Breaking news. Dolow, Garbaharey, Beled Hawo, Bardhere

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Breaking news. Dolow, Garbaharey, Beled Hawo, Bardhere

Post by CoolPoisons »

BANAANBAXYO

Banaanbax looga soo horjeedo dowladda uu madaxweynaha ka yahay Shariif Sh Axmed ayaa maanta ka dhacay dhamaan degmooyinka G/Gedo. Taasoo ahayd banaanbixii ugu horeeyey oo noociisa ah oo ka dhaca guud ahaan Gedo iyo wadanka oo dhan.

Magaalooyinka uu banaanbaxaas ka dhacay ayey dadweynhuhu ku dhawaaqayeen erayo iyo hal ku dhigyo muujinaya shucuurtooda iyagoo ku dhawaaqayey erayo ay ka mid yihiin "Dooni mayno, waanu diidnay waxa lagu soo dhoodhoobay Dalka Jibouti.

Haddanu u leexano degmada B/xaawo oo ay isugu oo baxeen dadweyne aad u farabadan, waxay socodkooda ku ekeeyenn faras magaalaha B/xaawo. Waxaa halkaas kula hadlay dadweynaha nabadoono, waxgarad, dhalinyaro iyo aqoonyahano ka soo jeeda gobolka Gedo.
Nabadoon Cali Geeddi oo ka mid ahaa waxgaradkii maanta ka hadlay banaanbaxaas ayaa sheegay inaysan marnaba aqbali doonin dowladda cadaaladda daran ee xaq dumiska ah ee hogaamiyo Shariif Sh Xasan. "Dawladda lagu soo dhisay Dalka Jibouti waa diidnay, mana ogolin waa ka soo horjeednaa, mana raacayno, noomana taal"

Gudoomiyaha B/xaawo Axmed maxamed Burkuus ayaa isagana ka hadlay sababta ay banaanbaxa u sameeyeen. Burkuus waxaa erayadiisa ka mid ahaa "Dowladda la soo dhisay ma aha mid noo cuntanta, mana aqbalayno" waxaa kaloo uu sheegay in banaanbaxaan ay tahay mid ay isla qabann dhamaan beesha Gobolka degan dibad iyo gudaba meel kasta oo ay joogaan.

Waxaa kaloo uu Gudoomiye Burkuus sheegay in dhamaan xubnaha baarlamaanka ee ka soo jeeda deegaankaan inay yimaadaan gobolka Gedo si looga wada hadlo danaha quseeya beesha.

Dhanka Degmada Doolow waxaa sidoo kale ka hadlay Cabdi Barre Cabdi oo ka mid ah nabadoonada iyo waxgaradka gobolka Gedo. Waxaa uu isagana sheegay in banaanbaxaan uu salka ku hayo cadaalad darro lagu sameeyey beesha degta gobolka Gedo, aysanna ahayn mid ay aqbalayaan.

Gunaanadkii guud ahaan beesha degta Gedo, J/hoose iyo Galgaduud ayaa tirsanaya in lagu sameeyey cadaalad darro, ayna kalsoonidii kala laabteen dowladda Shariif Sh Xasan.

Shariif Sh Xasan oo ah nin ay heerka aqoontiisu ay ka hoosayso xilka uu hayo, ayaa ah mid aysan xukuumadiisu waxba ka duwanayn kuwii isaga ka horeeyey, saas daraadeed uusan wax xal ah u hayn shacabka Soomaaliyeed


Gedoweb Online
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Re: Breaking news. Dolow, Garbaharey, Beled Hawo, Bardhere

Post by CoolPoisons »

Banaan bax aad u ballaaran oolooga so horjeeda xukuumadda cusub ee ee jimcihii dhaweyd uu soomagacaabay ra'iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa hadda ka soconayo xarunta gobolka Gedo ee Garbahaarey,kaasoo ay ka qeybgalayaan kumaankum qof oo wato boorar ay ku cambaareynayaan dowladda Sheekh Shariif soo si ka baxdan qaabka ay Somalidu wax ku qeybsato ugu tumatay beesha degto gobolka Gedo.



Dibad baxan oo ay soo qazban qaabiyeen maamulka degmada Garbahaarey, duqowda dhaqanka iyo haween ayaa iminkadan wuxuu si heer sare ah uga socdaa magaalasda xarunta u ah gobolkan Gedo ee Garbahaarey,waxaa ka qeybgalayo sida uu ku soo waramayo wariyaheena Cabdi Rashiid oo barta mudaharaadka uu ka socda jooga kumaankumqof oo wato boorar ayku qoran yihiin halku dhigyo ay kamid yihiin.


