Kismayo port labors give their salary to refugees from Mogad

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Kismayo port labors give their salary to refugees from Mogad

Post by CoolPoisons »

Muruqmaalka dekedda Kismaayo oo deeq lacageed gaarsiiyey dadka gudaha dalka ku b

Muruqmaalka dekedda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo oo iskood isku abaabulay ayaa maanta markii ugu horeysay lacageed lacageed gaarsiiyey dadka gudaha dalka ku barakacay ee ku jira xeryahay magaalada Kismaayo, kuwaasoo nolashoodu ay tahay mid aad u hooseysa, iyadoo ay si aad ah u soo dhaweeyeen tallaabadan dadkii lacagta loo qeybiyey oo farxay.


Ururka lixaad ee muruqmaalka dekedda ayaa deeq lacageed oo dhan 4000,000 oo Shilin Somali ah maanta u qeybiyey qoysaska 3 xero kaam oo Kismaayo ku yaala, ururka ayaa 81 qoys faraha ka saaray qoyskiiba lacag Sh/Som ah oo dhan 40,000, taasoo qeyb ka ah lacagta ay ku tabaruceen muruqmaalka dekedda oo ah hal urur oo kamid ah dhowr iyo tobanka urur ee marsadda Kismaayo ka howlgala.


Guddoomiyaha ururka lacagta kaalmada ah bixiyey Xaashi Jaamac Dhoore (Calooley) oo saxaafadda la hadlay waxyar kadib markii ay soo gabagabeeyeen qeybinta deeqda lacagta ah ayaa sheegay in lacagta ay iska soo ururiyeen ururkooda oo keliaya kadib markii sida uu yiri ay ka damqadeen dhibaatada aan la fiirsan karin ee heysata walaalahooda dhiban. ''Anaga ururkeena lixaad ayaa tashanay oo go'aan ku gaarnay in aan lacag iska ururino oo aan u qeybino dadka soo barakacay, markii hore waxaan rabnay in aan xoola qalano oo aan duceysano, laakiin markii danbe ayaan isku raacnay intaan hilib guryaheena ku cuni laheyn in aan lacag iska dhex ururino xamaaligeena, ninkiiba 10,000 oo Shilin Soomaali ah ayaan ka qaaday oo hal meel ku ururinay, 4400,000 ayey gaartay 300,000 Masjid ayaan ugu siinay, inta kalana qoysaskan ayaan siinay''ayuu yiri Xaashi Caloolay guddoomiyaha ururka sida wanaagsan ugu deeqay lacagta oo intaasi ku daray in ay sii wadi doonaan qorsha noocaan oo kale ah.


Waa markii ugu horeysay oo deeq noocaan oo kale ah ay kaga timaado dadka soo barakacay shaqaalaha muruqmaalka ah ee dekedda ka xamaasha Kismaayo, kuwaasoo iyaga helo dhaqaale aad u kooban oo ay ku soo kasbadaan loorka Bariiska, Burka, Sonkorta iyo IWM ah oo ay dhabarka ku qaadaan, marka la fiiriya nolasho qoysaskoodana aysan aheyn waxba ka duwaneyn mida ay ku jiraan soo barakacayaasha.


Tallaabadan oo ah mid ku dayasha mudan ayaa ku soo beegmeysa xilli maamulka Kismaayo ka dhisan, ganacsatada iyo hay'adaha samafalka ay iska eeganayaan oo keliya dhibaatada ay ku jiraan dadka soo barakacay ee Kismaayo ku nool, maamulka oo daqliga ugu badan uu dekedda ka soo gala ayaa iska daa in ay caawiyaan dadkaadi xitaa aan booqan.




Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo.

http://gedoweb.com/index/modules.php?na ... le&sid=308
The_Patriot
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20702
Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am

Re: Kismayo port labors give their salary to refugees from Mogad

Post by The_Patriot »

Thats worthless why dont they use it to buy tercnicals to liberate Gedo.
Bula Xawo donates generaously to Xabshi baitul mal :down:
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Re: Kismayo port labors give their salary to refugees from Mogad

Post by CoolPoisons »

The_Patriot wrote:Thats worthless why dont they use it to buy tercnicals to liberate Gedo.
Bula Xawo donates generaously to Xabshi baitul mal :down:
^^Caghdero, U need to know when its time for joke and when its not. Whats Bulohawo, Its called since 1991 BeledHawo, are U still stuck in time?

Theres no Habashi in BeledHawo focker.
User avatar
precious_dyme
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2103
Joined: Thu Jul 05, 2007 1:44 pm
Location: SOMALIA 21/10/69

Re: Kismayo port labors give their salary to refugees from Mogad

Post by precious_dyme »

CoolPoisons wrote:
The_Patriot wrote:Thats worthless why dont they use it to buy tercnicals to liberate Gedo.
Bula Xawo donates generaously to Xabshi baitul mal :down:
^^Caghdero, U need to know when its time for joke and when its not. Whats Bulohawo, Its called since 1991 BeledHawo, are U still stuck in time?

Theres no Habashi in BeledHawo focker.
Co-sign. :lol:
The_Patriot
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20702
Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am

Re: Kismayo port labors give their salary to refugees from Mogad

Post by The_Patriot »

what have you guys been blending with the Qulle?
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Re: Kismayo port labors give their salary to refugees from Mogad

Post by CoolPoisons »

The_Patriot wrote:what have you guys been blending with the Qulle?
^^quule's gonna make Ur feet look normal.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”