Waxagarad beesha Tanade (Leelkase) ku eedeey dilkii Puntland

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Dudaaye
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 796
Joined: Wed Sep 03, 2003 7:00 pm
Location: Goldogob Distirict: leelkase State

Waxagarad beesha Tanade (Leelkase) ku eedeey dilkii Puntland

Post by Dudaaye »

http://www.dayniile.com/Feberuary2009/07Feberuary15.htm

Waxagarad beesha Tanade (Leelkase) ka soo jeeda oo ku eedeeyey dilkii Nabadoon Cabdi Kacaan in ay ka danbeysay Puntland

Waxaa na la soo gaarsiiyey qoraal ay soo direen xubno isugu jira siyaasiyiin & aqoonyahano ka soo jeeda gobolka Mudug, waxaana qoraalkooda ay ku cambaareeyeen dilkii dhowaan loogu geystay magaalada Gaalkacyo nabadoon Cabdi Kacaan oo ka mid ah waxgaradka sida weyn looga yaqaan gobolka Mudug.

Xubnaha qoraalkan soo saaray oo ay kala jooga Mareykanka & Canada ayaa waxaa ka mid ah Mahad Xassan Faarax, C/risaaq Muuse Xaange & Cabdicasiis Banaaneey waxeyna ku tilmaameen dilkaasi inuu ahaa shirqool ay soo abaabuleen maamulka Majeerteeniya, oo sida ay yiraahdeen muddooyinkii ugu danbeeyey ku howlahaa sidii ay isaga hor keeni lahaa beelaha Sacad & Leelkase ee wada degan gobolka.

``ALLAHA u naxariistee Cabdi Kacaan markii aanu dilkiisa maqalnay waxaa dadka loo sheegay in ay ka danbeeyeen Alshabaab, hasse ahaateen markii aan xiriiro kala duwan & baaritaano sameynay waxaa la inoo xaqiijiyey in dilkiisa ay geysteen rag Majeerteen ah oo ay soo direen maamulka Puntland, ujeedadooduna ay tahay sidii la isaga hor keeni lahaa Galmudug State & beesha Tanade`` ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen xubnahaasi, waxeyna u soo jeediyeen maamulka Puntland in ay degdeg ugu soo wareejiyaan ciddii ka danbeysay dilka sarkaalkaasi.

`Cabdullaahi Yuusuf lug weyn ayuu ku leeyahay xasarada & dilalka Mudug, waxaana u wanaagsan mar haddii uu wadankii isaga cararay oo xittaa uu deegaankiisii isu aamini waayey inuu faraha kala baxo arrimaha gobolka ee uu ku ekaado halka uu qaxootiga ku yahay inta laga gaarayo xilliga ay ummadda Soomaaliyeed kala xisaabtameyso wixii uu wadanka ka geystay`` ayaa lagu yiri qoraalkaas, waxaana intaa lagu daray.

"Waxaan ugu baaqeynaa qeybaha kala duwan ee bulshada beesha Tanade ee ku dhaqan gobolka in ay il gaar ah u yeeshaan shirqoolada iyo isku dirka ah deegaanadaasi ka wadaan beesha Majeerteen, ayna u midoobaan sidii ay dhagartaasi meel uga soo wada jeesan lahaayeen"


--------------------------------------------------------------------------------

Cabdishakuur Cilmi Xasan
cabdishakuur48@live.com
Xamud.
Posts: 11173
Joined: Sun Mar 11, 2007 11:13 am
Location: Halabokhad,Mudug. Bunlayn

Re: Waxagarad beesha Tanade (Leelkase) ku eedeey dilkii Puntland

Post by Xamud. »

Ilaahey ha u Naxaristo Adeer Abdi Kacan, I met him twice during my stay in Gaalkacyo last year. May he allah gran him Jaanaho Fardowasa.

who ever killed him will pay it. You dont spill reer Fiqhi ismaciil blood in gaalkacyo with out having to face the consequences. Puntland meeysan diilin asaga oo Masajiid ka so baxayo baa la dilay.

duudaye qofki qoray warkaan waa qof cuqdad iyo xanuun majerteen ka buxu? Puntland raagi Majerteen o la dilay ma iyaka dilay? get fukk outta here with your bullshidh!
User avatar
Dudaaye
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 796
Joined: Wed Sep 03, 2003 7:00 pm
Location: Goldogob Distirict: leelkase State

Re: Waxagarad beesha Tanade (Leelkase) ku eedeey dilkii Puntland

Post by Dudaaye »

Xamud. wrote:
Puntland meeysan diilin asaga oo Masajiid ka so baxayo baa la dilay.
:?: Puntland meeysan dilin??

Yaa dilay marka Ma noo sheegi kartaa ? Ma Sacad baa dilay ??

Are you ready to Kill Your neighbor Sacad now? and are you ready to die for Majerteenia ? :lol:
Xamud.
Posts: 11173
Joined: Sun Mar 11, 2007 11:13 am
Location: Halabokhad,Mudug. Bunlayn

Re: Waxagarad beesha Tanade (Leelkase) ku eedeey dilkii Puntland

Post by Xamud. »

Listen you bloody sheegato! I called gaalkacyo maanta Awoowgay waa Odaayasha Reer Fiqhi Ismaciil oo la yaqaano wuxuna igu yiri ciidi dhishay lama yaqaano awoowo! Adiga iyo midkan la baxay qardasay, magaca Leelkase baad rabtin in aad dhishin, Neighbourka iyo waxad sheegeysid waa maxay? ciidi dhishay ilaahey ba og, Majerteen waa niman marna ila dhashey marna aan is dhalnay, Xeer mageed baa ina dheex yalo oo ninka Leelkase ah oo Majerteen wax ka dilo waa banaanka oo wa la dhibaya iyakana sido kale ninki wax Leelkase ka love weey dhibayan.
User avatar
gemini07
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7100
Joined: Fri Jan 18, 2008 9:44 am
Location: president of amiir faroole's fan club

Re: Waxagarad beesha Tanade (Leelkase) ku eedeey dilkii Puntland

Post by gemini07 »

Xamud :up: :up: :up:
User avatar
snoop12
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4399
Joined: Sat Oct 11, 2008 7:13 am

Re: Waxagarad beesha Tanade (Leelkase) ku eedeey dilkii Puntland

Post by snoop12 »

Xamud, my uncle and his Leelkase friend told me about A/Y and how he cold bloodely murdered Leelkase and Rer Dalals because we did not want ethiopians in our land.

they were also talking about how Leelkase and rer Dalals fought side by side defending Galkacyo against the Hutu Militia, some great history and battle stories :P horta how come Leelkase back stapped their rer DAlal brothers and never gave them their LION share in Galkacyo??? and why did you rejoin our once enemy A/Y and his kind such as Cadde muse???

rer Dalal and Leelkase true DAROODS of the north :up: :up: :up:
Xamud.
Posts: 11173
Joined: Sun Mar 11, 2007 11:13 am
Location: Halabokhad,Mudug. Bunlayn

Re: Waxagarad beesha Tanade (Leelkase) ku eedeey dilkii Puntland

Post by Xamud. »

Snoop
First of all LEELKASE IYO REER DALAAL HAA IS BAR BAR DHIGIN

Second we never back stabbed any one! Marexaans are gob as far as am concerned, with out them Gaalkacyo xor meysan ahan lahayn maanta/

Third: Abdulahi Yusuf never touched a single Leelkase! no dares to look twice at us in mudug? only mad men would pull such stunts. Also Reer Dalaal Gaalkacyo ma dagaan ee maxa wax laga siyaa?
User avatar
snoop12
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4399
Joined: Sat Oct 11, 2008 7:13 am

Re: Waxagarad beesha Tanade (Leelkase) ku eedeey dilkii Puntland

Post by snoop12 »

WHAT :?:

ok, since you probaly know this more then i do, i will have to confirm which Deegans were attacked next time i meet with my Leelkase corresponder:up:

alright Rer Dalal and Rer Fiqi ismail :P

as for Rer Dalal not being part of Galkacyo??? why did thousands of Rer Dalal boys die to defend a land they had nothing to do with?? Galkacyo is as much marexan land as any other tribe if not MORE.
And marexan not being able to have their rightfully Deegans in Galkacyo due to the people they were defending not allowing them is just PATHETIC :down:

