Breaking news Elbur's in the hands of Ahlu Sade Wal Jama

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Breaking news Elbur's in the hands of Ahlu Sade Wal Jama

Post by CoolPoisons »

Ahlu Sunna Waljameeca oo la wareegay Degmada Ceelbuur iyo qasaaraha ka dhashay dagaal laba maalmood ay la galeen kooxda Al-Shabaab

Wararka ka imaanaya degaanka Wabxo oo ka tirsan Degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu ka bilowday dagaalkii u dhaxeeyay ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca iyo ururka Al-Shabaab, waxaana dagaaladaasi oo socday muddo dhowr saacadood ah, iyadoona dhinacyada isaga hor yimid aanay waxba isula harin.

Dagaalada oo gelinkii hore ee maanta ka bilowday tuulo aan sidaasi uga fogeyn degaanka Wabxo laguna magacaabo Dacda, ayaa la sheegayaa in labada oo halkaasi isku hor fadhiyay habeen hore markii waagu baryay dib u bilaabay dagaaladooda, iyadoo wararku intaasi ku darayaan in inta badan qasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay tuulada Dacda uu soo gaaray labadii dhinac ee dagaalamayay.

Mar aanu qadka Isgaarsiinta kula xiriirnay degmooyinka Ceelbuur iyo Dhuusamareeb ayaa sheegaya in dagaaladii maanta ka dhacay degaano ka tirsan Ceelbuur ay ku geeriyoodeen in ku dhow toban ruux oo midi Haweeney tahay, halka ay ku dhaawacmeen ilaa labaatameeyo ruux in ku dhow, kuwaasi oo dhaawacyadooda loo kala qaaday Ceelbuur iyo Dhuusamareeb.

Ciidamada dariiqada Suufiyada ee Ahlu Sunna Waljameeca ayaa la sheegayaa in duhurnimadii maanta ay gacanta ku dhigeen tuulada Dacda iyo degaanka Wabxo oo ka tirsan Degmada Ceelbuur, kaddib markii halkaasi looga awood roonaaday ciidamada ururka Al-Shabaab.

Sheekh Bile Shire Bashiir oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Ahlu Sunna ayaa sheegay in dagaalada ka dhacay degmada Ceelbuur uu yimid sida uu sheegay ururka Al-Shabaab oo isagu isku dayay inuu si khasab ah afkaarihiisa uga fuliyo degaanadaasi, taasi oo keentay sida uu sheegay inay kacdoon sameeyaan dadka degaanka, wuxuuna Sarkaalka Ahlu Sunna Waljameeca oo ku sugan degmada Guriceel uu sheegay inay caawiyeen dadkaasi isla markaasina ay ku guuleysteen dadkaasi inay helaan xornimadooda.

Dhinaca kale firxadka ciidamada ururka Al-Shabaab ayaan la ogeyn ilaa iyo haatan halka ay ku sugan yihiin, hase yeeshee wararka qaarkood ayaa sheegaya in qeyb ka mid ah Al-Shabaab oo markoodii hore gurmad ahaan ugu yimid ciidamadooda kale ee Ceelbuur ku sugnaa ay soo aadeen dhanka magaalada Muqdisho, iyagoona ka soo gudbay ilaa saddex gawaarida Runetka loo yaqaan wata degaano ka tirsan gobolka Galgaduud.
User avatar
DR-YALAXOOW
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13991
Joined: Wed Dec 15, 2004 1:26 am

Re: Breaking news Elbur's in the hands of Ahlu Sade Wal Jama

Post by DR-YALAXOOW »

allaahuu akbaaar :up: :up: :som: :rose: :rose: mujaahidiinta ahlu sunna waljamaaca. guuul :rose: :up: :up:

shayaadiintiii KHAWAARIJIINTA al shabaab waa jabeen bakhtigooda wuxuu yaalaa duurka waxuushta qabuuraha qota. khawaarijiinta waa la eryadey. shayaadiinta ilaaheey waa jabiyey. KHAWAARIJI AL SHABAAB :down: :down:
User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

Re: Breaking news Elbur's in the hands of Ahlu Sade Wal Jama

Post by Somaliman50 »

:lol: I don't trust ASWJ. They came into existence when the Ethiopians were leaving. And now they joined the latest battles.
Addoow
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7611
Joined: Sat Aug 16, 2008 4:13 am
Location: Hawiye Pride!

Re: Breaking news Elbur's in the hands of Ahlu Sade Wal Jama

Post by Addoow »

abakar20 wrote::lol: I don't trust ASWJ. They came into existence when the Ethiopians were leaving. And now they joined the latest battles.
war ninyahow ,get your facts straight,when the eithiopians were leaving,alshabab started to Transgress Ahlusunna Waljama ,Banning mowliid Nabiga,Siyaaro and other stuff.
Alshayaadin just wanted to create a new front within somlaia otherwise they wouldnt exist.
lets remember one thing,Alshabab is a new phenemona while ASWJ existed for many centuries.
User avatar
Shirib
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 26911
Joined: Thu Oct 04, 2007 3:50 am
Location: May God grant us victory.

Re: Breaking news Elbur's in the hands of Ahlu Sade Wal Jama

Post by Shirib »

Addow

LOOOL, Mowliid as an excuse, it was last week, these guys started fighting months ago.

Abakar,

word is Ahlul Sunna Wal Jamaaca is being run by Abdi Waal...ring any bells :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”