Xaaji Cabdi-Waraabe oo waayay Guddoomiyenimadiisii Guddiga ugu awooda badan
Shir-guddoonka Guurtida oo isbedel
ku sameeyay Guddi-hoosaadyada Golaha
Hargeysa (Ogaal)- Shirguddoonka Golaha Guurtida Somaliland, ayaa isku-shaandhayn ku sameeyay qaar ka mid ah guddi-hoosaadyada Golahaas.
Isbedelkan oo ku soo beegmay xilli qaybsanaan dhinaca fikirka siyaasadda ahi ka dhex jirto Golaha Guurtida, waxa guddiyada uu saameeyay ka mid ah Guddiga Joogtada ah iyo Guddiga Arrimaha Gudaha. Inkastoo aanu Shirguddoonku si rasmi ah u shaacin isku-shaandhayntan, haddana siday tibaaxeen ilo xogogaal ahi, waxa uu Shirguddoonka Goluhu sidaa ku sheegay qoraal uu Axaddii todobaadkan soosaaray. Warku wuxuu intaa ku daray, in Xaaji Cabdikariim Xusseen (Cabdi-Waraabe) oo ahaa Guddoomiyihii Guddiga Joogtada ah xilkaa laga qaaday, isla markaana loo magacaabay Cabdillaahi Xirsi (Dhugad), halka Xoghayaha Guddigaasna loo magacaabay Maxamed Cali Warsame. Sidoo kale, waxa la sheegay in Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha gudaha loo magacaabay Cabdisalaam Maxamed Siciid, halka Xoghayaha guddigaasna sida la sheegay loo magacaabay Yuusuf Cabdillaahi (Ugaaska).
Talaabadani waxay ku soo beegantay iyadoo muddooyinkan dambe uu kala-qaybsan ka muuqday mudaneyaasha Golaha Guurtida, ka dib markii ay ku kala jabeen labadii Mooshin ee u dambeeyay ee xil-ka-qaadista Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan iyo muddo-kordhintii Madaxtooyada.
Beesha Habaryoonis.
Guddoomiyaha Guddiga Joogtada
1. Cabdillaahi Ibraahim Xirsi ( Reer Sugule) Waa diiday muddo kordhin.
Beesha Dhulbahante.
Xoghayaha
2. Maxamed Weli Warsame Cali, waa diiday muddo kordhin.
Beesha Warsangeli.
Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha gudaha
3.Cabdisalaam Axamed Siciid, waa diiday muddo kordhin.
Xaaji Cabdi-Waraabe oo waayay Guddoomiyenimadiisii ......
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 6 Replies
- 1105 Views
-
Last post by X.Playa
-
- 1 Replies
- 860 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 17 Replies
- 1715 Views
-
Last post by ChiefAaqil
-
- 2 Replies
- 886 Views
-
Last post by L@fweyne
-
- 7 Replies
- 1023 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 7 Replies
- 1439 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 4 Replies
- 1408 Views
-
Last post by Ugariyahan
-
- 13 Replies
- 1045 Views
-
Last post by Bagamundo
-
- 5 Replies
- 794 Views
-
Last post by laander8
-
- 0 Replies
- 1349 Views
-
Last post by ina aadan
