


Dagaalo u dhaxeeya Ururka Al Shabaab iyo kooxo hubaysan oo xalay iyo saakay ka dhacay Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud iyo xaalada oo iminka dagan.
Posted: 11/11/2008 6:34:00 AM
Shabelle: CEELDHEER
Wararka laga helayo degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa shegay in dagaalo ay xalay iyo saakay halkaasi ay ku dhex mareen Cidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Dagaalka ayaa la shegayaa in uu salka ku hayo Amar ay soo saareen ciidamada Ururka Al Shabaab kaasi oo ah in la joojiyo waxyaabaha muqaadaraadka sida Jaadka iyo sigaar,waxaana awaamiirtaasi ka soo horjeestay dhalinyaro deegaanka ah kuwaasi oo intay is aruursadeen weerar ku qaaday fariisin ay ciidamada Ururka Al- Shabaab ay ku leeyihiin degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Dagaalka oo xalay bilowday ayaa la sheegayaa in saakay uu markale qarxay kadib markii ay weerarka ku soo celiyeen kooxihii hubaysnaa fariisinka ciidamada Ururka Al Shabaab ay ku leeeyihiin tuulo ku taala deegaanka Ceeldheer.
Sheikh Cali Dheere oo ah madaxa 4-ta gobol ee Ururka Al Shabaab oo la soo xariiray warqabadka Idaacada Shabelle ee bartamaha Dhexe ee Soomaaliya ayaa xusay in dagaalku uu saakay markale dib u bilowday islamarkaana uu haatan dagaalku socdo.
Sheekha Ayaa waxaa uu intaa ku daray in weerarkii xalay ay ku soo qaadeen kooxaha hubaysan fariisinka Ururka Al Shabaab ay halkaasi ugu geeriyoodeen 2-ka titrsan ciidamada Ururka Al Shabaab iyo dhaawaca kuwa kale isagoo xusay in weeraro sedax ah oo ay xaalay ku soo qaadeen koxahaasi hubaysan ay iska difaaceen oo sidaa uu waagu ugu baryay.
Saakay aroor hore ayaa hadana waxaa weerar kale soo qaaday kooxihii diidanaa awaamiirta Ururka Al Shabaab ee ahaa in la joojiyo waxyaabaha muqaadaraadka Sida Qaadka iyo Sigaar waxaana ka awood roonaaday ciidamada Al Shabaab oo ay hada ku haya degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Waxaan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha dhabta ah ee gala gaaray dhinacyada dagaalku uu dhex maray iyo dadka rayidka in kastoo ay jiraan khasaare soo gaaray kooxihii weerarka soo qaaday iyo ciidamada Ururka Al Shabaab.
Warar aynu goor dhow ka helanay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in Xaalada ay tahay mid iminka dagan mana jiraan wax dhex dhexaadin ah oo laga dhex wado labada dhinac waa xoogaga al shabaab iyo maleeshiyada deegaanka ee xalay illaa saakay ay dagaalada u dhexeeyaan.