Warsaxaafadeed Ka Soo Baxay Xisbiga UDUB

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Warsaxaafadeed Ka Soo Baxay Xisbiga UDUB

Post by Bohol iyo karaman »

Warsaxaafadeed Ka Soo Baxay Xisbiga UDUB
Written by Jaamac Yaasiin Faarax
Mar 22, 2009 at 07:05 AM


Xisbiga Dimoqraadiga Ummada Bahooday
Xafiiska Xoghaya Guud.


Ref UDUB/XG/S-1-1782 Taariikh 22/03/09

Warsaxaafadeed


Xisbiga Kulmiye Masiirka Ummada waxa kala weyn Kursiga

Nabad gelyadu waa tiirka nolosha bani’aadamka, wax kastana waxay ka
bilawdaan nabad, Nebi Mohamed (NNKH) waxa uu ku ducaysan jirey Amni iyo
Imaan.Waa wax lala yaabo’ e Xisbiga Kulmiye waxay nagu eedeeyaan Xisbiga
UDUB waxa uu dadka ku yidhaahdaa nabad gelyada ha la ilaashado.

Malaha waxaabay ka jeclaan lahaayeen in aanu sidooda ku baaqno colaad,
dhiig iyo dhagar, siyaasaduna maaha Cay, colaad iyo aflagaato midna.
Waxaa la illaawi Karin in ragga maanta hogaanka Xisbiga Kulmiye u hayaa ay
mar walba hurinayeen colaad iyo dagaalo sokeeye iyo kala qaybinta bulshada
Somaliland, oo ay isagu direen reero iyo goboloba, dhiig badanina ku
daatay dagaalo ka dhacay Burco, Berbera iyo Hargeysa sanadihii 1991, 1992,
1994 - 1995.

Waxay mucaarad ku ahaayeen dawlad kasta oo dhalata iyo tan maanta uu
hogaaminayo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo ay markasta lahaayeen
yaanay inagu xoogaysan. Waxaan xusuusanaa inay mar walba ku baaqi jireen
dawladi ma jirto. Si ay u joogteeyaan jawi colaadeed.Waxa yaab leh in
maanta Kulmiye wadadii ku taagan yahay oo ay leeyihiin wixii ka danbeeya
6-da April dawladi ma jirto, taas oo macnaheedu yahay qarannimo jiri mayso
nabadina jiri mayso. Madaxweynuhuna ha ka dego kursiga oo sidayada subeehi
ha noqdo.Saw arrintaasi ma aha murug siyaasadeed iyo in la abuuro qas iyo
fawdo siyaasadeed (Political turmoil) Distoorka dalkana meelna kagama taal
in la sameeyo dawlad aan ku iman doorasho toos ah, iyo in labada gole
arrintaa ka tashado. Taas oo ka dhigan dawladnimadii dhex ha loo dhiibo
sidii hal baadi ah.

Sidoo kale mawqifka xisbiga Kulmiye ee ku aadan doorashooyinka dalka nooc
kasta oo ay yihiin waa qaar mar walba huwan fad qalalo iyo sharci diid.
Waxan xusuusan nahay in aftidii dastuurka qaranka ee dalka ka qabsoontay
2001 ay dhammaantood madaxda xisbiga Kulmiye ay ka soo horjeedeen, taas
oo macnaheddu yahay inaanay ku qanacsanayn gooni isu taaga Somaliland.

Waxa kale oo sii caddaynaya mar kasta oo ay la kulmaan wakiilada
dawladaha caalamka ee daneeya horumarka iyo qadiyada gooni isu
taaga Somaliland waxay u gudbiyaan farriimo hooseedyo dhaawacaya
qadiyada dalka oo ay ka mid yihiin inaan dalku waqtigan u qalmin
in la ictiraafo ama lagu sameeyo maalgashi, waxana ka markhaati
ah hadalkii Xisbiga Kulmiye u gudbiyey Jandaye farazer markii ay
la kulmeen waqtigii ay booqashada ku timi dalka, waxay sidoo kale
u gudbiyeen farriin taa la mid ah wufuud badan oo dalka timi
bishan gudaheeda. Waxa arrintaa markhaati cad ka ah in markasta
rag ka mid ah kaadirka Xisbiga Kulmiye ka mid noqonayeen
dawladaha laga soo dhiso Soomaaliya oo aan marna madaxda xisbigu
ka hadlin ama cambaarayn, waxana raga ka mid ah Mohamud
Cabdillaahi Sifir, Maxamed Cali Bilaal, Cabdalle X. Cali iyo
Wasiirka Arrimaha Dibada ee hadda loo magacaabay dawlada Sheikh
Shriif ee Soomaliaya Mohamed Cabdillaahi Oomaar oo ay si gaar
isagu xidhnaayeen hogaamiyaha Xisbiga Kulmiye.

Waxa markhaati ma doonto ah in doorashooyinkii dalka ka dhacay ee ku
salaysnaa (one man one Vote) dhammaantood uu hormuud ka ahaa inay
qabsoomaan Xisbiga UDUB iyo hogaankiisa oo mar kasta lahaa Somaliland
waxay ku iibsamaysaa doorasho ee kordhin kuma soconayso. Waxan tusaale
inoogu filan in markiiba Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ku dhawaaqay in
doorashada madaxtooyada la qabto cid kastaaba ha ku guulaysatee. Waxa
iyana tusaale inoogu filan in doorashadii baarlamaanka ay golihii markaa
joogey oo taageero ka haysta Kulmiye ay isu kordhiyeen 3 sano, isla
markaana Madaxweyne Daahir Rayaale u gudbiyey maxkamada sare si ay go’aan
uga gaadho, maxkamaduna xukuntay in doorashada la qabto.Ilaa hadda uma
arko Xisbiga Kulmiye doorashooyinkaa hirgalay ee adduunku inagu ammaanay
tallaabo horumar ah oo aynu gaadhnay mudadii xisbiga UDUb uu hogaaminayey
wadanka.

