THis is why SL is the best kept secret

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

THis is why SL is the best kept secret

Post by SahanGalbeed »

Warbixin Xasaasiya Oo ay Soo Sareen Gudiga Arimaha Gudaha Barlamnka SL {title of the article}
Warbixinta Guddiga Arrimaha Gudaha , Difaaca Iyo Nabadgelyadda Ee Xaaladda Guud Ee Dalka.

http://www.tvsomalilandeurope.net/

Ina Riyaale baa loo sheegaya , is ilaali baa la leeyahay.
Last edited by SahanGalbeed on Fri Aug 15, 2008 11:06 am, edited 2 times in total.
User avatar
1nemansquad
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11434
Joined: Tue Apr 01, 2003 7:00 pm
Location: Over here and over there

Re: THis is why SL is a democracy

Post by 1nemansquad »

:lol:
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: THis is why SL is a democracy

Post by SahanGalbeed »

Waxaa magaalooyinka Boorama, Hargeysa, Berbera iyo Burco ka dhacay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac aan diyaar loo aheyn oo ay geysteen ciidamada Qaranka iyo kuwo booliiska, isla markaana halis iyo khatar galiyey nabad-gelyada iyo xasiloonada dalka.

"Mudanayaal Iyadoo Xil-dhibaanadu dastuurka ka wada dheregsan yihiin ayaanu hadana jeclaysanay inaanu nuxurka warbixinta ka horeysiino xeerarka iyo qodobada dastuurka ee xuquuqda qofka iyo xorriyaadka aasaasiga ah xusay, kuwaas oo xukuumaduna caadaysatay ku xad gudubkooda, iyadoo isla markaana xil inaga saaran yahay ilaalinta Xeerarka iyo Dastuurka ."


Walle iyo bille , sida congress-ka maraykanka marku shirayo oo CSPAN laga daawado , bay la mid yihin :up:
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: THis is why SL is a democracy

Post by SahanGalbeed »

QODOBKA 24AAD EE DASTUURKA:

XAQA NOLOSHA, NABAD-GELYEYNTA JIDHKA, XURMAYNTA MAGAC-SAMIDA IYO DAMBIYADA LAGA GALO XUQUUQDA AADAMIGA
1. Nafta aadamuhu waa deeq Ilaahay, waana qaali; qof kastaana wuxuu xaq u leeyahay noloshiisa, wuxuuna ku waayi karaa oo keliya marka maxkamad horteed uu ku caddaado dembi uu xeerku jideeyey in dil lagu mutaysan karo.
2. Qofku wuxuu xaq u leeyahay in la nabad-geliyo jidhkiisa; ciqaabta jidhka iyo wax yeelo kasta oo loo geysto way reebban tahay.
3. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in la xurmeeyo sharaftiisa, sumcadiisa iyo noloshiisa gaar ahaaneed.
4. Dambiyada laga galo xuquuqda qofka sida xasuuqa, dil maxkamad la'aan ah, jidh dilka iyo wixii la mid ah malaha muddo dhaaf.

Nasiib darro, Ciidamada Booliiska iyo Qaranku waxay iska caadeysteen in mar kasta oo mudhaaraad dhaco ay u addeegsadaan hub culus, taasoo in badan keentay in rabshadahaasi sii xoogeystaan, oo ay sababaan khasaare nool iyo moodba leh una geystaan dadka wax-ma-gaysatada ah oo xataa iyagoo aan mudahaaradka ku jirin rasaasta habawga ahi ee aan loo meel dayini haleesho.
User avatar
salafi_student
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2223
Joined: Mon Dec 19, 2005 3:47 pm
Location: If you would only listen, I can educate you!

Re: THis is why SL is a democracy

Post by salafi_student »

Gob smacked!


