MADAXWEYNE

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
abdi ilyas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1767
Joined: Fri Jul 25, 2008 7:20 pm
Location: some where in europa

MADAXWEYNE

Post by abdi ilyas »

waxaa tahay IMiirkii wabiyada iyo badda nooloow :som: :rose:

Markii ay go,doontee

Gobonimadii dhimatee

Gawraca la geeyeee

Dalkii gebi ahaantii

Dabka lagu ganbiyee

Guryihii la ololshee

La gumaaday maatada

Ayaa geesi soo kacay

Gurmad eebe soo diray



Guulwada shariifoow

Geesigii qarniga iyo

Gobonimo udirirkoow

Guushani ku raacdaye

Gaashaanka noo haay



Geyigiaad u dhalatiyo

Gurigii dhabta ahaa

Geeskii aan ku noolayn

Go,doon baa la geliyoo

Gaasas aan naxayniyo

Guluf baa la geliyooo

Waa la gaabshay gebigeed

Gocora aan naxayniyo

Garmaqaatayaal baa

Gam ka siiyay maatida

Ka gilgilo xumaatada

Garo waajibaadkaaaa



Guyaal iyo guyaalbaan

Guusha caawa noo timid

Geesiyaw sugayneee

Gacantaada eebaaa

Ku guuleeyay maantee

Gadhwadeen nadiifoo

Garyaqaaan cadliya

Noqo ruux gaaraadloo

Gobonimo udirir ooo

Geyigoo dhan gaadhsii

Nabad lagu gam, oo wacan

Googol qudha isugu keen

Gardarada ka dheeroow

Gooni haysu taagine

Garabahaaga nimankii

Geesaha ka joogeeee

Guusha kuu horseedee

Geesiyaashii waydii

Garashana ka kaashoo

Garo waajibaadkaaaa





Guulwade shariifooow

Geesigii qarniganaaw

Dadkan kala go,doome

Gararkaa ka kala dhacay

Guryahoodii wada keen

U gargaar agoontooo

Garab qabo haweenkoo

Uguntoo dadkoo idil

Cudurada gumaadiyo

Gaajada haleeshiyo

Geerida dhamaysiyo

Garaad xumada taaliyo

Jahligaa gardaadsaday

Ka gilgilo xumaatada

Garo waajibaadkaa



Danta reer galbeedkiyo

Gocorada itoobiya

Inta guushayada neceb

Inaan horumar gaadhnoo

Weligaa ka gaabsooo

Gogoshooda haba gelin

Haw garaabin weligaa

Ha garawsan hadalkood

Guurtida dalkeeniyo

Geeshkii aqoontaaa

Garabkaaga joogeee

Gargaar dibad ka yimid

Ha guuxin cadawgaaa

Ka gilgilo xumaatada

Garo waajibaadkaaa









Xilka aad gudoontee

Garabkaaga saarani

Guushii dadkaagiyo

Galaday sugaayeen

Guuloow ka yeeeloo

U gargaara gudoonshaha

Ilahaaw la garab qabo

Guul iyo baadhaadhi

Gobonimo midnimo qaran

Guuloow na gaadhsii

Gulufkiyo colaadiii

Soo gebegebeeyooo

Soomaaliyeey garaadsada

Garbaha is qabsada oo

u guntada wanaagiyo

xaqa wada garwaaqsada





W/Q Cabdiraxiin Hilowle (Galayr)

abdirihiin1@hotmail.com


User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Re: MADAXWEYNE

Post by sheekh-Farax-zero »

nice Buraanbur :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”