hiiraan elders calls for end to violence in mogadishu

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

hiiraan elders calls for end to violence in mogadishu

Post by Somaliman50 »

Odayaasha gobolka Hiiraan ayaa soo jeediyay in laga fogaado dagaalo danbe oo dhiig ku daata xili xaalada Muqdisho ay labadani maalin aheeyd mid kacsan.



Iyadoo shalay ilaa iyo maanta ay dagaalo qaraar ka dhaceen deegaano ka mid ah Magaalada Muqdisho islamarkaana ay dadbadni oo rayid ah ay ku waxyeeloobeen ayaa odayaasha dhaqanka beelaha dega gobolka Hiiraan iyo waxgaradka reer Hiiraan waxa ay wax lagu xumaado ku tilmaameen in shacabka ku soo laabanaya Muqdisho dib loo barakaciyo.



Max'ed Cumar Baasheey oo ka mid ah wax garadka reer Hiiraan oo ka hadlayay kulan maanta magaalada Baladweyne ay ku yeesheen odayaasha iyo waxgaradka reer Hiiraan ayaa waxaa uu wax lala yeebo ku tilmaamay dagaalada mar kale ka soo cusboonaaday gudaha magaalada Muqdisho.



"Waxaan aad iyo aad uga xunahay oo aan ka tiiraanyeesanahay dagaalada ka soo cusboonaaday magaalada Muqdisho ee u dhaxeeya dadka islaamka iyadoo maanta aan lagu mar marsiyooneyn ciidamada Ethiopian-ka ahaa ee joogay in shacabkii Soomaaliyeed la laayo waa mid laga yaq yaqsoodo ayuu yiri" Max'ed Cumar Baasheey.



Sidoo kale odayaasha dhaqanka iyo wax garadka gobolka Hiiraan ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo nabada dibna loo eego aayaha dadka shacabka ah ee ku aafoobay dagaaladii labadii sano ee la soo dhaafay ka dhacayay gudaha Magaalada Muqdisho iyadoo ku baaqay in wax waliba wada hadal lagu dhameeyo si looga gudbo marxaladda haatan ka jirta Soomaaliya.
Xashi
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 507
Joined: Thu Jan 22, 2009 2:56 pm
Location: Somalia

Re: hiiraan elders calls for end to violence in mogadishu

Post by Xashi »

If the residents of Xamar dont look after their own affairs no one else will.
User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

Re: hiiraan elders calls for end to violence in mogadishu

Post by Somaliman50 »

its getting complicated man. these guys who call themselves xisbul islami arent taking the words of anyone. the ICU need to defuse the situation :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Hiiraan”