Waxaa ka soconaya degmooyin ka mid ah gobolka Gedo olole hub iyo ciidamo loogu ururinayo Col. Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo isaga iyo ciidamo uu wato oo dhowaan kooxaha al Shabaab ay dagaal kagala wareegeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.
Ololahan lagu soo ururinayo hubka iyo ciidamada ayaa waxaa wada qaarka mid ah masuuliyiinta degmooyinka gobolka Gedo kuwaasoo ay ku taageerayaan Col. Barre Hiiraale si uu mar kale u hanto gacan ku haynta magaalada Kismaayo.
Ololahan ciidamada loogu ururinayo korneylka ayaa yimid kaddib markii magaalada Doolow ee gobolka Gedo uu kulan ugu soo idlaaday qaar ka mid ah maamullada degmooyinka gobolka Gedo, odayaal ka soo jeeda beesha Sade iyo saraakiil Itoobiyaan ah, kulankaasoo layskula af gartay inaan loo kala harin taageerada loo fidinayo Col. Barre Hiiraale.
Sida uu sheegay guddoomiyaha Beled-xaawo, Dhaqaalaha ku baxayo ururinta ciidamadan ayaa waxaa gacan ka geysanaya qaar ka mid ah ganacsatada iyo jaaliyadaha beeshade Sade, iyadoo ciidamada ay qeyb ka noqonayaan ciidamo uu wato Col. Barre Hiiraale oo haatan ku sugan degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.
Dhaq-dhaqaaq ciidamo oo ka socda degmooyin ka tirsan Gedo
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
Re: Dhaq-dhaqaaq ciidamo oo ka socda degmooyin ka tirsan Gedo
The Mujahids will return 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 228 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 22 Replies
- 1699 Views
-
Last post by udun
-
- 3 Replies
- 9 Views
-
Last post by Son_of_Somalia
-
- 7 Replies
- 5676 Views
-
Last post by Oxidant
-
- 1 Replies
- 348 Views
-
Last post by sadeboi
-
- 3 Replies
- 374 Views
-
Last post by snoop12
-
- 18 Replies
- 1481 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 3 Replies
- 1116 Views
-
Last post by ababanoah
-
- 0 Replies
- 519 Views
-
Last post by Enemy_Of_Mad_Mullah
-
- 0 Replies
- 514 Views
-
Last post by enemy_o_m_m