

Dhulbahnte...
Doqonkii Ogaadeen ahaa Doollo laga qaadye
Loo diid Dannood iyo hadduu degi lahaa Ciide
Nimanbaa dalkoodiyo xukuma labadi daaroode
Darraatoole iyo Faafanoo wada duraabaaya
Deegaanta haraday ku tiil daaqi mahayaane
Deex kama mareershaan halkay deleb ku beerneyde
Markii duraha jiidaal kacee doogga la idlaysto
Duurkiyo dayada Hawd markay Debec ku soo oonto
Laaski uu ku dalandooli jiray loogu degi waaye
Alla daw guduuddii Wardheer kama durduuraane
Dawadeedu waa Jeerinley uga dul geeraare
Ceelkii biyaha diirranaa looma dawdabo'e
Dixda Qarandi Deeroy Mataan loo dardari waaye
Maantana dukaamaa la dhigay degelki Gaafoowe
Darar kagama maalaan Camuud diiqo iyo xoore
Dixda Raygaleed iyo Gargaar laysu dacareeye
Dayr baaba lagu meeriyoo loo dabbaal degaye
Wardheeroon dagaal xumi ka dhicin dig iyo baaruudi
Doox iyo Doh iyo Faafanna waa soo dalbanayaane
Kuma dalaaqin naagii inaanay dib uga laabmayne
Iiddoorku siduu damacsanaa loo diyaafadiye
Hadba dunida duul baw kacoo diin la soo shira'e
Dar Illaahay uun baa xaggiis looga soo diraye
Sow sida Darwiishkii Isaaq duub cad uma qaadan
Makaahiilku doy uguma kicin degeya Hiiraane
Daacuunku meeshuu ku leyn uma dalluumeene
Daal iyo hadhuudh kuma cuneen degelki Haarweyne
Habar-Yoonis bay uga durkeen degeladoodiiye
Dullinimo inay qaayibeen waxaw daliilkiiya
Dadba weli ma arag Reer-Subeyr duul ka soo baxaye
Dooyiyo dabriyo weerar iyo malaha duullaane
Ninnaba uunka kama dawladsana Dir iyo Daaroode
Ilaah baa dabkoodiyo sandahay danabadoodiiye
Dadka uguma liitaane wey diriri waayeene
Afartaa sidii dalab la riday maysu daba joojay
Da'daan kaga bilaabiyo miyaan deelki ka habawshay
Ma dalleeyay deelqaafku waa kaa dilaa gabaye
Dacwad kalana waa Reer Xirsiga halan dareensiiyay
Dadka waa la wada laynayee waw darreydeene
Dubbihii ku dhacay Bihina Cali doogta weli haysa
Waa waxay la dabandeebayaan daqarradeediiye
Waxay dalagga beeraha la qodon waa dagaagnimo'e
Damal Aboodi Dayr iyo Afmeer dixida Gaaroodi
Reerahoodu maantay degeen daawo lagu boobye
Sidii galab dawaar loogu rogay Delab ma maalaane
Ina Raabbi waa tii la dilay waana Reer-Dalale
Dumar kuma sagootiyin kuwii dahay Ugaaskiiye
Dan baa tidhiye lama duudsiyeen Dirirki dheeraaye
Aniguba dubkaan uga nixiyo diirka oogada'e
Ma damqodo'e kii dad ugu xigay waa durduriyaaye
Ilamo Dacarba duul bay indhaha dumuq ka siiyeene
Nimankii walaalkood durqumay kama dambaysiine
Degdegsiinyo waa tay ciyoon duqaq u laayeene
Nimaan aabbihiis danabyo dhalin looma duurxulo'e
Dibbaa looga yaabiye iyo inuu kaaga sii daro'e
Dagaalkii killaas ugama rayn duulki Reer Shalace
Dunta boqorka nimankii sitee duubi jiray shaalka
anse kulay duraan waxbana yaanay dillin doorarna u layne
Geerida Hurahan diidayey dereja dhaamaane
Afartaas sidii dalab la riday maysku daba joojay
Da'dii aan ka qaadiyo miyaan deelki ka habawshay
Ma dalleeyay deelqaafku waa kaa dilaa gabaye
Dacwad kalana waa aniga iyo dan iska sheegayga
Maansadan dad yuu qoonsannuu diradiraw qaadan
Diin runa dalliilkii sharciga yaan ka daabacaye
Denbi inaanu iga raacihayn daacaddaa furiye
Daahyaale geelii la helay waakan dayr dhalaye
Duudweyn ma jiro Haamo iyo Daba Cadaadeede
Derrinkii afkii Daadmareen kama dareershaane
Dahab waatan iyo qaalmihii deyrcadka ahaaye
Dalba quruxsanleeyeey ma foga dalawadiiniiye
Danbarkiisu waydiin uraa waana dabataane
Iyadoo dildilihii bishiyo dacashi haaneedleh
Oo wada dunuunucahayuu idin dul joogaaye
Dubuxbaaba lagu sii wadaa iyo dararki Baarjeexe
Afartaas sidii dalab la riday maysku daba joojay
