Cumar salaada kuma fiicna tukashadeeda iyada oo uu marmar kuu tukado uu ku tukado kursi. Wuxuuna si aad u wayn u cunaa jaadka. Markii uu ka shaqaynayay Sudan iyo Sierra Leone wuxuu dadaal badan ku bixin jiray in jaad uga yimaado Nairobi ama Addis Ababa.
Khibrad Siyaasadeed la'aan Soomaaliya ah
Cumar C/Rashiid wuxuu intii badnayd noloshiisa joogay wadamada Qurbaha. Maxamed Cumar Geelle oo ay in badan is yaqaaneen ayaa KismaayoNews u xaqiijiyay in Cumar uu Soomaaliya ka badiyo siyaadadeeda Sierra Leone iyo Sudan iyo Kanada oo uu mudo ku noolaa. Caqabadaha kale ee Cumar haysata waxaa weeye isaga oo aan diinta ku fiicnayn uuna Soomaaliya ka jiro Kacaan Diimood oo xoog leh. Maxamed Cumar Geelle oo ay aad isu yaqaanaan ayaan yidhi Cumar waa nin xataa markaad ku salaanto Assalamu Calaykum ku jawaaba "Galab wanaagsan" mar ma garanayo buu yidhi si uu dib u heshiisiin ula gali doono axzaabta Islaamiga ah ee waliba ka shakisan cid walba oo ama Qarama Midoobay u shaqaysay ama ay tazkiyo siinayso.
This site is 100% jokes walle



