Maamul Goboleed for Gedo Only?
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Maamul Goboleed for Gedo Only?
Aden A. Colujoog: "Waa muhiim in si deg-deg ah maamul goboleed u gaar ah gobolka Gedo loo sameeyo!"
Akhri qorshaha maamul goboleedka gobolka Gedo oo horudhac ah iyo sababta loo doortay in uu noqdo magaca maamul goboleedkaas JUBBA STATE!
Wareysi ay maanta Allgedo la yeelatay Aden A. Colujoog oo ah siyaasi kasoo jeeda deegaanada Jubooyinka ee Koofurta Soomaaliya ayaa waxuu sheegay in hadda la joogo waqtigii maamul goboleed u gaar ah gobolka Gedo mustaqbalka dhow looga dhawaaqi lahaa Koofurta Soomaaliya.
Wareysiga oo dhinacyo badan taabanayay ayaa waxuu u dhacay sidatan:-
Su'aal: Mr. Colujoog, wax manooga sheegi kartaa waxa keenay xiligaan in maamul goboleed u gaar ah gobolka Gedo aad hindisahiisa soo bandhigto?
Jawaab: Haddii aan isku dayo in aan si kooban uga jawaabo su'aashaada, sida aan ka wada warqabnaba Soomaalihya waxay dowlad la'aan aheyd 19 sano. Kaddib markaan si weyn u dareemay baahida ay bulshada reer Gedo xiligaan u qabaan maamul sal balaaran oo cadaalad ku dhisan iyo in bulshada horumar la gaarsiiyo, waxaa iisoo baxday in waqtigaan la joogo ay ugu haboon tahay in la qaban-qaabiyo sidii gobolka Gedo loogu sameyn lahaa maamul goboleed u gaar ah. Magaca aan maanka ku hayo oo aan rabo in maamul goboleedkaas loo bixiyana waxuu yahay Jubba State.
Su'aal: Wax ma nooga sheegi kartaa sababta aad sida gaarka ah ugu xulatay in magaca maamul goboleedkiina uu noqdo Jubba State?
Jawaab: Haa, sida aan ka wada war qabnaba, Gobolka Gedo waa dhulka ugu balaaran ee uu maro webiga Jubba, horayna xiligii qaar ka mid ah gumeystayaasha reer Yurub ay gumeysanayeen Soomaaliya, waxay gobolka Gedo ugu yeeri jireen Jubbada Sare (Upper Jubba), marka waxaan qaadanay un magacayagii oo ah kan loo yaqaan webiga Jubba, anaga oo dhanka kalena faraha kala baxnay adeegsiga afarta xarfood ee aad moodo in ay waayadaan danbe gobolada Soomaaliya tartanka ugu jiraan sidii ay ugu danbeysiin lahaayeen magac gobaleedkooda oo ah (LAND) sida Somaliland, Puntland iwm.
Su'aal: Haddii ay dhacdo in aad gobolka Gedo si gaar ah maamul ugu sameysaan oo aad weliba ugu magac dartaan Jubba State, meesha miyuu ka baxayaa fekerkii hore ee ay xubno isla beesha aad kasoo jeedo ah wateen oo ah in maamul guud loo sameeyo deegaanada Jubbooyinka loona bixiyo Jubbaland State?
Jawaab: Walaahi waa run oo horay way u jireen isku dayo noocaas ah oo ay si weyn ugu ololeynayeen xubno beesha kasoo jeeda, balse anigu qof ahaan fekerkaas ah in hal mar maamul goboleed loo sameeyo deegaanada Jubbooyinka oo dhan weligey waan kasoo hor jeeday, sababtuna wax kale ma'ahan ee waa aniga oo u arkayay in fekerkaasi uu ahaa mid qaldan oo ku dhisnaa riyo iyo laab-la kac ee uusan marnaba aheyn mid ka turjumayay xaqiiqda dhabta ah ee deegaanadaas iyo maamul u sameyntooda.
Su'aal: Maxaad ula jeedaa fekerkii hore ee Jubbaland State laab la kac buu ahaa?
Jawaab: Fekerku haddii uu toosnaa, mudadaas dheer ee 19-ka sano ah waxaa la arki lahaa mira dhalkiisa. Waxa kaliya ee hadda noo muuqdaayi waa ayada oo aanay jirin wax la yiraahdo maamul goboleed ay deegaanada Jubbooyinka leeyihiin, ayada oo gobolka Gedana aad moodo in uu ku dhex qowracan yahay feker ahaan Jubada Hoose iyo Jubbada Dhexe oo ay degan yihiin qabiilooyin kala duwan oo aan isku aragati iyo feker toona aheyn.
Su'aal: Haddii aan wax kaa weydiiyo horumar la'aanta uu hadda ku sugan yahay gobolka Gedo iyo marka la eego qilaafka baahsan ee u dhaxeeya xoogagga hubeysan ee gobolka ku sugan iyo hogaamin la'aanta dhanka siyaasadda iyo dhaqanka ah ee bulshada reer Gedo, soo lama oran karo isku daygaagan la xariira maamul u sameynta gobolka Gedo waxuu ku danbeyn doonaa siidii kuwii horaba FAASHIL ama bur-bur?
