Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Aan Shilin Dhex Oolin Iyo Mushaharkii Shaqaalaha Dawlada Oo Aan Laba Bilood La Bixin.
Hargeysa(Ramaas) Feb.24, 2009 - Wasaarada Maaliyada Somaliland, ayaa ku guul darraysatay inay samaysto miisaaniyad sanaadeedkii 2009 ee xukuumada dhexe iyo dekada Berbera, oo Wasiirka Wasaaradaasi Md. Xuseen Cali Ducaale [Cawil] uu dhawaan sheegay inuu horgeynayo golaha Wasiirada khamiistii la soo dhaafay, taasi oo aanay waxba ka suurto gelin.
Warar Xog ogaal ah oo ka imanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Baanka dhexe ee Somaliland uu ku guul darraystay inuu bixiyo mushaharkii shaqaalaha dawlada muddo laba Bilooda, iyadoo warku intaasi ku darayo in baanku aanu haynin wax lacag ah oo uu ku daboolo mushaharooyinka shaqaalaha dawlada, taasi oo saamayn weyn oo dhinaca nolosha ah ku yeelatay kumanaan qoys oo ku tiirsanaa mushaharooyinka yar ee dawlada laga qaato.
Ma jiro war rasmi ah oo ay dawladu ka soo saartay halka ay ku dambaysay miisaaniyadii dastuurku dhigayay inay xukuumadu sanad kasta maalmaha u horeeya bisha January ay u gudbiso Golaha wakiilada oo xaq u leh inay wax ka bedel iyo kaabis ku sameeyaan, isla markaana ay go'aan gole ku meel mariyaan. Miisaaniyada ayaan xataa weli la horgeyn golaha xukuumada oo marka hore soo qodax qura odoroska miisaaniyada.
"Ma Garanyno wax mushaharooyinkaygii haysta malaa doorashada ayaa lagu galay, ma hayno mushaharkii bishii January, maantana tii kalle ee febarwari ayaa 24 ah, ma garan karno sida xaalku yahay waxaan is weydiiyaa malaa dawladuna lacagtii hagbada jinka ayay iyana ku jirtay ilayn waa tan aan shaqaalihii waxba siinin ee baankii dadka ku odhanayo lacagba ma haynee,"Sidaa waxaa ku tiraabay mid ka mid ah shaqaalaha ka hawl gala wasaarada waxbarashada Somaliland oo maanta ramaasnews khadka Telefoonka kula xidhiidhay.
Miisaaniyada sanadkan ayaa sida Wasiirka Maaliyadu dhawaan sheegay waxaa ku jira lacag loogu tallo galay in doorashada madaxtooyada lagu qabto, oo aanu qadarkeeda carabaabin, taasi oo sida muuqata aanay weli xukuumadu bixin.
Si Kastaba arrintu ha noqotee waxaa Madaxweynaha Somaliland Md, Daahir Rayaale Kaahin, la gudboon inuu qaado tallaabooyin cad cad oo uu wax kaga qababayo xaalada cakiran ee dhaqaale xumo ee la soo daristay, xukuumadiisa ku jirta xilliga kala guurka ah. iyadoo dadweynuhu ay indhaha ku hayaan sidaa xaalku yahay oo haddii aanay waxba iska bedelin xisbiga UDUB codad badan ku waayi doono.
http://www.ramaasnews.com/news.php?readmore=130
Is somaliland Bankrupt
Moderator: Moderators
- abdikarim86
- SomaliNet Super
- Posts: 12077
- Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
- Location: Bristol
Re: Is somaliland Bankrupt
shid, riyaale is turning s/land into p/and II
walee s/land is gonna collapse if UDUB is not driven out
walee s/land is gonna collapse if UDUB is not driven out
Re: Is somaliland Bankrupt
If all the revenues and the income are pocketed and not re invested back, then how the fock is small country like somaliland going to survive in these economic hardships. print money, inflation will rise for the moment and the somaliland shilling may drop in value for a little while, but that is the only solution now in the short term.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 25 Replies
- 1477 Views
-
Last post by ModerateMuslim
-
- 39 Replies
- 4452 Views
-
Last post by Lord Diplock
-
- 9 Replies
- 1331 Views
-
Last post by Tallman77
-
- 19 Replies
- 1837 Views
-
Last post by sahal80
-
- 0 Replies
- 268 Views
-
Last post by Disrespectful-ana-kuwassa
-
- 8 Replies
- 1140 Views
-
Last post by TheMightyNomad
-
- 27 Replies
- 2070 Views
-
Last post by AbdiJohnson
-
- 14 Replies
- 1291 Views
-
Last post by TheMailMan
-
- 2 Replies
- 496 Views
-
Last post by fagash_killer
-
- 13 Replies
- 1000 Views
-
Last post by Obscene