Komiishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Sheegay In Aanay Doorashadu Wakhtigeedi Qabsoomi Karin Sababo La Xidhiidha Dhaqaalaha iyo Farsamada
-------------------------------------------------- ------------------------------
()
hadhwanaag 2009-02-23 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Komiishanka doorashooyinka Somaliland ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday inaanay doorashada madaxtinimada Somaliland ku qabsoomi karin wakhtigii loo cayimay.
Sidaana waxay komiishanku ku sheegeen fadhigii Golaha Wakiillada ee Maanta oo ay warbixin ka siiyeen hawlaha doorashooyinka iyo ilaa hada waxa diyaar ah.
"Komishinka Doorashooyinka Qaranku wuxuu imika ka soo baxay hawl juhdi weyn oo ah diiwaan gelintii codbixiyeyaasha ah hawshaasi oo aan filayo inay taariikhda wadankeena tiir ka mid horumarkiisa ay noqon doonto.Waad og-tihiin Somaliland waxay u ahayd diiwaan gelintu kolkii labaad wadankan dadkiisu muu ka soocnayn dadka kale, ku dheeraan maayo shacbiga dalku ku yar iyo ku weynba si laxaadle ayay uga qeyb qaateen, arintaas deeq bixiyeyaashuna tacab badan bay ku lahaayeen." Ayu yidhi Guddoomiyaha komiishanka doorashooyinka Somaliland Md, Jaamac Maxamuud Cumar(Jaamac Sweden),
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Hawsha imika komishinka u taala ee deeqbixiyeyaasha iyo ha’yadan lacagaha la soo mariyo ee [Inter-Peace] noo dhaxaysaa waa in si hufan looga shaqeeyo diiwaan gelintii codbixiyeyaasha ee laga soo ururiyay wadanka oo qiyaastii Milyan Iyo Afar Boqol ku dhawaad ah, si caalamiya oo qawaaniinta caalamiga ah ku salaysan oo la isla wada og-yahay looga saaro wixii is diiwaan geliyay hal mar wax ka badan, taasi waa diyaar Ha’yado caalamiya ayaa eegaya tayada mishiinada Serfarka. ha noqoto inay dhaqaalihii bixiyaan, ha noqoto inaanu ula nimaadno miisaaniyadii doorashada, ha noqoto inaanu heshiis la galno qolyaha lacagtu ay soo marto, taas macnaheedu waa in shuruudaha aasaasiga u ah in lacagta la helo oo ay kow ka tahay inaanu heshiis la galno ciddii lacagtu soo maraysay in miisaaniyad la isla sameeyo doorashada lagu qabto inta aan deeq-bixiyeyaasha looba tagin. Dawladuna ay balan qaadkeedii kharashaadka bixiso si loo ogaado halka ay wax ku baxayeen."
Gudoomiyaha Komiiishanka doorashooyinku Jaamac Sweden waxa uu sheegay inaanay kaligood go’aan ka gaadhi Karin mudeynta wakhtiga doorashooyinka la qaban doono
Deeq bixiyeyaashu xisbiyada qaranka iyo annagaba [Komishinka ] way na soo mareen, wixii ku lug leh muddaynta doorashada waxa weeyaan wax ay ka tashanayaan dhinacyada ay khusaysaa oo isla eegaya jid wal u dejinta hawlaha doorashada"ayuu yidhi Jaamac Sweden.
Hadalka komiishanka doorashooyinku waxa uu ka danbeeyey kadib markii go’aan gole[Parliament Resolution] Golaha Wakiilladu doraad soo saareen ay komiishanka doorshooyinka kaga dalbadeen inay horyimaadaan, isla markaana warbixin ka siiyaan hawl socodka doorashooyinka.
Dhawaaq komiishanku kaga dayriyey qabsoomida doorashooyinku waxay ku soo beegantay wakhti ay dalka ka taagan yihiin weedho xanaf siyaasadeed huwan oo ay Xisbiyadu is-dhaafsanayaan, iyada oo ay wakhtigii hore loogu cayimay inay doorashooyinku ku qabsoomaan ay ka hadhsan tahay 34 Maal-mood oo kaliya.
Maaha markii ugu horeysay ee doorashooyinka dib loo dhigo, hasayeeshee ugu yaraan dhowr jeer oo kale ayaa dib loo dhigay, iyada oo sababaha dib loogu dhigayeyna ay ugu weynayd in la diwaangeliyo cod bixiyayaasha ka hor inta aan doorashooyinka la gelin.
Intaa kadib waxay mudanayaashu xubnaha komiishanka doorashooyinka ku boobeen Su’aalo.
S: Md. Axmed Ducaale Bulaale: Doorashadu haddii wakhtigeedii ay Ku dhici weydo maxaa la yeelayaa? Waxa uu CaCali Biikallo kaga jawaabay oo uu yidhi “Doorashada wakhti baynu u qabanay hore oo ahaa heshiiskii markii doorashadii dib u dhacday kal hore, waxay heshiisku ahaa in mudada ka horeysa 6-da bisha April ay doorashadu qabsoonto, haddii ay yimaadaan xaalado si kastaba ha ku yimaadaane keeni kara in mudadaa lagu balamay ay doorashadu ku qabsoomi karin, xaaladaas waxa heshiisku odhanayay waxa wada jir uga go’aan qaadanaya Komsihinka doorashooyinka iyo axsaabta qaranka. Imika sidaas aanu idiin sheegnay mudadaas lagu baahi bixi karo, waanu ka shiraynaa markaa wakhti lagu wada qanacsan yahay ayaa la soo saari doonaa. Laakiin muddo aan ku odhanayo waa wakhtigaasi ma jirto balse gacanta ayaa lagu hayaa”.
Mustafe-Janaale
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysaa/Somaliland
Somaliland No election march 29
Moderator: Moderators
- sheekh-Farax-zero
- SomaliNet Super
- Posts: 7590
- Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
- Location: pppppppp
Re: Somaliland No election march 29
the warlord of Hargeisa

