Madaxweynaha DGPL oo la kulmey waxgaradka Bosaso
31 Mar 31, 2009 - 12:11:31 AM
Madaxweynaha DGPL ayaa galabta 30 Marso,2009 aqalka Madaxtooyada kula kulmey waxgaradka Bosaso oo ka kooban Issimada, Culamida Ganacsatada iyo aqoonyahanada.
Kulankaan oo ku bilowdey warbixin Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamad Farole ka sameeyey safaradii uu kusoo kala bixiyey dalalka Ethiopia iyo Jabuti ayaa waxaa uu sheegey inuu ahaa mid guul kusoo dhamaadey kadib markii ay kulamo la yeesheen madaxda dalalkaas.
Mr.Farole ayaa kulankaan kaga hadley amaanka, waxqabadka Xukuumadiisa iyo
sidii shacabka Puntland gacan ugu siin lahaayen isbadalka Xukuumadiisa wado kasoo salka ku haya sidii loo dardar galin lahaa hay'daha dowliga kuwasoo habacsanaan xoogan lasoo gudboonaatey
Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayey amaanka ayaa sheegey in tan iyo intii la doortey maamulkiisa ay ku dowladiisu ku mashquushay xal u helida khilaafaad u dhexeeya qaar ka tirsan beelaha wada daga Puntland.
Waxgaradka Bosaso oo kasoo qabgaley kulanka
Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayey waxqabadka dowladiisa ayaa sheegey in tan iyo intii ay qabteen talada MGPL uu kor u kacey qiimaha Shilinka Somaliga taasuna aysan aheyn mid iska timi, balse tahay siyaasad dowladeed ee ku aadan in la joojiyo Shilinka Somaliga oo ay Xukuumada ku badaleyso dolarka iyo joojinta gabi ahaanba jirin daabacada lacagaha faalsada ah.
" Waxaan bixiney dhamaan mushaharaadkii shaqaalaha iyo ciidamada Puntland taas oo sababtey in awooda iibsiga howlwadeenada dowlada kor u kacdo" ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayey waxqabadka Xukumadiisa mudada sadexda bilood ee ay xilka haysay.
Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa sheegey in Xukuumadiisa ku guuleysatey dib usoo
nooleyntii ciidamada Daraawiishta islamrkaana saxid ku wada ciidamada Booliska Puntland iyo shaqaalaha hay'adaha.
Munasabadaan ayaa sidoo kale waxaa ka hadley wasiirka Amniga DGPL Cabdulahi Siciid Samatar, Wasiirka arrimaha gudaha Ilka-jiir kuwasoo sheegey baahida loo qabo in la xoojiyo amaanka Puntland islamarkaana dadweynaha noqdaan kuwa gacan ka gaysta sidii loo xoojin lahaa.
Wasiirka amniga Puntland ayaa sheegey in Xukumada Puntland u dulqaadan doonin qaba'ilada haysta hub sharci darada ah isaga oo xusey in ciidamada amniga u howlgali doonaan sidii ay ula soo wareegi lahaayeen hubkaas.
Kulankaan oo markii dambe usu badaley suáalo iyo jawaabo ayaa waxaa hadal dheer ka jediyey Sh. Cabdulqadir Nuur Farax ayaa waxaa kaga hadley qiimaha nabadgalyadu leedahay iyo mas'uuliyada ka saaran shacabka Puntland.
Sheekha ayaa Xukumada ka dalbadey in cadalad ku dhaqdo shácabkeeda si loo helo maamul ka madax banaan qabyalad iyo musuq-masuq isaga oo ku booriyey dhamaan madaxdii dowlada in la mideeyo dhamaan ciidamada amniga ee ka howlgala MGPL.
Madaxweyne Farole iyo Wasiiradiisa kasoo qayb galey munasabadan oo si wanagsan loo soo ababuley ayaa si niyadsami ah uga jawabey dhamaan su'aalihii ay weydiiyeen waxgaradkii halkaas ku sugnaa iyaga oo islamarkaana dhageystey dhamaan talooyin ay u soo jeediyeen.
GAROWE ONLINE
President Faroole meets Waxgaradka Bosaso
Moderator: Moderators
- gemini07
- SomaliNet Super
- Posts: 7100
- Joined: Fri Jan 18, 2008 9:44 am
- Location: president of amiir faroole's fan club
Re: President Faroole meets Waxgaradka Bosaso
For all you not bothered to read the entire article :
No more Clan Militias ,wasiirka Amniga DGPL Cabdulahi Siciid Samatar vows to disarm Clans
Puntland army ,Police and Government workers are receiving wages regularly
They also discussed how to increase co-operation and trust between the Shacab and the gov.
No more Clan Militias ,wasiirka Amniga DGPL Cabdulahi Siciid Samatar vows to disarm Clans

Puntland army ,Police and Government workers are receiving wages regularly
They also discussed how to increase co-operation and trust between the Shacab and the gov.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 744 Views
-
Last post by oxymoron
-
- 5 Replies
- 1075 Views
-
Last post by udun
-
- 0 Replies
- 617 Views
-
Last post by gemini07
-
- 0 Replies
- 257 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 387 Views
-
Last post by Aseelah-Raaida
-
- 0 Replies
- 398 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 41 Replies
- 2217 Views
-
Last post by ABSAME'
-
- 7 Replies
- 603 Views
-
Last post by Mr. Yungnfresh
-
- 18 Replies
- 2878 Views
-
Last post by Amilla
-
- 1 Replies
- 55 Views
-
Last post by Areesa