aqoon kororsi qaybtii 1aad(ka jawaab soona qor suashaada).

Afka hooyo :) Qaybtan waxaa loogu talagalay dadka wax ku qora luqada Soomaaliga.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

boode- afdheere
Posts: 8
Joined: Sat Mar 08, 2008 7:18 am

aqoon kororsi qaybtii 1aad(ka jawaab soona qor suashaada).

Post by boode- afdheere »

sxbayaal marka hore dhamantiin waan idin salamin, intas kadib waxan rabaa in aan idin soo bandhigo aqoon kororsi dhexdeena ah oo markas dhowr su'alood lagaga jawaabi doono waana sidan:
1-waxad sheegtaan yuu ahaa Ninkii ugu horeeyay oo Madaxwayne ah oo AFRICAN ah oo si dimuqraadi ah markii looga guulaystay doorashada madaxnimo si nadiif ah ugu wareejiyay Ninkii ka guulaystay isaguna toos qof shacab ah u noqday isaga oo aan wax kursi doon ah gelin?

2- waxad shegtaan wadankii ugu horeeyay oo AFRICAN ah oo Diyaarad lagu weeraro(macnaha dagaal cirka ah lagu soo qaado)?

3-Waxad sheegtaan Wadanka AFRICA ku yaal oo leh Hal AF ama hal LUUQAD?

4-Waxad sheegtaan Wadanka ugu Badda dheer ( ugu masaaxo dheer dhinaca badda) AFRICA?

5- waxad sheegtaan wadanka Aduunka ugu MUUSKA macaan?

suaalahaas kasoo jawaba qofkii markas si fiican u garanayo inta kalena haka fa'idaysato waxii markaas la garan waayo ama sual la iga waydiiyo anaa markas Cadaynayo insha alaah, adinkuna sas oo kael soo bandhiga sualo noocaas oo kale ah oo markas dhalinyaradeena qurbaha ku dhalatay ee aan taariikhda si fiican u garanayn si ay u bartaan
KeligiiJabhad
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 939
Joined: Mon Oct 22, 2007 8:38 am
Location: TURMO

Re: aqoon kororsi qaybtii 1aad(ka jawaab soona qor suashaada).

Post by KeligiiJabhad »

Weydiimaha aad soo gudbisey aadbay u wanaagsan yihin. Bal aan isku dayo wixii aan ka
xusuusto. Dabcan haddii aan weydiimaha qaar warcelindooda ku qaldamo waad I sixi kartaan.


Weydiin:
1-waxad sheegtaan yuu ahaa Ninkii ugu horeeyay oo Madaxwayne ah oo AFRICAN ah oo si
dimuqraadi ah markii looga guulaystay doorashada madaxnimo si nadiif ah ugu wareejiyay
Ninkii ka guulaystay isaguna toos qof shacab ah u noqday isaga oo aan wax kursi doon ah gelin?

Warcelin:
Madaxweynahaasi cid kale ma uusan ahayne wuxuu ahaa Madaxweynihii ugu horeeyey
ee Soomaaliya. Waa Aadan Cabdalle Cismaan (Aadan Cadde). AUN!

Weydiin:
2- waxad shegtaan wadankii ugu horeeyay oo AFRICAN ah oo Diyaarad lagu
weeraro(macnaha dagaal cirka ah lagu soo qaado)?

Warcelin:
Waddankii Afrika ugu horeeyey ee Diyaaraddo lagu weerarro wuxuu ahaa Soomaaliya!
Waana Dagaalkii Daraawiishtu ay ku haligeen Gumeysigii Ingiriiska taas oo ay u adkaysan
waayeen Ingiriisku kuna keliftey in xoog ku muquuniyaan Ciidamadii Daraawiishta markii ay
caal waayeen iyagoo markii dambe bilaabay in ay addeegsadaan diyaaraddo.

Weydiin:
3-Waxad sheegtaan Wadanka AFRICA ku yaal oo leh Hal AF ama hal LUUQAD?

Warcelin:
Waa isla Soomaaliya. Sida taariikhdu ay ka markhaati kacayso Soomaalidu waa dad
ku hadla Luuqad keliya taas oo ah Luuqadda Soomaaliga.

Weydiin:
4-Waxad sheegtaan Wadanka ugu Badda dheer ( ugu masaaxo dheer dhinaca badda) AFRICA?

Warcelin:
Waddanka Afrika ugu badda dheeri waa Dalka Koonfur Afrika (South Africa).
Hase ahaatee Dalka Soomaaliya ayaa soo galla Kaalinta Labaad!

Weydiin:
5- waxad sheegtaan wadanka Aduunka ugu MUUSKA macaan?

Warcelin:
Waxaan u mallaynayaa in uu tahay waddanka Suudaan. Badanaaba Somalidu waxay
yiraahdaan Suudaantu marka ay heesayaan Shimbirahaa istaaga. Waxaa kaloo aragtidaas
mid la mid aan ka maqlay qawmiyaddo kale oo aan Soomaalida ahayn. Waana sababta
aan aragtidayda ugu saleeyey meeshaas. In aaraadaas aanan ku saxneynna waa dhici kartaa!

Nabad iyo Barwaaqo... :somalia:
boode- afdheere
Posts: 8
Joined: Sat Mar 08, 2008 7:18 am

Re: aqoon kororsi qaybtii 1aad(ka jawaab soona qor suashaada).

Post by boode- afdheere »

WALAL adiga oo mahadsan jawaabahaaga, keliya waxan rabaa in aan kaa saxo labo jawaabood, mida koowaaad waa DALKA ugu Bada dheer AFRICA waa SOMALIA sxb, SOUTH AFRICA inta aanay labo wadan noqon ayay ugu dheerayd lakin hada Wadan yar ayaa ka go'ay magaciisa ha mahayee sidaas darteed AFRICA SOMALIA ayaa ugu Bad dheer waana wax macruuf ah, Tankale waxa waye sxb mesha MUUSka aan u qoray waxad u fahantay MUSIC markaas maha ee waxan ula jeedaa MOOS AMA MUUS waana mooska caadiga ah ee la cuno Aduunkana SOMALIA ayaa ugu MOOS macaaan. inta kale waa sax sida aad uga jawaabtay waana kugu mahadcelin mar labaad sxb.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - Soomaali”