''Sade duleeya dooni meyno, dollar qaato dooni meyno,Sheekh Shariif ha dhaco,wuxuu si cadaalad darro ah ugu tuntay xaqa ay beeshan Soomaaliyeed u leedahay xubnihii wasiiradda ee la magacaabay'', iyo halku dhigyo badan oo dhammaantood looga soo horjeeda Sheekh Shariif iyo xukuumadda la soo dhisay.


Cali Qooje oo kamid ah qaban qaabiyeyaasha dibad baxan ayaa Gedoweb waxaa uu u sheegay in si naba aysan ula shaqeyn doonin dowladda cusub, isagoo intaas ku daray in dowladaas ay u arkaan dowlad qabiili ah oo sida ay doonaan ay ka yeelayaan rag uu kamid yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo uu xusay in aysan iyagu marnaba ogalaan doonin in gobolkan ay dowladaas ka howlgasho.


Si kastaba ha ahaatee waa maalintii labaad oo dibad baxyo noocaan oo kale ah ay ka soconayaan gobolka buuraleyda ah ee Gedo, kuwaasoo dhammaantood looga soo horjeeda qaabka loo dhisay xukuumadda cusub ee ra'iisal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo gobola badan laga diiday.






Soo wariye: Cabdi Ruush

Garbahaarey/Gedo.

http://www.gedoweb.com/index/modules.ph ... e&sid=1421
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Re: Breaking news. Dolow, Garbaharey, Beled Hawo, Bardhere

Post by CoolPoisons »

Dibed-baxyo lagu diidan yahay qaab dhismeedka xukumada cusub ee Somalia oo maalintii 2-aad ka socda gobolka Gedo

Waxaa maalintii labaad ka socda qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee Koonfur galbeed Somalia banaanbaxyo lagu diidan yahay qaab dhismeedka xukuumada federaalka Somalia ee dhowaan looga dhawaaqay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti sida ay sheegayaan wararka halkaasi naga soo gaaraya.

Deegaanada ay saaka banaanbaxadu ka dhacayaan ayaa waxaa ka mid ah magaalada Garbaharey oo ah xarunta gobolka Gedo iyo degmada Doolow, iyadoo degmooyinka Baardheere iyo Buur Dhuubo ay ka socdaan qabanqaabo xoogan oo banaanbaxyo looga dhigayo saacadaha soo socda, hase ahaatee sida uu inoo xaqiijiyey weriye Maxamed Gaarane Aadan oo ka mid ah suxufiyiinta ka howlgasha gobolka banaanbaxa ugu balaaran ayaa waxa saaka maalintii labaad u ka soconayaa degmada B/xaawo ee gobolkaasi Gedo halkaasoo ay iskugu soo baxeen kumanaan dad ah oo ka kala yimid xaafadaha ay ka kooban tahay degmadaasi.

Dadweynaha banaanbaxyada ka dhigaya degmooyinka gobolka Gedo ayaa si weyn uga soo horjeeda xubinta beesha Sadde ka soo gaartay xubnaha cusub ee golaha wasiirada dhowaan looga dhawaaqay magaalada Jabuuti kaasoo iska casilay xilkii looga magacaabay oo ahaa wasiirka shidaalka iyo tamarta ahna ra’isul wasaare ku-xigeenka ka dib markii uu cadaadis kaga yimid xildhibaanada beesha uga jira baarlamanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada beesha Sadde ee ku dhaqan gudaha iyo dobeda iyagoo sheegaya in xubintaasi aysan u qalmin beeshooda aysan qaadan doonin.
User avatar
Warsame101
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1947
Joined: Sun Feb 04, 2007 4:32 am
Location: Muuri/Caabudwaaq/Kismaayo
Contact:

Re: Breaking news. Dolow, Garbaharey, Beled Hawo, Bardhere

Post by Warsame101 »

I welcome these new developments. A step in the right direction and it will smoothen the job to recapture our land.
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Re: Breaking news. Dolow, Garbaharey, Beled Hawo, Bardhere

Post by CoolPoisons »

:up: :up: :up: :up: :up: :up: :up: :up: :up: :up: :up: :up: :up: :up: :up: :up: :up: :up: :up: :up: :up: :up: :up: :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”