somalia's next prime minister

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
peace-
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3307
Joined: Sun Oct 19, 2008 11:34 pm
Location: Sabool dhargaa nabada waa iskaga safaadaaye.

somalia's next prime minister

Post by peace- »

ali khaliff galaydh


Image

Wararka aanu ka helayno xarunta ku meel gaadhka ah ee dawlada Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee magaalada Jabuuti, ayaa waxay tibaaxayaan in si weyn loo hadal hayo, shakhsigii ra'isalwasaaraha ka noqon lahaa dawlada wadaaga ah


Hadaba kulamo tiro badan oo Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu la yeeshay la taliyaayaashiisa dhanica hogaanka siyaasada ayay dhamaantood farta ku fiiqeen in Dr. Cali Khaliif yahay shakhsiga ugu haboon ee maanta qaban kara xilka ra'isal wasaaraha Soomaaliyeed.

Hadaba mar aanu khadka taleefoonka ku tiigsanay shakhsiyaad aad ugu dhow dhow, aadna ugu dhuun daloola xulashada ra’isalwasaaraha, waxay carabka ku dhufteen ragga ugu cadcad baarlaamnkuna raaliga ka yihiin iyo waxa looga baahan yahay. Ugu horayn musharaxu in uu aqoon sare leeyahay, waa in caafimaadkiisu dhan yahay xaga maskaxda, waa in aanu dalka danbi ka galin. Haddaba shaqsiyaadka aanu waraysanay oo ka gaabsaday in magacooda la baahiyo wakhtigan xaadirka ah ayaa sheegay in baarlamaanka dhexdiisa ay ugu cad cadyihiin Mudane Dr.Cali Khaliif Galaydh. Maslax Maxamed Siyaad bare, professor Gaandi. Xasan Abshir faarax . Dr Cali Axmed Jaamac Jengeli. Jaamac Maxamed Qaalib.

Waxaa intaa dheer in beesha Caalamka, Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika iyo Wadamada Reer Galbeedka& Shacabka Soomaaliyeed oo iskaashanayaa ay si buuxda u taageerayaan Mudane Cali Khaliif Galaydh oo ah aqoonyahan si weyn looga yaqaano Soomaaliya iyo aduun weynahaba.

Sidoo kale Cali Khaliif Galaydh oo ah aqoonyahan khibrad sare u leh arimaha soomaaliya, in badana barre sare ka soo noqday jaamacadaha wadanka maraykanka qaarkood, isla markaasina ah shakhsiga keliya ee isu keeni kara gobolada waqooyi galbeed iyo waqooyi bari, kartideeda iyo dulqaadkeedana leh ayaa u muuqda inuu noqonayo ra`isalwasaaraha dawladan jabuuti lagu yagleelay..


Dr.Cali Khaliif Galaydh waxa lagu xasuustaa inuu ahaa ninkii soomaaliya ka badbaadiyey in la weeraro ka dib markii goobo badan lagu sheegay inay Alqaacida joogto, sida Laascaanood, Shimbiraale iyo Kismaanyo,Suuqa bakaaraha qorshaha duqayntan oo ay ka dambeeyeen Cabdillaahi Yuusuf iyo koox la xulafa ahayd, Mudane Cali Khaliif wuxuu cagihiisa ku tegay xarunta gaashaandhiga maraykanka,ee Pentagon wuxuuna si hufan oo aqoon sare ku dheehan tahay uga dhaadhiciyey inaysan arrintaasi waxba ka jirin, sidaasi ayaana lagu aqbalay…

Dr. Cali Khaliif oo ah aqoonyahan ay beesha caalamku si weyn u taqaano, wuxuu mar ra’isalwasaare ka soo noqday dawladii Carta, isagoo isla wakhtigaa qaaday dagaalkii uu ku soo celiyay kursigii qaramada midoobay ee somaliya oo Ethiopia maamulanjirtay wakiilna uu labada dalba u ahaa Abdulmajiid Xuseen oo Malez Zenawi u magacaabay inuu labada xilba isku hayo maadaama u yahay nin Soomaaliya Ethiopian ah.

Hadaba markii ay dawlada Itoobiya aragtay inuu yahay ninka keliya ee soomaali midayn karaya soona celin kara midnimadii Somaliyeed waxay si deg-dega laaluush ugu bixisey sidii kursiga looga tuuri lahaa waxaanay hawshaasi ku bixisey dhaqaale lixaadle. Taas oo ku danbaysay in Dr. Galaydh si hufnaana faraha ugala baxay maamulkii uu madaxda ka ahaa, isagoo si nabadgelyo ku jirto xukunkii u wareejiyay..

Hadaba marka la soo uruuriyo saadaasha ay bixinayaan xeeldheerayaasha siyaasada soomaaliya u dhuun daloolaa Dr. Cali Khaliif Galaydh waa shakhsiga keliya ee maanta soo celinkara rajada Soomaaliya oo mar danbe hanata hogaankeeda, kana saari kara xaaladan qalafsan iyo jaahwareerka, waana shakhsiga ugu miisaanka culus ee ilaa hada u taagan xilka wasiirka koowaad ee Soomaaliya, marka la eego aragtiyaha ay qabaan, baarlamaanka, bulshada caalamka, iyo shacab weynaha Soomaaliyeedba.
User avatar
Samatr
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14767
Joined: Fri Feb 11, 2005 4:56 am
Location: Somewhere only we know :P

Re: somalia's next prime minister

Post by Samatr »

This dude looks like my father, I swear Soomaalidu wey isu wada egyihiin. :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”