Mogadishu: Thousands flee fighting yet again
Posted: Sat May 09, 2009 2:43 pm
Mogadishu: Thousands flee fighting yet again.
Barakac saaka ka socda qeybo ka mid ah Degmada Yaaqshiid, kadib markii lagu guuldareystay in la kala qaado dhinacyada is hor fadhiya
Qax iyo barakac xoogan ayaa ka soconaya qeybo ka mid ah Degmada Yaaqshiid oo ay saaka ka oogan tahay xiisad u muuqata in aan dagaal la hureyn, kadib markii lagu guuldareystay in la kala qaado dhinacyada Islaamiyiinta ee isku hor fadhiya halkaas.
Xaafadaha u dhow Garoonka Cayaaraha Stadium Muqdisho ayaa ah goobaha laga barakacayo iyo Deegaanka Towfiiq kadib markii shalay dagaal faraha looga gubtay uu ka dhacay halkaas, kaasoo u dhaxeeya Alshabaab iyo Maxkamadaha.
Xaafadaha barakaca ka socdo ayaa ah kuwo dhowaan dadkii horay ugu qaxay ay dib ugu soo laabteen, waxaana dadka yihiin kuwo wal wal iyo walaac ka muujinaya inay dib mar kale u barakacaan, xilli ay naawilayeen Nabad iyo degenaansho mar hadii ay baxeen Ciidamadii Ethiopianka.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in sababta ay u qaxayaan ay tahay in dhinac ka mid ah dhinacyada dagaalamaya ay saaka diideen in la kala qaado Ciidamada, iyagoona wacad ku maray buu yiri inay dagaalka sii wadayaan.
Xoogaga Alshabaab iyo kuwa Maxkamadaha ayaa isku hor fadhiyay nawaaxiga Garoonka Cayaaraha Stadium Muqdisho, halkaasoo ay labo dhinac ka kala joogaan, waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas macnaheedu yahay WAA JOOGAA.
Daqiiqad kasta ama saacad kasta ayaa la filan karaa dagaal ka dhex qarxa labada dhinac oo ah kuwo aad isugu muuqda, waxaana la yaab ah in meelaha ay ku dagaalamayaan labadan dhinac ay yihiin meelihii ay shalay si isku mid ah ay kula dagaalamayeen Ciidamadii Ethiopianka ee dalka joogay.
Hooyga wararka Somaliyed
www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.co m
Jowharcom@gmail.com