
KN. Iyada oo maalmahan la is dhex marayay inay jiraan wadahadalo qarsoodi ah oo dhex marayay Sh Shariif iyo qaar ka mid ah hogaanka muqaawamada Soomaaliyeed ayay KismaayoNews u suura gashay inay ka xaqiijiyaan Sh Xasan Turki.
Sh Xasan C/Laahi Xirsi (Turki) oo haatan ah ku xigeenka isbahaysiga cusub ee Xisbul Islaam ee uu madaxwaynaha ka yahay Dr. Cumar Iimaan Abuubakar isla mar ahaantaasna ah madaxa Mucaskarka Raaskambooni oo markii u horaysay la hadlay saxaafada tan iyo intii isbadalada siyaasadeed ka dheceen dalka Soomaaliya ayaa beeniyay in wax wada hadal ahi dhex maray isaga iyo maamulka cusub ee Sh Shariif.
Sheekha ayaa yidhi waxaan maqalay inaan Muqdisho joogo oo aan wada hadlayno Shariifka, waxaan idiin cadaynayaa inaanan Muqdisho tagin laga soo bilaabo bishii Sept 2006 xilligaas oo ahayd "Markii aan Muqdisho ka saarnay Ashahaado La Dirirki. Bishii June 2006 ayaan birmad ahaan ku tagnay magaalada xilligaas ayaan aniga shakhsiyan iigu danbaysay. Wax Sheekh ah iyo Wax Shariif oo aan wada hadalay ma jiro".
Mar la waydiiyay sida uu arko is casilaadii C/Laahi Yuusuf, Bixitaankii Ethiopia iyo Sh Shariif caleemo saarkiisa ayuu ku jawaabay Sheekh Xasan Turki: "C/Laahi Yuusuf iyo Xabashidu ismana casilin kama bixin wadanka ee Mujaahidiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa u huray dhiig, naf iyo maal in maalin cad ay kala cararaan ee niman ikhtiyaar lahaa ma ahayn. dhinaca kale SH Shariif laba mid unbuu noqon 1) inuu noqdo nin shirka u gala nadaamkii mandhalays ka ahaa ee C/Laahi Yuusuf iyo Geedi ka shaqaysiin waayeen ama 2) inuu noqdo nin ummadda Soomaaliyeed wuu ogyahay waxa ay rabtee iyada u hogaansama oo cadowga Ilaahay iyo cadowga Soomaalida xadhkaha u gooya"
"Shariifka laba shay kaliya ah ayaan kula talinayaa oo ah inuu si cadaan ah u sheego inuu wadanka Shareeco ku xukumayo iyo inuu qoladan Afrikaanka ah ee la Maraykanku uu soo lug gooyay uu u sheego inay wadamadoodii ku noqdaan. Hadduu Shariifku sidaas yeelo aniga ugu horeeya cid taageerta"
"Warku waa iska cad yahay wixii aan dhiig iyo dhaqan u bixinay ummaddan qiimaha ugu yar ee ku kacayso waa dawlad Islaam ah oo buuxda oo aan waxba ka dhimanayn. Intaas wixii ka soo hadha waa shinbirayahow heesa".
"mida kale waxaan idiin sheegayaa sheeko baralayda ah waxaa jira dad uun dagaal doonaya waa been. Ma jiro qof uun dagaal doonaya. Dagaal waxaa ugu fadli badan Jihaadka isagana Ilaahay wuxuu Quraanka ku leeyahay waad neceb tihiin, yacni inaad Jihaad gashaan, marka ma jirto in qof uun dagaal u samaysan uu jiro. Waxaase jira ahdaaf cid waliba ay u marto inay dagaal gasho. Bal u fiirso dagaalka uu cadowgu nagu soo qaaday wuxuu ugu gol lahaa inuu baab'iyo mujaahidiint, Ilaahay ayaase ka diiday"
"Adeer ma anagaa dagaal doon ah mise kuwa naga soo horjeeda? Waad ogtihiin 3 jeer ugu yaraan ayuu Maraykanku cirka iyo baddaba iga soo toogtay, maxaan ka bi'iyay baad u malaynaysaan? Waxaan u dhimanayaa kaliya inaan idhi RABBIGAY WAA ALLAAH". Waxaad ogsoonaataan in ummadani ay Muslim tahay oo Shaydhaan iyo xulafadiisu col ay la tahay. Shareecadii ayaa laga dhigay koontarabaan. Iyaga ayaa yidhi dadku xor ayay u yihiin inay waxay doonaan doortaan, markaan Shareecada dooranay gantaalaa naloogu jawaabay. Falastiin markay Xamaas dooratay ciqaab ayaa loogu jawaabay iyo in kiimiko lala dhaco caruurta" Ayuu hadalkiisii ku sii daray Sh Xasan Turki.
Sh Xasan Turki ayaa ilaa 1993dii wuxuu ka hawl galayay deegaamada gobolada Jubbadda Hoose isaga oo ka aas-aasay mucaskarka la magac baxay Raaskambooni kadib markii uu diiday inuu hubkii ururkii Al Itixaad la aaso xilligii ay wadanka qabsaden ciidamadii UNISOM ee Maraykanku hogaaminayay. Sh Xasan ayaa ku gacan saydhay baaqaas ahaa in la kala danaysto. Mucakaskarkan ayaa ah midka ugu qadiimsan ugu laxaad ka wayn xarumaha militari ee ka dhisan Soomaaliya intii ka danbaysay burburkii dagaalkii sokeeye sanadkii 1991dii.
Mucaskarkan ayaa ilaa waagaas ahaa jaamacad lagu barto diinta Islaamka isla mar ahaantaasna lagu barto culuumta militariga.