IS that not CLEAR back-stapping ??
User avatar
Dudaaye
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 796
Joined: Wed Sep 03, 2003 7:00 pm
Location: Goldogob Distirict: leelkase State

Re: Waxagarad beesha Tanade (Leelkase) ku eedeey dilkii Puntland

Post by Dudaaye »

snoop

Xamud 24/7 majerteen sub clans ayuu la yimaadaa meesha.
He rarely mentions their clan, and only mentions their sub clans
but now ma rabo in uu Rer dalal ka hadlo

Why I love and respect these Clans

Rer Dalal
Dir
Sacad
Madhibaan
Awrtable
Salabaan

Waa dad Islaamnimo damiir dadnimo iyo Wadanimo laga dareemo

but majerteen and their dogs (example: xamud) always conspire against somalis, their main intention is to rule the country. the majerteen do not consider Xabashis an enemy of Somalia and see somali clans as their main enemy.

Here's a conversation i had recently with Somalian_Boqor
Dudaaye wrote:
What Politics ??

Treachery & Treason that's not politics

Since 1978 majerteen have always been traitors
His response to my Post
Somalian_Boqor wrote:Going against Majeerteen iyo Majeerteen interest is Treachery & Treason and is the sole reason Siyad Barre came down. Majeerteen is Somalia one must understand that.
Xamud.
Posts: 11173
Joined: Sun Mar 11, 2007 11:13 am
Location: Halabokhad,Mudug. Bunlayn

Re: Waxagarad beesha Tanade (Leelkase) ku eedeey dilkii Puntland

Post by Xamud. »

Dhusaye
Yadda Yadda Yadda Dude your giving us a bad name!! ninka la dilay waa nin reer fiqhi Ismaciil ah oo weliba ah nin aan is naqaano oo adeerkey ah, Maxaa adiga kaga shan iyo toban ah? Leelkase sheegato ma laha ee orad qabiladas kale sheego! Cuqdad baad qabta iyo xanuun qatar ah orad isa so dawee.
Xamud.
Posts: 11173
Joined: Sun Mar 11, 2007 11:13 am
Location: Halabokhad,Mudug. Bunlayn

Re: Waxagarad beesha Tanade (Leelkase) ku eedeey dilkii Puntland

Post by Xamud. »

Snoop
Dhusaye waa Sheegato ha maqliin tuuga!
User avatar
snoop12
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4399
Joined: Sat Oct 11, 2008 7:13 am

Re: Waxagarad beesha Tanade (Leelkase) ku eedeey dilkii Puntland

Post by snoop12 »

Xamud. wrote:Snoop
Dhusaye waa Sheegato ha maqliin tuuga!
Xamud thanks for pointing it out

and im sure you ment lineage wise Rer Dalal and Leelkase can not be alined, CORRECTION Marexan and Leelkase was what i ment. :P


Yes, i got to the coffe house and the Leelkase elder was there. he told me it was Goldogob iyo balambal that was attacked by A/Y and Ethiopian militants, he also told me that they in effect took over the deegans but not without heavy casualties and i hope they burn in hell, but AUN to the heroes that fought the ethiopian army in these deegans.


i cant believe you dont know this, or are you completely in denial for some political reason??

whether or not i dislike A/Y and beesha Majerten for supporting him, THE FACT that he attacked inocent somali herders and their towns is something that needs to be known and discussed.
Sagaashan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2967
Joined: Thu Jan 15, 2009 9:48 am
Location: Xalane, mUGANDAshu

Re: Waxagarad beesha Tanade (Leelkase) ku eedeey dilkii Puntland

Post by Sagaashan »

