Page 1 of 1

hiiraan's elders support statements issued by clerics

Posted: Fri Feb 20, 2009 6:54 pm
by Somaliman50
Odayaasha dhaqanka iyo Aqoonyahanada gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay taageereen Baaqii ay soo saareen culumaa’udiinkii ku shiray magaalada Muqdisho.



Kadib kulmo balaaran oo maanta Magaalada Baladweyne ay ku yeesheeen qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan iyo golaha Aqoonyahanada gobolkaasi ayey si weyn u soo dhaweeyeen bayaan ay shalay Soo saareen hay’adda culumada Soomaaliyeed kaasi oo ku wajahnaa xaalado dhowr ah oo wadanka Soomaaliya ka taagan.



C/raxmaan Sheekh Max’ed Daahir oo ka mid ah golaha Aqoonyahanada gobolka Hiiraan oo ka hadlay kulankii maanta ee magaalada Baladweyne ay ku yeeesheen ayaa waxaa uu sheegay in ay taageersanyihiin qodobadii ay soo saareen hay’adda culumada Soomaaliyeed islamarkaana uu yahay mid dhaxal gal ah loona baahanyahay in la dhaqan galiyo.



Sidoo kale gudoomiyaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan Xaaji Xooshow ayaa si weyn u soo dhaweynayaan dadaalada ay wadaan culumada Soomaaliyeed,waxaan qodobada ay soo jeediyeen culumada uu tilmaamay in ay yihiin kuwa dhibaatada ka saari kara dadka Soomaaliyeed.



Bayaankii ay shaley Soo saareen Hay’adda culumada soomaaliyeed ee shalay ku shiray Magaalada Muqdisho islamarkaana maanta laga taageeray gobolka Hiiraan ayaa imaanaya xili gudaha dalka Soomaaliya ay ka jiraan siyaasado isdiidan,iyadoo aan la ogeyn sida ay u dhaqan gali karaan qodobadii ay soo saarreen.

shabelle.net

Re: hiiraan's elders support statements issued by clerics

Posted: Fri Feb 20, 2009 8:25 pm
by Somaliman50
:up: :up:

Re: hiiraan's elders support statements issued by clerics

Posted: Sat Feb 21, 2009 6:17 pm
by Xashi
The people of Hiiraan have known to support whatever is in the interest of the Somali people. :up: