Abudwaq police captures killer

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Abudwaq police captures killer

Post by CoolPoisons »

Gacan ku dhiigle horey u dilay aabihii iyo Wiil uu dhalay oo maanta lagu soo xiray saldhiga Booliska degmada Caabudwaaq

Ciidamada Booliska degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku soo dhigay nin gacan ku dhiigle ah oo horey ugu dilay deeegaanka Araare ee isla gobolkaasi Galgaduud aabihiis iyo Wiil uu isagu u dhalay ka dib markii uu soo kala dhexgalay muran dhinaca qoyska ah.

Sarkaal ka tirsan ciidamada amaanka ee degmada Caabudwaaq ayaa sheegay in soo qabashada ninkaasi ay ka dambeysay ka dib markii ciidamada ay weerar ku qaadeen deegaan miyi ah oo la sheegay inuu ninkaasi ku dhuumanayey halkaasoo uu sheegay iney ku soo qabteen, waxaana haatan lagu soo xiray ayuu yiri saldhiga booliska ee degmada Caabudwaaq.

Sarkaalkan ayaa inta ku daray in aan weli go'aan laga gaarin waxa laga yeelayo ninkan oo uu sheegay inu yahay nin fayow oo aan waalneyn, hase ahaatee ay u badan tay in la soo taagi doono maxkamad shareecada Islaamka wax ku xukunta si loo mariyo waxa dembiga uu geystay ay ka qabto shareecada Islaamka oo noqon kara in la la dilo, waxaana haatan arintiisa ku howlan odayaal ka tirsan beesha uu ka soo jeedo ninkaasi oo aan la ogeyn waxay yeeli doonaan.

http://dayniile.com/Novenber2008/4Novenber12.htm
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”