Ma durbaba?
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: THis is why SL is a democracy

Post by SahanGalbeed »

1. Cisbitaalka Guud ee Hargeysa.{tan Sahangalbeed ilma adeeradii baa lagu laayay :lol: }

Taariikhdu markay ahayd December 25keedii, 2005kii, gacan ka-hadal ka dhashay muran dhuleed, oo dhalisay in nin lagu soo diley xaafadda Sheedaha, meydkiisu yaalay Cisbitaalka Guud ay ehelkiisii diideen in la aaso. Dhacdadan waxa ay xukuummaddu u addeegsatay 2 gawaadhida gaashaman ee Beebeega loo yaqaano ah, waxaana ku dhintey hal qof, 22 kalena way ku dhaawacmeen; halkii ay xukuummaddu ay u addeegsan lahayd wadahadal in ay ku maarayso.
Waxaa xusid mudan in goobaha caafimaadka ee bukaanku jiifo oo ay ka caagan yihiin ciidamada iyo hubkuba in lala galo in xataa hoonka gawaadhidu ka reeban yahay,nasiib daro!! Ciidanka qarankuna waxay ka rideen rasaas cusbitaalka dhexdiisa waxana naxdin iyo anfariir ku dhacay bukaankii jiifay qaarkood oo koomo(Miyir Doorsoon) ku jiray iyo dhakhaatiirtii qalika ku guda jireyba.

2. EX. INJI ee degsiimada Axmed Dhagax

Bishii Febreury, 5 dii 2006 dii,waxa ka dhacay muran dhul oo rabshado watay,xukuumaduna halkii xal ay u raadin lahayd waxay u adeegsatay ciidamada booliiska iyo milatariga,waxaanay isu badashay dagaal maalin dhan socday. Rabshadaas waxaa ku dhintey 2 qof oo dhalinyaro ah, isla markaana waxaa ku dhaawacmey dad gaadhaya 30 Qof.

3. Xaafadda Axmed Dhagax (X- Iftin)

Abriil 28keedii, 2008,waxa ka dhacay mudaharaad lagaga soo hor-jeeday magac laga badalay xaafadii Cabdi Iidaan loona badalay Sheekh Cumar. Xukuumaduna halkay xalka raadin lahayd sida iyada oo hanaanka wada hadal iyo wada xaajoodka ku dhammayn lahayd. waxay u adeegsatay xoog aan loo baahnayn , waxaanuu sababay geerida 2 qof oo dhalin yaro ah,waxaana ku dhaawacmay 10 qof oo kale.

4. Toogashadii Beerta Xorriyada:

Taariikhdu markay ahayd May 4teedii 2008kii, waxay Ciidanka Qaranku si ula kac ah u toogteen gabadh yar oo la odhan jirey Hani Xasan Jaamac, oo aroos ka timi, saacaddu markay ahayd 10:00 habeenimo. Ilaa hadana ma jirto cid jawaab ka bixisay fal dambiyeedkaa.
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: THis is why SL is a democracy

Post by SahanGalbeed »

5. Xaafada Maxamuud Haybe(X-GURYO-SAMO)

Isniintii, July 7deedii, 2008, mudaharaadkii ugu dambeyay waxa ay ka dhaceey Maxamuud Haybe, Koonfurta Bari ee Hargeysa, halkaas oo tobanaan kun oo rayid ahi isugu soo baxeen markii dambana magaalada badan keeda mudaharaadkaasi uu ku faafay.

Dadkaasi oo mudaharaadkooda ku muujinaayay biyo la'anta haysata iyaga oo caasimadii wadanka kunool.waxa kale oo mudaharaadkaa ka qayb qaatay dadwayne kale oo ka cabanaayay sixir bararka maceeshada iyo xoolaha kootada la galiyay oo dadka intooda badan ay noloshoodu ku tiirsanayd. hadabo Dhacdadan oo dadwaynuhu ay ku muujinayeen cabashadooda halkii ay xukuumadu uga garaabi lahayd waxay ugu jawaabtay dil iyo dhaawac ay Ciidamada Qaranka iyo Booliisku fuliyeen waxaanay isu soo baxaa ku asqaysiiyey hubka culus ee lidka diyaaradaha oo aan loo kala aabo yeelin, waxaa ku naf waayey 3 qof oo dhalin yaro ah, in ka badan 10 qofna way ku dhaawacmeen.
7 July 2008 , waxa ay caasimadda Somaliland ee Hargeysa u ahayd maalin dhiig daatay oo dhimasho iyo dhaawacba huwanayd, khasaare hantiyeedna dhacday.


