Muxuu Ku Dhamaaday Shirkii Buuhoodle ee Lagaga Hadlay Xiisad

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

Burao_Media
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 338
Joined: Fri Apr 10, 2009 3:14 am
Location: nin sahan tagay oo u dhexeeya Gaashamo, Danood iyo Wardheer.......

Muxuu Ku Dhamaaday Shirkii Buuhoodle ee Lagaga Hadlay Xiisad

Post by Burao_Media »

Muxuu Ku Dhamaaday Shirkii Buuhoodle ee Lagaga Hadlay Xiisadda Galgal?
Wednesday, 01 April 2009
Muddo ka dib markii ay socotay xiisadda Deegaanka Galgal oo ka dhalatay Ceelal sharcidarro looga qoday ayaa maanta kulan ka dhacay gudaha Buuhoodle oo ay arintaasi kaga wada hadleen waxgarad labada dhinac ah waxaa ka soo baxay go'aano muhiim ah oo arintaasi heshiis waara lagaga gaadhayo, marka uu dhaqan galo 70 maalmood ka bacdi, laguna ictiraafay Mulkiga Galgal, meeshana lagaga saarayo xiisadii taagnayd laguna kala qaadayo ciidamada aan deegaanka u ahayn Galgal, heshiiskaas oo gaadhitaankiisa ay soo sababeen waxgaradkii ka socday beesha bariga Burco, reer Buuhoodlena ay aad u soo dhoweeyeen.





Kulankaasi saaka markii uu furmay ayaa guurtida beesha bariga Burco waxaa la siiyey fursadda hadalka si a u sheegaan waxa ay la socdeen, waxana ay guurtidaasi si cad u qeexeen socdaalkooda & go'aankooda xiisadaasi galgal oo qodobadan ay ka gaadheen:



Guurtida Beesha bariga Burco waxa ay Mabda ahaan u aqoonsan tahay balligaasi Galgaleed Inuu yahay Deegaan Reer Buuhoodle, waxana ay dalbadeen in la siiyo fursad ah 70 habeen oo ay arintaasi kaga soo dhaadhicinayaan waxgaradka & dadweynaha Beesha bariga burco ee aan ku sugnayn Aaagga galgal.
Guurtida beesha Bariga Burco waxa ay cadeeyeen inay ogol yihiin in guud ahaanba la aaso ceelashii ay dhalinyaro reer Qorulugud ahi si sharcidarro ah uga qodeen balligaasi dhowaan taasoo dhalisay xiisadan taagan, waxana ay sheegeen in hadii weli ceelal aan la aasin ay jiraan ay gacantooda ku aasayaan.
Guurtida beesha bariga Burco waxa ay saaka carrabka ku adkeeyeen inay kala qaadayaan maleeshiyaadka isku urursaday Qorulugud isla markaan ay dhanka kale ka dalbanayaan in Galgal laga soo qaado ciidamada dheeraadka ah ee aan deegaanka u ahayn si mushkiladda loo yareeyo.
Guurtida reer Buuhoodle waxa ay si aan hakasho lahayn ay u soo dhoweeyeen go'aamadaasi ay la yimaadeen beesha bariga Burco.
Labada dhinac waxa ay isla qaateen inay qabtaan 20 xubnood oo guddi ah oo la socota fulinta heshiiskaasi & la socodka guud ee deegaanadaasiba.
Burao_Media
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 338
Joined: Fri Apr 10, 2009 3:14 am
Location: nin sahan tagay oo u dhexeeya Gaashamo, Danood iyo Wardheer.......

Re: Muxuu Ku Dhamaaday Shirkii Buuhoodle ee Lagaga Hadlay Xiisad

Post by Burao_Media »

Guurtida Beesha bariga Burco waxa ay Mabda ahaan u aqoonsan tahay balligaasi Galgaleed Inuu yahay Deegaan Reer Buuhoodle[quote="Burao_Media"]

I hope beelaha bariga Burco dont not have any of this nonesense :down: Buudhoodle :sland: :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”