Ciidamadii Madiga ahaa Ee Maamulkii Degmada C/waaq oo la midoobey Ciidanka Ehlusuna Waljameeca
Kadib kulan ay wada qaateen odayaasha dhaqanka iyo culimaa’udiinka Ehlusuna waljamaaca isla markaana ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Caabudwaaq iyo wakiilka ugaaska beesha SADE barri mudane Axmed Barre Cali (Taakooy) ayaa waxaa la isla go’aansadey in la midoobo si looga baxo kala xir xirnaanta iyo amni darada.
Ciidama isku biirey ayaa waxaa ay ka kala howlgali jireen labo saldhig oo ku kala yaala magaalada waxaana hada la isugu keenay saldhigii hore ee degmada C/waaq.
Taliyaha ciidamada Ehlu Sunna waljameeca Sh.Aadan Sh.Cali nuur (Sh Ali dheere) oo markii ugu horeysay saxaafada la hadley ayaa Gedonet oga warmey muhiimada ay deegaanka iyo degmada ukeenayaan ciidamada la isku biiriyey isaga oo xusey inay amniga iyo nabadgelyada ay tahey howsha ugu muhiimsan ee loo midoobay iyo sidii dadka deegaanka ay uheli lahaayeen garsoor iyo Cadaalad sida uu hadalka uyiri.
Mar uu ka waramayey ahdaafta ciidamada ku midoobay magaca Ehlusuna waxaa uu yiri waxaan ku shaqeynaynaa oo ay tahey ujeedadeenu dhexdhexadnimo iyo cadaalad waxaan fureynaa maxkamad iyo garsoor cidii is qoonsata ama wax isku qabata ukala dabqaadaayuu siiraaciyey hadalkiisa.
Ma aha marki ugu horeysay oo loo sheego dadweynaha degmada C/waaq in ay kabaxayaan dhibka iyo kala xirnaanta waxaa dhowr jeer la sameeyey kulamo iyo shirar looga hadlayey kuwaasoo kusoo caano shubtey hadal aan ficil ka danbeyn
Ciidamadii hore ee maxkamadaha iyo Alshabaab ayaa sameeyey isku dayo intii ay joogen deegaanka waxaana ay mudaasi ku guuleysteen in amaanki iyo iyadoo lamamnuucay hubka dadka shacabkaa ay gacmaha kuqaataan taasoo keentey rajo aan lagu nagaan.
Inkastoo ciidamadan isbaheysteen hadanalama oga talaabada ugu horeysa ee ay qaadi doonaan.
C/kariin Axmed Bulxan
Central- Somaliya
http://www.gedonet.com/index.php?news=5207
Breaking news Abudwaq police and Ahlu Sunah become 1
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
- zingii
- SomaliNet Super
- Posts: 9937
- Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
- Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.
Re: Breaking news Abudwaq police and Ahlu Sunah become 1
Time for unity 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 6 Replies
- 856 Views
-
Last post by Queen_Arawello
-
- 22 Replies
- 2334 Views
-
Last post by Archerr
-
- 12 Replies
- 1050 Views
-
Last post by ibrahimcw
-
- 0 Replies
- 12 Views
-
Last post by Twisted_Logic
-
- 19 Replies
- 1568 Views
-
Last post by Mad May
-
- 8 Replies
- 77 Views
-
Last post by Xamari_76
-
- 7 Replies
- 1108 Views
-
Last post by Gubbet
-
- 5 Replies
- 623 Views
-
Last post by Somalian_Boqor
-
- 4 Replies
- 454 Views
-
Last post by snoop12