Jawaab: Walaahi horta waxa imaan doona Rabi un baa og, laakiin bani'aadamka waxaa la faray dadaal iyo isku day. Waxaan rumeys nahay haddii bulshada reer Gedo loo soo bandhigo qorshe fiican oo ku fadhiya cadaalad iyo horumar in ay qaadan doonaan, balse waxaan anigu qof ahaan ka garaabayaa in bulshada la jaho wareeriyay oo ay waayeen hogaan fiican oo dadka u cadli fala.
Su'aal: Ma jiraa qorshe aad hadda maanka ku hayso ee aad jeceshahay in aad isugu keento dhamaan kooxaha is diidan haddii ay ahaan lahaayeen siyaasiyiin, oday dhaqameedyo, iyo kooxaha hubeysan ee kala aragtida duwan ee dhamaantood ku sugan gudaha iyo dibadda gobolka Gedo?
Jawaab: Haa, waan hayaa qorshahaas, waxaana ka mid ah qodobada soo socda:
1. In ay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Gedo isu cafiyaan shuruud la'aan, si markaas ay ugu suurtagasho in ay wax wada qabsadaan, maamul goboleed mideysana u sameystaan.
2. In bulshada u badan deegaanada gobolka Gedo meel ay joogaanba aanay kala laheyn dhul iyo xuduud kala soocda.
3. Si loo baajiyo dagaal danbe oo gobolka Gedo ka dhaco, bulshadana ay si wada jir ah uga wada qeyb qaadato dhismaha maamul goboleedka cusub ee Jubba State, waa in sida si ugu dhaqsiya badan loo qaban-qaabiyo gogol nabadeed la'isugu keenayo kooxaha hubeysan ee gobolka wada dega ee kala aragtida iyo fekerka ah.
4. Si la mid ah dhamaan gobolada kale ee Soomaaliya, gobolku waxuu leeyahay hogaan dhaqameedyo badan, ayada oo uu kan ugu sareeyana yahay Ugaas Cumar Ugaas Xirsi. Marka si bulshada ku dhaqan gobolka Gedo loo abaabulo, loona dhiso maamul goboleedka aan maanka ku hayno in mustaqbalka dhow gobolka looga dhawaaqo, waxaa muhiim ah in uu Ugaasku arrintaan la xariirta maamul u sameynta gobolka Gedo markii ay qaban-qaabadeeda soo dhawaato uu doorkiisa ka qaato oo uu gogol ay ku wada hadlaan u fidiyo.
Su'aal: Goor maa ugu haboon oo aad is leedahay ololaha barnaamijkaan maamul u sameynta Jubba State waa muhiim in la bilaabo?
Jawaab: Haddaba way socotaa qaban qaabada la xariirta sidii maamul u gaar ah gobolka Gedo loogu samen lahaa, dhawaana waxaan meediyaha usoo gudbin doonaa wixii kasoo baxa wada tashiyada horudhaca ah ee ay dhowaan yeelan doonaan xubno ka tirsan beesha gobolka Gedo degta oo ku nool Mareykanka iyo Yurub.
Su'aal: Ugu danbeyntii, ka waran siyaasadiina mustaqbalka ee ku wajahan maamul goboleedkiina Jubba State iyo wadamada iyo gobolada aad deriska tihiin sida uu noqon doono?
Jawaab: Maamulka cusub ee Jubba State waxuu kula noolaan doonaa wadamada iyo gobolada dariska la ah wada shaqeyn iyo is tix-gelin ku dhisan darisnimo wanaag.
Intaasna waxaa inoogu dhan wareysigii gaarka ahaa ee ay maanta Allgedo la yeelatay mudane Aden A. Colujoog.
Cidii su'aal ka qabta soo jeedinta qorshahaan la xariira dhismaha maamul goboleedka Jubba State ee hadda socda ee uu soo bandhigay mudane Aden Colujoog, rabtana in ay ka qeyb qaadato, wax ku darto ama wax ka badasho waxay kala soo xariiri kartaa email address-kiisa gaarka ah oo ah adencolujoog@yahoo.com.
Wareysigan waxaa maanta Aden Colujoog la yeeshay shebekadda war faafinta ee Allgedo Online (AOL).
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Re: Maamul Goboleed for Gedo Only?
Ofcourse a maamul for Gedo is important but theres no reason to call it "maamul goboleed" per se. Simply build a strong admin, and the other two Jubba's will come running. Teeda kale Gedo is linked to Kismaayo, Xamar's port cannot be depended on. Only reason I quoted this Guy is because I've read in other places Where people are talking about it.
Re: Maamul Goboleed for Gedo Only?
hey did you guys make that private forum??
i can easily make one if you want
i can easily make one if you want

