crying Abdulahi Yusuf lol

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Nacaas77
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 555
Joined: Mon Jul 07, 2008 10:56 am

crying Abdulahi Yusuf lol

Post by Nacaas77 »

Abdillahi Yussuf oo Qaylo-dhaan iyo Cabasho u diray Melles Zanawi kadib markii Ciidamada Ethiopia ka Caga-jiideen Difaaca Xarunta Madaxtooyada ee uu Go'doonka ku yahay.

Hogaanka Kooxda Emgathi Abdillahi Yussuf oo iminka muddo go'doon ku ahaa Xaraunta Madaxtooyada ee Muqdisho ayaa waxa soo wajahay cabsi iyo jaahwareer siyaasiya oo la sheegay in uu gaadhsiiyey heer uu yidhaahdo waan Is-casilayaa.

Oday Abdillahi iyo Maamulkiisa oo ah mid ay garbaha hayaan Ciidamo Shisheeye ayaa u muuqda iminka mid ay ka caga-jiidayaan ciidamadii Ethiopia ee sida toos ka ah u difaaci jiray, Arintanina waxa ay soo baxday kadib markii Generalka Itoobiya u qaabilsan isku duba-ridka Sirdoonka iyo Siyaasada...General Gabre Dila oo la sheegay in looga yeedhay dalkiisa, taas oo ku timi dacwad cusub uu ka gudbiyey Abdillahi Yussuf.

Dacwadan ayaa salka ku haysa kadib markii dhawr jeer weeraro dhinacyo badan ah ama dhawr jaho ah lagu soo qaaday Madaxtooyada, isla-markaana aanay ka helin ciidamada Madaxtooyadu wax gurmad ah ciidamada Itoobiya iyada oo la sheegay in uu dhegaha-ka-fureystay General Gabre codsiyo dhawr ah oo kaga yimi saraakiisha Madaxtooyada si ay gurmad uga helaan Ciidamada Itoobiya ee xerooyinka ku leh Muqdisho.

Abdillahi ayaa la sheegay in uu isugu yeedhay Gabre iyo Saraakiil kale si ay u sababeeyaan ama u sharxaan gurmad la'aanta iyada oo aan la ogayn wixii ka soo baxay kulankaa.

Warar duul-duul ah ayaa sheegaaya in General Gabre looga yeedhay Addisababa, lamana yaqaan in la bedeli doono iyo in kale. General Gabre ayaa ah nin wakhti dheer ka soo shaqaynaayey Somalia isaga oo la-odhan karo waa nin haya xukunka dhabta ee Somalia. Wararku waxay sheegayaan in Major General Yohannes G. Meskel Tesfa Mariam oo ah taliye kale oo ay qaraabo ama xigto hoose yihiin marwada R/wasaaraha Itoobiya Azeb Mesfin uu haatan isku hayo jagadiisi iyo tii General Gabre.

Wararka hoos ahaan ugu soo burqanaaya Madaxtooyada ayaa sheegaaya in uu Abdillah telephono badan ku qarqiyey R/wasaaraha Itoobiya isaga oo u sheegay in uu is casilayo, haddii aan ciidanka Ethiopia ee ku sugan Muqdishu aano Damaanad qaadin Difaaca Xarunta Madaxtooyada ee uu ku go'doonsanyahay. Abdillahi Yey ayaa markasta ku cawda
in Maleeshiyada uu kala yimid Puntland ay yihiin qaar aan Tayo lahayn oo aan difaaci karayn ama sugi karayn Amaankiisa.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”