Waxa iyana la wada xusuusn yahay markii waqtigu ka dhammaaday Gudigii
hore oo doorashooyinka qaranka in Xisbiga Kulmiye laga sugayey muddo dhan
8 bilood inay soo gudbiyaan xubintooda uga mid noqon lahayd Komishanka,
taasina sababtay in doorashadii muddo dhaafto, lana kordhiyo muddo hal
sano ah, ka dib markii golaha guurtida loo gudbiyey. Saddexda xisbi
waxay isla qaateen in doorashada la qabto 29 March 2009. Waxa kaloo la
wada saxeexday in haddii ay dhacaan wax doorashada dib u dhigi kara in ay
saddexda Xisbi iyo komishanku isu yimaadaan oo isla qaataan waqtiga
doorashada, waxii ay isku raacaana loo gubiyo golaha guurtida si ay
waqtigaa ula qaataan, arrintaas oo ahayd mid la wada saxeexay, hase
yeeshee ay imminka badhifurayaan heshiiskii la wada qaatay oo ayna
ogolayn wada hadal iyo wada xaajood lagu xalliyo waqtiga doorashada ee
dib u dhacay sida komishanka qaranku soo jeediyey.

Xisbiga Kulmiye waxa uu marar badan ku celcelin jirey in golaha guurtidu
yahay cisaabad ku fadhida sharci darro, oo aan loo baahnayn
jiritaankooda, halka dhinaca kale waqtigan Xisbiga Kulmiye ku andacoonayo
in talada wadanka gacanta loo geliyo golaha guurtida.

Haddaba waa yaabe ma waxa goluhu xalaaloobay markii
Saleebaan Mohamud Adam iyo Axmed Siilaanyo ku heshiiyeen
sifo reernimo shirkii Gar-adag?

Waxaynu ogeyn in Xisbiga Kulmiye gudigii hore ee doorashooyinka qaranka
ku tilmaamay waqtigii doorashada madaxtooyada shakhsiyaad dan fuliyayaal
u ah madaxweyne Daahir Rayaale, halka uu imminka shakhsiyaadkaasi ku
tilmaamo mujaahidiin iyo halyeeyo ka mid ah hogaanka sare ee Xisbiga
Kulmiye. Arrimahaasi waxay inoo caddaynayaan inaan Xisbiga Kulmiye waxu
shalay lahaa maanta rumaysnayn, waxa uu maanta leeyahayna berri beenin
doono.

Xisbiga Kulmiye ma laha mawqif siyaasadeed oo ay ku midaysan yihiin aan
ka ahayn fadqalaynta iyo khalkhal gelinta geedi socodka dimoqraadiyada
Somaliland. Taasi oo ay dhowaan kula bahoobeen hogaankii ururka aan
sharciga ahayn ee Qaran oo aan marna caddaysan inay ku biireen Xisbiga
Kulmiye, laakiin kula xulafaystay mawqifkaas aan kor ku xusnay ee
degenaansho iyo dawlad diidka ah. Waxana muuqata in waxa keliya ee Qaran
iyo Xisbiga Kulmiye mideeyaa yahay in la rido xukuumada jirta Maanta sifo
kasta oo ay suura gal ugu noqoto iyagoo aan xeerinayn shuruucda dalka iyo
tartarnka doorashada xalaasha ah.
Xisbiga Kulmiye ma hayo aragti iyo fikir lagu hirto iyo hannaan dal lagu
xukumo midna, waxaase buuxdhaafisay colaad, qabyaalad, shacbi qaybin iyo
wax dumin af iyo adinba ah, manay soo bandhigin marnaba waxa ay ku hana
karaan hogaanka dalka. Xisbiga Kulmiye waxa masiirka ummadda kala weyn
kursiga oo ay ku fadhiistaan , taas oo u muuqata in haddii sida ay
doonayaan waayaan si kale nabad iyo dawladnimo u jireyn. Marna lagama
maqal hogaanka xisbiga Kulmiye inay aqbalayaan natiijada doorashada haddii
laga helo sida ay u caddeeyeen inay ixtiraamayaan una hogaan samayaan
natiijada doorashada madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo Guddoomiyaha
Xisbiga UCID Faysal Cali waraabe. Waxad moodaa inay shacbiga Somaliland
ula dhaqmayaan mid aan qaangaadh ahayn, runtuse waxay tahay in shacabka
Somaliland marnaba u diyaar ahayn in laga laga caras qalo mustaqbalka
qaaliga ah ee uu higsanayo.

Jaamac Yaasin Faarax
Xoghayaha Guud ee Xisbiga bahweynta UDUB.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Warsaxaafadeed Ka Soo Baxay Xisbiga UDUB

Post by The_Emperior5 »

propoganda machine from udub useless :down: :down:
User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Re: Warsaxaafadeed Ka Soo Baxay Xisbiga UDUB

Post by Bohol iyo karaman »

The_Emperior5; what is your problem? ma waxa laa gaadhay markad futadaa soo kalaa qaban jirteen?!
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”