Xaruntii Kulmiye Ee Burco Oo Boolisku Weeraray iyo Weriye Foosi Saleebaan Oo Boolisku Garaacay.
Ciidamada Booliska ayaa saaka weeraray xarunta Kulmiye ee gobolka Togdheer, halkaas oo ay shir jaraa’id ku qabteen masuuliyiinta xarunta Kulmiye, waxaa uu shirka jaraa’id ku saabsanaa, malintii xuska shuhadada SNM ayaa waxa ay sameeyeen dadweynaha reer Togdheer oo uu horkacayo Kulmiye xus ku saabsan munaasabidaas. waxaana wararku sheegayaan in Kulmiye ku guultaystay fashilin arrin ah iska horkeen dadweynaha oo ay soo maleegeen masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somaliland.
Waxaa la soo abaabaulay oo xukuumada Somaliland soo abaabushay dad ay u soo dhiibatay hub iyo calamo Somaliweyn ah, dadkaas oo dhexqaada Kulmiye socodka uu ku marayo magaalada, dabadeedna rasaaseeya booliska. Waxaa looga dan lahaa in laga dhigo xisbig Kulmiye mid qasaya nabada, sidoo kale waxaa la rabay in ay dhacdo iska hor’imaad labada beelood ah, waayo waxaa lagula taliyey nimankaas marka ay socodka Kulmiye marayo Suuqa Galbeedka Burco in rsaasta la bilaabo, si loogu dhigo in ay tahay beel soo duushay.
Arrinkaas ayaa Kulmiye fashiliyey oo qabqabtay maalintaas dadkii qaska waday, waxaana ay go’aansadeen in aan la socon ee xafiiskooda hortiisa dadweynaha lagala hadlo.
Shirka Jaraa’id ee maanata waxa uu salka ku hayey sidii nabadgelyada loo xoojin lahaa, waxaana ay xukuumada Somaliland ka baqday in ay soo bandhigaan siraha ay hayaan, sidaas awgeed ayaa taliye ku-xigeenka Booliska Cabdi Xandule iyo Badhasaabka Gobolka Jaamac cabdillaahi Biin oo ka soo jeeda Beesha habar Jeclo. iyaga oo wata ciidamo bolis ah ayay soo weerareen Xarunta Xisbiga Kulmiye. Cabdi Xandule wuxuu ka soo jeeda Beesha habar Yoonis, markii uu meesha yimina wuxuu weerar ku qaaday oo qori la dhacay isaga iyo askartii Weriye Foosi Saleebaan Aw-Bindhe, isaga oo leh, “maxaa ku keenay halkan”.
Waxaa halkaas laysku waydaarsaday gacan ka hadal badan iyo weerar gacmeed iyo weerar celin. waxaase la is waydiinayaa, haddii nabada laga hadlayey maxaa sababay in xukuumada Somaliland weerarto cid nabad ka tashayanaysa xoojinteeda.
Xubnaha Kulmiye ee Shirka Jaar’id wabtay waxaa ka mid ahaa:
Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ee Kulmiye Sahal Aadan, Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka iyo masuuliyiin kale oo badan.
Waxa ay dadka reer Burco leeyihiin waa qayb ka mid ah mashaariic lagu kala fogaynayo dadweynaha reer Togdheer, sidoo kale lagu waxyeelaynayo nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka Togdheer.
Masuuliyiinta Kulmiye iyo qaybta sirdoonka ee xisbiga ayaa sheegay in ay soo bandhigi doonaan xogo badan oo ay xukuumada Somaliland ku wax-yeelaynayso nabadgelyada.
Wixii faahfaahin ah ee ku saabsan weerarka xarunta Burco ee Kulmiye, kala soco Somalilandfuture Online.
Xaruntii Kulmiye Ee Burco Oo Boolisku Weeraray iyo Weriye...
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 430 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 116 Replies
- 8289 Views
-
Last post by mahoka
-
- 1 Replies
- 448 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 1 Replies
- 354 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 0 Replies
- 571 Views
-
Last post by KingWaslawi
-
- 2 Replies
- 379 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 5 Replies
- 941 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 4 Replies
- 581 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 1 Replies
- 285 Views
-
Last post by Dhaga Bacayl
-
- 3 Replies
- 671 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