Adeer Xamudow alla Cabdi Kacaan ha u naxariisto. sheekadaan waxaan ku soo xasuustayo qiso ey daabacday tanadland, sept 2008:
Yay Tahay Beesha Rabta In Magaalada Gaalkacyo Karbaash Looga Saaro Oo Xoogaagana Laga Daadsado?. 18 Sep 2008
Intii ayaamahakan ahaydba waxaa kasocdey magaalada Gaalkacyo amuur wax allaale iyo wax lagu sheego aan la aqoon oo is xag-xagasho baas ah. arintaan ayaa waxay ka bilaabatay iskuday dhicisoobey oo ay samaysay beesha Sacad ayna rabtay inay xaqeeda ku soo dhacsato. sababtuna waxay tahay beesha Sacad sidii magaalada Gaalkacyo looga saarayba mudo dheer bay gaalkacyo marti ku ahaayeen, Xamarna isbaaro iyo xoriyad bay ku haysteen. laakiin maantay nimankii magaalada la deganaa ee ay xulafaysteen ayaa xamarna karbaash uga soo saaray. xaafadii [baraxley] ahayd bayna isugu yimaadeen oo ay ku wada dulmanyihiin.

Waxayna ahaayeen mudo dheerba niman ay dantu ciishay oo dibnaha ruugaya, iyagoo hamuun qabana haleeladii laga dhacay uu rag kale hortooda iyo hareertoodaba ku maalayo. waan waan iyo wanaag markay wax ku waayeena waxay dani ku kaliftay inay garoonka diyaaradaha wax yar oo arbushaad ah ay kasameeyaan. iyagoo meel gawaan ah iyo baqaar garoonka ku yaala xabado ku ridey.maalintaasna fadeexad xun oo wax badan laga sheekayn doono ayaa garoonka kadhacday, nimankii gunada ku qaadanjirey inay garoonka difaacaana waa ay ka baqeen inay gacanta fidiyaan.

Magaalada Gaalkacyo ahi waxay leedahay sadex ilo dhaqaale oo u daqli ka soo xeroodo waana labada koontarool iyo garoonka diyaaradaha. labada koontarool ee magaalada maamulkooda iyo daqliga ka soo xerooda waxaa qayb u helay beelaha gobolka Mudug ugu badan ee beelaha (Muuse Cali), (Maalismoge) iyo ree (Maxamed Carab). garoonka diyaaradahana waalawada maamulaa walow beesha majeerteen maamulka intiisa badan
qayb loo siiyey.

Waxaa kaloo jira labo nin oo lagu maadsado magaalada oo dhan xaafada beeshoodana aan soo dhaafin cabsi ay ka qabaan in la dilo darteed, hase ahaatee sheegta inay yihiin gudoomiyaha gobolka iyo duqa magaalada, nimankaan ducufada ah ayaa waxaa buun buunin jirey websaydyada beeshooda iyo dadyowga ay ku adeegtaan. waa dhexdeer ah ayaa waxaa dhacday in ay nimankii reer baraxley ahaa sidookale yeeleen oo ay maamul wax ay ku sheegeen ay samaysteen. ujeedada ugu weyn ee ay beesha sacad isu abaabushayna waxay ahayd inay xaqeeda ka maqan soo dhacsato.

Laakiinse taasi umay suurto gelin illaa iyo hadeer. markii ay garoonka xabadeejeena balaayo ayaa ka raacday, waxaana laysugu daray hanjabaad iyo cagajugleyn oo waxaa lagu yiri hadaydnaan mooryaantiina falkaan geystay aydnaan nookeenin cirkaanu idinku soo dumineynaa. taasoo loola jeedey maantay oo aydnaan haysan meel aad u qaxdaan ayaanu idin qixinaynaa. Reerka Sacad layiraahdaana maantay waa reero faro maran oo dhulka yaala tabarina aysan ku harin oo ay haadu ku dul wareegeyso.

Dhowr todobaad markay magaaladu doqonimo ay ka nabdoonayd ayaa goor habeen ah waxaa fal dil ah ka geystey nin isqarinaya oo gafuurka iyo wejigaba soo duubtay. Magaalada gaalkacyona maadaama ay magaalo balaaran oo beelo dhowr ahi wada degaan tahay, Iskudhicida ayaa ku badan aalaana tobananeeyo iyo in kabadan oo dad ah ayaa ku naf waaya. xasarad saas ahna magaalada lagama dareemo. walow ninka ladillay iyo kan wax diley toona uusan ahayn reer Tanadland hadana waxaa laysla gartay in arintaan si deg-deg ah laysaga yihiimaado.

