2788
Shirib, this final match photos are here



http://www.gedonet.com/index.php?news=2788
- precious_dyme
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2103
- Joined: Thu Jul 05, 2007 1:44 pm
- Location: SOMALIA 21/10/69
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 678 Views
-
Last post by Somaliweyn Commando
-
- 1 Replies
- 579 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 18 Replies
- 1332 Views
-
Last post by Basra-
-
- 7 Replies
- 74 Views
-
Last post by Addoow
-
- 0 Replies
- 496 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 5 Replies
- 534 Views
-
Last post by The-Screw
-
- 11 Replies
- 1508 Views
-
Last post by DANGIRL
-
- 5 Replies
- 887 Views
-
Last post by StormShadow