6. Magaalada Berbera Oo Mudaharaad La Isugu Soo Baxay Oo Dadweynuhu ka cabanayeen Werashaddii sibidhka
Khamiis. November 16, 2006 Shan qof ayaa ku dhaawacmay khasaare badana waa dhacay ka dib markii ay dadweyne mudaharaadyaal ahi shiideen Xarumaha Haayadaha Dawlada Magaalada Berbera kuwaasi oo sabab uga dhigay mudaharaadkooda in xukuumada Somaliland Iskaraab ahaan u iibisey Warshadda Sibidhka ee magaalada Berbera taasi oo aan muddo shaqeynin sida laga warqabo. Hadaba kooxahaasi ayaa socdaal gadood xambaarsan ku maray xafiisyada Dawlada ee magaalada Berbera
Hadaba waxa halkaasi ka dhacay khasaare ay geysteen mudaharaadayaasha iyo mid loo geystay laftoodaba waxa ciidanka boolisku u adeegsadeen rasaasta nool ,waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 5 nin iyo ruux dumar ah.
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: THis is why SL is a democracy

Post by SahanGalbeed »

Su'aal?

Ciidanka Qaranka iyo hubkiisa ma difaaca cadowgaa loogu talo galay, mise in muwaadiniintii cashuurta laga qaado lagu soo iibiyey lagu laayo?. Jawaabta waxaanu u dhaafaynaa Golahan sharafta leh
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: THis is why SL is a democracy

Post by SahanGalbeed »

Haddaba

Dhamaan dhacdooyinkaa dhiilada xambaarsan waxay xukuumadu tidhi guddi baanu u saaraynaa, ilaa maantana lama maqal gudiyadaasi kuwa ay yihiin iyo waxay gaadheen toona. Guddi soo saartay go'aan maynu arag maynaan maqal cidda masuuliyadeeda yeelatay oo sharciga la horkeenay taasi waxay muujinaysaa in ay Xukuummaddu ay dhacdo kasta ay ku dambabasto guddi baa loo saaaray .

UNACCEPTABLE!!
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: THis is why SL is a democracy

Post by SahanGalbeed »

XUKUNKA DEG-DEGA AH

Mar labaad dastuurku muxuu ka yidhi in dadka dhayal lagu xidho:

QODOBKA 25AAD XAQA XORRIYADDA, DAMMAANAD-QAADKA IYO SHURUUDAHA XUQUUQDA IYO XORRIYAADKA

1. Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn.

2. Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.

QODOBKA 27AAD

XUQUUQDA QOFKA XORRIYADDA LAGA QAADAY

2. Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u leeyahay in lagu hor geeyo maxkamad 48 (siddeed iyo afartan) saacadood gudahood, laga bilaabo marka la qabtay.
Waxaa xukuummaddu sharci ka dhigatay Xukunka Deg deg ama boobsiiska ah oo ay kooxda lagu magacaabo Gudiga Nabad Gelyadu sarajooga ku xukumaan dadweynaha, iyadoon la marin sida Xeerka Garsoorku dhigayo, oo maxkamadba la soo taagin.
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: THis is why SL is a democracy

Post by SahanGalbeed »

Hadaba mudanayaal arimahaas oo dhami waxa ay inooga baahan yihiin in aynu hoos ugu daadagno isla markaana xukuumada ku qasabno in ay sharciga dalka u yaala u hogaansanto


clap..clap...clap bravo !

Wa taa "Democracy"-ga la idiin sheega ba !
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: THis is why SL is the best kept secret

Post by AbdiWahab252 »

Best Kept Secret because it only exists in the minds of Issaq.
User avatar
GENERAL_SNM
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9757
Joined: Fri Jul 13, 2007 1:32 pm
Location: ''Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir''

Re: THis is why SL is the best kept secret

Post by GENERAL_SNM »

AbdiWahab252 wrote:Best Kept Secret because it only exists in the minds of Issaq.
If only Hawiyes used their minds, they would be able to see the vision and its potential for their own benefits...... :?:
But AW its the blind leading the blind, into Hawiye hell.....
Madd_Scientist_
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4745
Joined: Mon Feb 04, 2008 12:27 pm

Re: THis is why SL is the best kept secret

Post by Madd_Scientist_ »

Does Somaliland exist? No offence or anything.
User avatar
GENERAL_SNM
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9757
Joined: Fri Jul 13, 2007 1:32 pm
Location: ''Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir''

Re: THis is why SL is the best kept secret

Post by GENERAL_SNM »

Madd_Scientist_ wrote:Does Somaliland exist? No offence or anything.
Depends on the capacity of your mind.....If your from darod or Hawyie with your limited mental capabilities, the vision of somaliland will be very difficult to see. :mrgreen:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”