1. Waxa aan maqaalkii hore ku xusay, in uu jiro dakhli badan oo aan Miisaaniyadda Qaranka gelin ($ 52,227,407) sannadkii iyo in ka badan oo aanan hadda xogtooda hayn. Toddobadii sannadood hantida ummadda ee la lunsaday way ka badan tahay $ 365,600,000.
2. Mushaharka madaxweynaha oo qudhaa la yaab leh, waa: sls 2,600,419,200/ 3,500 = $ 742,977 sannadkii ama $ 62,000 bishii. Kaas oo ka badan mushaharka madaxweynaha USA.
Xisaabaa Baanka JSL uga furan: Jabuuti, Germany iyo Addis-Ababa. Baanka JSL, ma furo L/C, waxa la odhan karaa, waa xisaab madaxdu dhigato lacagta.
Hantida ma-guurtada ee Rayaale urursaday intii uu xilka hayay:
• Jabuuti: Villa badda saaran iyo hal dabaq oo badhtamaha magaalada ah.
• Qaahira ; Dhisme 9 dabaq ah, oo ku qoran , Cabdi-Raxmaan Daahir Rayaale Kaahin.
• UAE (shaariqa) : Qasri
Eng. Maxamed Xaashi waxa uu ku eedeeyey Wasiirka Maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) inuu markab raashin ah oo ganacsade Carbeed ku caawiyey Somaliland uu ku iibiyey dalka Jabuuti. Qoraal uu xalay khadka internetka Jamhuuriya ugu soo diray, waxa uu ku sheegay in Wasiirka Maaliyaddu si qarsoodi ah Jabuuti ugu iibiyey markab raashin ah oo ganacsadaha Carbeed ee Al-cammuudi ku caawiyey ummadda Somaliland, isla markaana lacagtii ka soo baxday aanay ku dhicin khasnadda dawladda.
http://www.hadhwanaag.com/newsdetail.jsp?selectid=19759