Breaking news Mujahids from Berhani attacked Shiskabab in Ki

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Breaking news Mujahids from Berhani attacked Shiskabab in Ki

Post by CoolPoisons »

Kismayo, August 24- Barre Hiiraale oo ku sugan Garilley iyo Abu Mansuur oo gaarey Kismayo.

Xildhivaab Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) ayaa lagu soo warramayaa in uu gaarey deegaanka Garilley ka dib markii looga awood roonaadey malleeshiyo uu hogaaminayey dagaal socdey muddo Saddex beri oo ugu danbeyntii kooxda Al Shabaab ay kula wareegeen magaalada Kismayo.

Xildhibaan Barre Hiiraale ayaa waxaa la sheegey in halkaas ay sidoo kale kula suganyihiin hoggaamiyayaal ay ka soo jeedaan isku beel ku waas oo horey u gaarey iyaga deegaankaasi.

Waxaana sidoo kale wararku ay sheegayaan in deegaannno hoosyimaada gobolka Gedo ka soo ambabaxey malleeshiyo beeleed taageersan Barre Hiiraale ku waas oo gurmad u soo fidiyey hoggaamiyahan.

Waxaana haatan ka socda deegaankaasi abaabul xooggan oo ay wadaan malleeshiyada beeshii gacanta ku hayn jirtey magaalada Kismayo waxaana ay wadaan dadaallo ay markale ku damacsanyihiin in ay dib ugu soo ceshadaan awoodda magaalada Kismayo .


Dhinaca kalena Galbeedka magaalada Ksimayo ayaa shaley gelinkii danbe waxaa iska hor imaad xooggani uu ku dhex marey malleeshiyada Al Shabaab iyo Malleeshiyadii iyadana laga saare magaalada Kismayo waxaana dagaalkaasi uu geystey khasaaro nafeed.

Dadkii ku soo dhaawacmey iska hor imaadkaasi ayaa waxaa la keeney magaalada Kismayo Cisbitaal ku yaalla halkaasi oo iminka lagu dabiibayo.

Dhinaca kalena waxaa magaalada Kismayo soo gaarey maalintii shaley Afhayeenka Ururka Al Shabaab Sh.Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, waxaana uu kala Hadley dadweynaha reer Kismayo fagaaraha beerta xorriyadda waxaana uu u sheegey in ay is dajiyaan isaga oo sidoo kale sheegey in magaalada lagu dhaqayo sharciga.

Mar uu ka hadlayey cidda ay ka qabsadeen magaalada ayuu sheegey in ay ka qabsadeen koox uu ku sheegey in ay ahaayeen Argagaxiso la dirir isla markaana waxaa uu sheegey in arrintaasi ay ahayd tii sababtey in magaalada ay gacanta ku dhigaan oo ay dagaal la galaan malleeshiyo beeleed gacanta ku haysay magaalada Kismayo.

Waxaa iminka gebi ahaanba deggan magaalada Kismayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose iyada oo ay yaalliin cisbitaalka dhaawac farabadan ku waas oo ku soo dhaawacmey dagaaladii dhawaanahakan dhacayey.


Maxamed Cali "Dalmar".
Daljir.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”