Page 1 of 1

Maamulka Islaamiga ee gobolka Gedo oo fasaxay hay’ada Care

Posted: Wed Feb 18, 2009 1:48 pm
by Captain24
Maamulka Islaamiga ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay fasaxeen hay’ada Care inay dib u bilowdo hawlaheedii samafalka ee ay ka waday gobolkaasi.



Afhayeen u hadlay maamulkaasi oo lagu magacaabo Barre Maxamed Faarax (Barre Qooje) ayaa sheegay in markii hore ay iyagu shaqada ka joojiyeen hay’ada Care hawlihii samafalka ay ka waday gobolkaasi ka dib markii dadka gobolka ay ka cawdeen.



Waxana uu sheegay in fasaxa ay siiyeen uu ku yimid ka dib markii ay codsi u soo jeediyeen bulshada oo ay sheegeen inay baahi u qabaan hawlihii samafalka ee hay’ada Care.



Barre Qooje oo sidoo kale mas’uul ka ah arrimaha Ammaanka ee maamulka Islaamiga ayaa sheegay in iyagu ay sugi doonaan ammaanka hay’adaha samafalka.



Horseed Media ayaa weydiisay in taasi ay u muuqato faragelin ay ku sameynayaan hay’ada ayuu wuxuu kaga jawaabay in maamulku uusan u arag faragelin, balse uu waajib ka saaran yahay ka shaqeynta ammaanka.



Hay’ada Care International waxay ka mid tahay hay’adaha sida aadka ah gacanta uga geysta hawlaha samafalka.



Barre Qooje wuxuu sheegay in ay socoto waan waan ku aadan sidii magdhow loo siin lahaa qoyska marxuum ay si khalad ah u dileen xoogaggooda Islaamiga.



Wuxuu qirtay khaladka ay ku dileen marxuumkaasi, waxaana uu sheegay in dilkaasi uu geystay waxa uu ugu yeeray nin mujaahid ah, isagiina sharciga Islaamka la marsiiyay lana qisaasay.

Re: Maamulka Islaamiga ee gobolka Gedo oo fasaxay hay’ada Care

Posted: Wed Feb 18, 2009 1:49 pm
by Captain24
Unbelievable!!

Re: Maamulka Islaamiga ee gobolka Gedo oo fasaxay hay’ada Care

Posted: Wed Feb 18, 2009 2:01 pm
by Amirsade
CARE is part of a new world order plot

Re: Maamulka Islaamiga ee gobolka Gedo oo fasaxay hay’ada Care

Posted: Wed Feb 18, 2009 7:08 pm
by Voltage
What's unbelievable Captain?

Re: Maamulka Islaamiga ee gobolka Gedo oo fasaxay hay’ada Care

Posted: Wed Feb 18, 2009 10:23 pm
by Captain24
People in need in desperate care, and they run em out of town?