Re: Maamul Goboleed for Gedo Only?

Last edited by snoop12 on Fri Feb 27, 2009 4:06 pm, edited 1 time in total.
Re: Maamul Goboleed for Gedo Only?
why we did'nt talk about this those eight years Barre hiiraale was in control of Kismaayo!!! OOOPS it was proposed by Marehan intellectuals at the time, but Barre turned down
and instead of Impeaching him we applaused for him, this is what it got us family...
peace

peace
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
Re: Maamul Goboleed for Gedo Only?
^^ mahdi, get the fock outa here U Shegato boy. any motherfocker who insults our Mujahids should be banned
Re: Maamul Goboleed for Gedo Only?
Hey, coolpoison, the little sisy, I am not going to insult your mom because she is like my mom, and if you have any respect your mom you shouldn't insult other moms, but in reality people like you are those who put as were we are today lack of vision and ethnocentrism, when other people see you how you treating me that is when they treat you even worse, Barre is my cousin and if I don't remind him his mistakes who will?
peace...
peace...
Re: Maamul Goboleed for Gedo Only?

Last edited by snoop12 on Fri Feb 27, 2009 4:06 pm, edited 1 time in total.
Re: Maamul Goboleed for Gedo Only?
snoop, saaxiib amaantu sir ma gasho oo hadii qof amaantii uu lahaa aad qariso asxaan umaadan falin, sidoo kale eedeyntuna sir malaha oo hadii uu qofku qaldamo oo aanan loo sheegin tii hore mid ka daran ayuu dhigaa, yes Barre is a hero and no one can deny it, waa geesi aan la xaqiri karin kartidiisa waana ku faraxsanahey, barre waa general dagaal oo meeshii loo diro shaqo la hubo ka keenaya, laakiin ogsoonoow maamulka guud ayaa haga jeneraalada shaqadooduna waa goob dagaal. ka waran hadii aad ninka noocaas ah tiraahdo hogaami dowlad goboleed waxaa hubaal ah inuu qaladaad badan ka imaanayo , barrena intaas ayuu diidanaa oo ma uusan rabin inuu nin kale hoos tago taas ayaa ku qasabtey inuu iska diido qorsho yaal badan oo loo soo jeediyey , maxeyse keentey diktaatooriyad iyo kalsooni daro, iyo in xukunkii uu marba nin ku qabsado bal u fiirso jaamac dheere ayey isku qabsadeen, hadana cabdi cigaal, hadana indho raadeer iyo faarax taano, waxaas oo idil ma dhaceen hadii waa hore xukunka doorasho loo geli lahaa mareexaana uma kala qeybsameen iyaga iyo alshabaab ee maanta waxaa jiri lahaa mareexaan wadaadkiisa iyo madaxdoodu mideysan yihiin oo maamul goboleed balaarana heysta lana soo haweysan karin maamulkooda. but look at now, how the Ethiopians betrayed on Barre, they used against his own clan and walked away. this is exactly what they did to ten years ago Omar haji and last three years to mohamed dhere. where are they !!!
peace...
peace...
-
- SomaliNetizen
- Posts: 495
- Joined: Tue Aug 07, 2007 6:01 pm
- Location: Buurdhuubo - greater Gedo region of Somali republic.
Re: Maamul Goboleed for Gedo Only?
Colujoog?
I hope that Colujoog is not the skinny dude with big eyes and mummy face whom i met in Columbus Ohio? if he is the one the fellow is upto no good.