the prez of reer waqoyi+south

the Jawaz of all somaliweyn


the prez of reer waqoyi+south

the Jawaz of all somaliweyn

- abdikarim86
- SomaliNet Super
- Posts: 12077
- Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
- Location: Bristol
Re: Somaliland No election march 29
sheekh,why do you get excited when you see s/land topics
seriously find yourself a woman
seriously find yourself a woman

Last edited by abdikarim86 on Mon Feb 23, 2009 4:11 pm, edited 1 time in total.
Re: Somaliland No election march 29
sheekh-Farax-zero wrote:the warlord of Hargeisa



- sheekh-Farax-zero
- SomaliNet Super
- Posts: 7590
- Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
- Location: pppppppp
Re: Somaliland No election march 29
abdikarim86
i have one ,, but iam looking for 1 more,, specialy duriyada to add my collection of naago,,
i have one ,, but iam looking for 1 more,, specialy duriyada to add my collection of naago,,
Re: Somaliland No election march 29
sheekh faarax i don't think u need NAAGO when you are not opposit at all.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 46 Replies
- 6387 Views
-
Last post by WadaniggaBarakaysan
-
- 4 Replies
- 1620 Views
-
Last post by kanadiid90
-
- 25 Replies
- 4504 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 0 Replies
- 809 Views
-
Last post by Eaglehawk
-
- 3 Replies
- 387 Views
-
Last post by Jamac_Yare
-
- 6 Replies
- 489 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 254 Views
-
Last post by KingWaslawi
-
- 24 Replies
- 1041 Views
-
Last post by smooth
-
- 11 Replies
- 613 Views
-
Last post by MujahidAishah
-
- 7 Replies
- 851 Views
-
Last post by ZubeirAwal