Waxaana habeenkii uu shilku dhacay maalinteedii shir balaaran isuguyimid saraakiishii hore ee ciidamada, siyaasiyiin iyo waxgaradka reer [Tanadland] ee gobolka Mudug. shirkaas oo kadhacay mid ka mid ah Hoteelada waaweyn ee magaalada gaalkacyo oo layiraahdo hotel [kaah]. waxaana laysla gartay in talaabo adag laga qaado beesha ay ku cadaato in iyadoo shaati diimeed ku gabanaysa iskadaah waxay nayeelaane, haday goor habeen barkii ah ay jahadooda xabadi nooga soo dhacdo, in isla habeen barkaasba magaalada laga jafo oo karbaash looga saaro waxa fadarada ah. Hubkadhigisna lagu sameeyo oo aanan laga harinin inta nin iyaga ah uu qori gacantiisa ku jiro.

Tan iyo maalintii ay beelaha reer Tanadland ee gobolka Mudug ay ku shireena magaalada Gaalkacyo waxaa lagu dilay oo dhegta dhiiga loodaray rag ka badan 23 nin. ragaas magaalada lagu dhex dilayna 18 kamid ah ay isku beel ka soo jeedaan. waliba waxaa ragaas ku jira niman oday dhaqameedyo ah iyo ganacsatadii beeshooda ugu muhiimsanaa. ninkii ugu danbeeyey oo shaqaaqada magaalada gaalkacyo lagu dilona wuxuu ahaa nin reer baraxley ah oo kibrey, siduu rag dhiigiisa ugu qubeysanayeyna bahaloobey.aaqiritaankiina inta laqabtay lagudiley meel xabsi ah oo in mudo ah lagu hayey. sida la sheegayna nimanka haystaa ninkaas inay dilaan maysan rabin ee hadalo nimankii haystay uu ugu hanjabey ayaa waxay gaareen reerihii ragooda la laayey.

Hadalka u eersaday lana qoonsadayna wuxuu ahaa oo uu ku yiri nimankii haystey '' inaad ihaysataan iyo inaad isiideysaan waxaa laydiin qaataa oo idiin roon inaad isiideysaan'', Sababtoo ay tahay dadka aad tabeysaan kuwo kabadan ayaa mar dhow la waayayaa hadaydnaan iska kay siideyn. Hadaan ka jawaabo su'aasha qormada ee ahayd, yay tahay beesha rabta in magaalada Gaalkacyo karbaash looga saaro oo xoogaagana laga daadsado?. anigu sidaan qabo qolada ismoodsiisa waxaysan ahayn iskana indhotirta in ay beelaha reer Tanadland ay yihiin quwada kaliya ee gobolka mudug kajirta, talada gobolka iyo kan degmada gaalkacyona ay tahay in iyaga looga danbeeyo. Hadii kale reer (taloxun) wixii idinku dhaca idinkaa iskudhigay ee ogaada.
Sagaashan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2967
Joined: Thu Jan 15, 2009 9:48 am
Location: Xalane, mUGANDAshu

Re: Waxagarad beesha Tanade (Leelkase) ku eedeey dilkii Puntland

Post by Sagaashan »

taariikhda oo Cabdi Kacaan oo gaabana waa tan:
Walaalayaal waxaa maalinkii Jamcaha ahaa ee doraad ka horeysey magaalada Gaalkacyo lagudiley nin magac iyo maamuus kudhex leh reer Tanadland iyo Soomaalida inteeda kaleba.Sifaha lagu diley iyo sida loogu soogabadayna waxay shabahdaa sidii ay daalimiintu asxaabtii nebiga iyo ehelu qayrka udagi jireen, maalin jamcaa isagoo alle dertiis salaadii jamcaha masaajid ugu socda ayey dhexda ugaleen.

Col. Cabdi oo ku magacdheeraa (Cabdi Kacaan) wuxuu kamid ahaa saraakiishii ciidanka nabad sugida ee caanka ahaa wakhtigii uu dalka ka arimin jirey Kacaankii barakaysnaa. sida ay dad yaqaana weriyeena wuxuu ahaa (Cabdi) nin neceb dadka kushaqaysta eexda, musuq-maasuqa iyo laaluushka. wuxuu kaleetoo ahaa nin qadiyada uu aaminsanyahay ku adag, Ina (Cadeysey Dhagahoor) rabi jano iyo raxmad hasiiyee waxaa lagu sheegay in uu ahaa nin nadiif ah oo an xamili karin in qof muwaadin ah sinaba loogu xadgudbo.

