Qaraxyada hore oo gaarayey illaa sadex qarax oo aad waaweyn ayaa waxay ka dhaceen bartamaha magaalada Hargeysa abaara 10:20 daqiiqo barqanimo ee maanta, waxaana qaraxyadaasi oo u muuqday kuwo ismiidaamin ah lala beegsaday xarumaha ay ka mid yihin madaxtooyada Somaliland, safaaradda Itoobiya ee halkaasi ku taala iyo xarunta guddiga doorashooyinka Somaliland, ciidamada maamulka Somaliland ayaa soo buux dhaafiyey goobahaasi, waxaana la xaqiijiyey in qasaare balaaran oo dhimasho iyo dhaawacba leh ay ka dhaceen goobahaasi, iyadoo inta laga warqabo illaa hadda xarunta safaarada Itoobiya ee magaakada Hargeysa ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya illaa 20 ruux halka tiro kale ay ku dhawaacmeen, sidoo kale xarunta madaxtooyada ayaa iyana waxaa la xaqiijiyey in dad fara badan ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen sidaay sheegayaan ilo wareed kala duwan oo ku sugan magaalada Hargeysa
THIS IS AL SHABAABS WORK

