Mudaharaad balaadhan iyo rasaas xoogan oo maanta gilgishey magaalada Hargeysa
Hargeysa (Somaliland.Org) Waxa maanta isu soo bax balaadhan oo lagu xusayo maalintii ururka SNM la aasaasay ka dhacay barxada weyn ee xarunta xisbiga KULMIYE ee magaaladda Hargeysa. Isu soo baxxaas auaa waxaa khudbado ka jeediyey masuuliyinta kala duwan ee xisbiga KULMIYE iyo mujaahidinti xisbiga KULMIYE. Kadib markii xafladaas dhamaatay ayaa waxaa shacabkii xafladaas ka qayb galay, iyaga oo ay horgalayaan hogaanka xisbiga KULMIYE waxa ay usoo lugeeyaan dhinaca guriga guddomiyaha xisbiga Axmed Silanyo.
Hase yeeshee kahor intii aanay gaadhina guriga Muj Silanyo ayaa ciidamada ilaalada ee loo yaqaano SPU ayaa ku rasaas xoogan kala hortimi shacabkii iyo madaxdii, markii ay dhinac marayeen guriga madaxweyne kuxigeenka.
Ilaa hadda sida wararku xaqiijinayaan waxa rasaastas ku dhaawacmay mid ka mid ah shacabkii socodkaas madaniga ah ku marayay wadada dheer ee laamiga ah.
Xukuumadda Madaxweyne ayaa mamnuucday in maalinta aasaska ururka SNM oo ku beegnayd maanta oo bishu tahay lixda bisha april in lagu xuso beerta xoriyadda sidii caadadu ahayd. Taasoo sababtay in xisbiga KULMIYE isu soo bax lagu xusayo maalintas ay ku sameeyaan barxad weyn oo ku hortaala xarunta xisbiga KULMIYE ee Hargeysa.
Ciidamada ilaaladda ee SPU ayaa kadib markii ay shacabka ku fureen rasaasta waxa ay ku war geliyeen guddomiyaha xisbiga KULMIYE Muj Silanyo inuu ka baydho wadada, isla markaana ay rasaas ku furi doonan. Hase yeeshe, Guddomiye Silanyo oo ay ku hareersanayen masuuliyin badan oo ka tirsan hogaanka sare e e xisbiga KULMIYE ayaa ka diiday inuu hakiyo socodka lugta uu ku marayo laamiga. Waxx jawaab ah kama bixin ciidamadu waxa uuna guddomiyaha iyo masuuliyinti kale socod ku gaadhen gurigii guddomiyaha oo ku yaala xaafadda shacabka ee magaaladda Hargeysa.
Wali way kacsan t ahay xaaladda magaaladda Hargeysa iyada oo rasaastaas ay khalkhal gelisay shacabki magaaladda, ilaa iminkana ma cadda sababta xukuumaddu rasaas ula beegsatay dad lugaynaya oo fadqalalo iyo arrin nabadgelyada khalkhal gelin kara ku kicin.
Mudaharaad balaadhan iyo rasaas xoogan oo maanta gilgishey..
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 433 Views
-
Last post by TheGrumpyGeeljire
-
- 0 Replies
- 292 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 5 Replies
- 878 Views
-
Last post by Canuck2
-
- 0 Replies
- 1416 Views
-
Last post by Gnesta
-
- 0 Replies
- 810 Views
-
Last post by Somalian_Boqor
-
- 36 Replies
- 3965 Views
-
Last post by abdalla11
-
- 2 Replies
- 968 Views
-
Last post by Addoow
-
- 0 Replies
- 304 Views
-
Last post by SunFromNorth
-
- 7 Replies
- 1177 Views
-
Last post by Perfect_Order
-
- 0 Replies
- 359 Views
-
Last post by kaliil