Wuxuuna ahaa nin sifooyinkaas lagu bartay oo loogu bixiyey magaca ah (Col.Cabdi kacaan). Balse dadka aqoonta durugsan u leh (Col.Cabdi kacaan), sifaha shucuurta Cabdi Kacaan) iyo dhaqan wanaagiisu waxay ahaayeen sinji uu firkiis ka dhaxlay.

(Col.Cabdi kacaan) aabihiis Caaqil (Cadeysey Caaqil Dhagahoor) wuxuu ahaa Caalin Caaqil ah oo garyaqaanimo ku caanbaxay. waagii dowlada la ahaa (Col.Cabdi Kacaan) iyo (Col. Ciiro Xirsi Cali Siigo) waxay iigu tirsanaayeen saraakiisha beesha reer (Fiqi Ismaaciil) ay kulahayd Ciidankii nabadsugida, labada nin ee ugu fir-fircoonaa uguna galgalka iyo xargo xirka badnaa.waxaana labadaba kubartay xarunta wakaaladii daawada ee (Isbiima) oo an mudo kayd haye ka ahaa.

Col.Cabdi Kacaan muusan ahayn nin aan muuqiisa arkay balse had iyo gooraale wuxuu ahaa nin ay ganacsatada beesha ee kaganacsada daawooyinka ay aad u hadalhayn jireen, iyagoo uga abaal sheeganaya xoolo ay leeyihiin oo si sharcidaro ah dekeda iyo garoonka loogaga xanibay oo u usoodhiciyey. ninka labaad oo ay ganacsatada beeshu aadka ula dhacsanayd waxna ukala furdaamin jirey wuxuu ahaa gudoomiyihii [Iskaashatada Ganacsatada Dawooyinka Iyo Farmashiyoleyda Soomaaliyeed], gudoomiye (Col. Ciiro Xirsi Cali Siigo) oo u kamid ahaa qudhiisu ganacsatada waaweyn ee daawooyinka ka ganacsada.

(Col. Cabdi Kacaan) rabi jano iyo raxmad hasiiyee waxaa dadkii yaqaaney ay ku sheegi jireen in uu ahaa nin goorwalba iyo amin kasta dadkiisa si mutadawacnimo ah in uu ugu shaqeeyo jecel. marwalbana dantiisa danaha umadiisa ka hormarin jirey. wanaagaas uu (Col. Cabdi Kacaan)dhigtayna waa mid uu dadkiisu uga abaal hayo. warasadiisa iyo ehel kiisana waxay u noqonaysaa dhaxal maguurto ah oo an abidkeed la ilaawi doonin.

Hadaba aniga oo ka xun dilka gardarada ah ee loogeystey marxuum (Col. Cabdi Cadeysey Dhagahoor) ayaan waxaan jeclaan lahaa in aan kobtaan ugaga tacsiyeeyo qaraabada iyo ehelka marxuumka.

Aniga oo ah [Saxardiid Xareed Bulxan] kuna hadlaya magacayga iyo kan qoyska reer [Bulxan Kaarshe], kana xun dilka gardarada ah ee loogeystey marxuum (Col. Cabdi Cadeysey Dhagahoor) ayaan waxaan jeclaan lahayn in aan kobtaan ugaga tacsiyeyno qaraabada iyo ehelka marxuumka.
waxaana ay tacsidu kasocotaa oo diraya dadka ay magacyadoodu hoos ku xusan yihiin.
Xamud.
Posts: 11173
Joined: Sun Mar 11, 2007 11:13 am
Location: Halabokhad,Mudug. Bunlayn

Re: Waxagarad beesha Tanade (Leelkase) ku eedeey dilkii Puntland

Post by Xamud. »

Sagaashan
Adeer Ilaahey ha u naxaristo inti dhimatay. Ninka Qoray articalka yu yahay? maa reer mahamed muumin baa?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”