- guhad122
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4958
- Joined: Tue Mar 20, 2007 4:59 pm
- Location: Jubbaland, NFD and DDS!!!
Re: Maamul Goboleed for Gedo Only?
Any Sadde elder who preaches the creation of decent Gedo administration is representing the best interest of Reer Sade. Like Patriot pointed out in another thread, Siyad Barre neglected Gedo, and various leaders of this tribe did the same thing. Why not have a peaceful, united and stable Gedo, and then invite others in the region to join you. That is exacty what the Mejeerteen did; the created strong and vibrant cities and invited other to join like the Dhuloos. This dream of wanting to create an administration for other people's land is not gonna take you anywhere. If you create a vibrant and developed Gedo region, then you may see;
Bartire from Xagar-Dheere wanting to join you
Maquaabul from Badhaadhe willing to be part of admin
Maxamed Subeer from Afmadow eager to mingle with Ilka-Yar
Absames of all sub clans from Kismaayo calling for their brothers in Gedo
Cawlyahan from Salagle wanting the piece of the pie and so on....
Huuraale's has literally distroyed this clan and they have yet to understand that.

Gudhad,
shaqsi ahaan what is Your plan for Your clan's lands in the Jubba's? Jubbaland was very realistic, nontheless at least it was a political vision some people had. I'm just curious to see what You would like to see happen for Your lands beacuse other than say a Cabdirashid Xiddig I didn't see any Absames with a goal for those lands other then it being a perpetual playground for different urur diimeeds.
shaqsi ahaan what is Your plan for Your clan's lands in the Jubba's? Jubbaland was very realistic, nontheless at least it was a political vision some people had. I'm just curious to see what You would like to see happen for Your lands beacuse other than say a Cabdirashid Xiddig I didn't see any Absames with a goal for those lands other then it being a perpetual playground for different urur diimeeds.
Re: Maamul Goboleed for Gedo Only?

Last edited by snoop12 on Fri Feb 27, 2009 4:06 pm, edited 1 time in total.
- QansaGabeyle
- SomaliNet Super
- Posts: 14164
- Joined: Wed Feb 27, 2002 7:00 pm
- Location: Beled Xawo, Somalia
- Contact:
Re: Maamul Goboleed for Gedo Only?
How realistic is a maamul for Gedo? It would be awesome for it would serve as unifying factor for the people. They would have something to care about, a common goal, and work hard towards making it better. Establishing a youth league abroad in our host nations from the educated young men and women would give the vehicle for the journey of realizing this goal a much necessary jump start. It would spark many others to start similar organizations back home....
Re: Maamul Goboleed for Gedo Only?
QansaGabeyle wrote:How realistic is a maamul for Gedo? It would be awesome for it would serve as unifying factor for the people. They would have something to care about, a common goal, and work hard towards making it better. Establishing a youth league abroad in our host nations from the educated young men and women would give the vehicle for the journey of realizing this goal a much necessary jump start. It would spark many others to start similar organizations back home....
I agree it would be great. I had a little bit of hope once We made a maamul for the 1st time in 20 years
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 480 Views
-
Last post by zingii
-
- 26 Replies
- 2926 Views
-
Last post by RovingMadness
-
- 8 Replies
- 991 Views
-
Last post by DayaxJeclee
-
- 2 Replies
- 66 Views
-
Last post by Coeus
-
- 16 Replies
- 1886 Views
-
Last post by Babygirl-
-
- 0 Replies
- 330 Views
-
Last post by gambit
-
- 28 Replies
- 2385 Views
-
Last post by oxymoron
-
- 0 Replies
- 451 Views
-
Last post by CoolPoison
-
- 33 Replies
- 1927 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 13 Replies
- 1207 Views
-
Last post by fanaanYG