Da'dii aan ka qaadiyo miyaan deelki ka habawshay
Ma dalleeyay deelqaafku waa kaa dilaa gabaye
Dacwad kalana waa aniga iyo duun u hadalkayga
Nabsigu waa daruuraa cirkiyo sida daruureede
Dersinkii wax qaatuu la' yahay deynki godobeede
Daairadu maantay waddaa duulashii galaye
Xaqa dagugmay duunyada la dhacay dumarka ooyaya
Naagaha ilmada duugayey diilalyadu hayso
Daaimo hadaydaan ahayn dagan xaqiiniiye
dagaal waan jeclaa xaajo aad dib ugu aydaane
Doqon yahay ka kaca meeshanaad dacayda laalaadin
Ogadeen
Caliyoow dabuubtaadi gabay daayinkaa wadaye
Dabaylaha xagaagee dafliyo daafigaa sidaye
Noo dooji doogiyo sidii dararta xolaaye
diirkiyo laftuu xulay hadduu hadal wax daaweyne
Dadkana uma sinnee reer tolkay dacar ku nooleeye
daaraan garbaha qoon kulaad damaqday Dhuuxoowe
Dibirrooti buu dhacay raggaad daabaqadiseene
Waa gobol dillaacidiyo ciil dibinta ruugaaya
Iyo gobol runduda oo fadhiya dagada weeyaane
Dib u joogso waan kula dacwiyi doodna waan odhane
Dab baad ololisaa kumano gubo daa'in abidkaaye
Intaad dogob shiddaabaad taqaan dirdirayn jaane
Daadkaad fadhido sow gubee degelkan qiiqaabi
Haddayse daacad xaajadu tahoon lagu denbaabaynin
Danbaaburada naareeed haddaan dhinacu doonaynin
Seeddoow maxaad noogu digan dakharku waa kiinne
Gormayse degmadu noo zzzz dawgalbaa jirae
Daldhahsiga danaasaca la mood dawr inaan ahaye
IS dalleemintaydaa ninkii dagani eedaaye
Dubihii ku dhacay Ina Barwaaq dagi ad maysaane
Daaduunka caydheed raggaa debedda meeraaya
Docmo iyo Hartaa lagu ogaa dalawadoodiiye
Cali Gerigaa Daadhiib shalay naga durduurteene
Waa kaa dafriyey caanihii dagiyo Heemaale
Anna waxan dibiray waa dagaag dayrar soo xulaye
Nimay gacantu daabura tiqiin deri hadduu daayo
Uu yara dalleensado intii ducasan loo yeelo
Danban maayo waagay xubnuhu yara dubaaxshaane
Inaad deysid beel dagan adaan dani ku seetaynin
Dabcigeedba yaa kugu yiqiin digasho mooyaane
Hadday debecdo waw hiilisaa doqon walaalkeede
Diiftiyo ushay gacan intaa dayada haysaane
Dunna hadaanad ii tarin maxaad iigu dana sheegan
Duunyada fardood maalintaad deleb ku qaadaysey
sidii duul Amxaara ah markaad nagu dabraynaysey
Intaad haatan ii laba dublayn muu damqado jiidhku
Daarood Ismaaciil ahaan hilibku muu diiro
Daabaca ninkii kugu dhuftee daabka kuu celiya
Iyo kii duleesheey ku yidhi wax isma doorshaane
Dakanadayda yaa kaa xigaad igu danayn haatan
Aar soo dibjirey neef hadduu daacuftii geliyo
Uu kaga dig siiyuu ilkaha dhiigga kaga daadsho
Dugaaggaa yaryari sowka cuna duugga hadhay maaha
Aday dilaye goormaa Isaaq Doollo iga qaaday
Maxaa libinta Daarood lahaa dabacayuun siiyey
Hadday Dubaxul uga heesayaan dacarba waan siine
Miyey haatan daab iyo ul iyo kaga cabbaan dawlis
Dusha daalis oo dibi dhaloon loo danbarinaynin
Oo kii lahaa diideybay sidig ka doontaaye
Kuwan derisnay dooxeer haddaan sebenka daduunsho
Waxa adiga duug kaaga noqon yayga degi waayey
Gabdhaha doonnan dadabtan dhisniyo xidid dariiqaynta
Kuwaan dihannay diricay dhaleen waa dareeemadae
Muslinka hayga didin yaan ibleeys dawyo kaa ridine
Darka jabay dilaalkio dhulkuu dabadku meeraayo
Deeqii Illaahay halkuu xuliyey daadkiisa
Ii daa dugaag iyo Hartay igaga deyraanne
Iidoor Dir weeyee hadduu duulan soo kiciyo
Dunji Habar Magaadluhu hadduu dabarka soo gooyo
Dunbuq iyo rasaastana hadduu debecsanuu siiyo
Horta yaa la da'a wayla yaab dawyadaad xuliye
Ogaadeen ka daan iyo ka daan doolo soo gudubye
Diinkaan akhriyey way imaan dooy raggii jiraye
Dunji maalintaa waxad qabtaan waan u daahirinne
Ma demmaniye deynkayga waan dabagelaayaaye
Idinkuba darkii Caynabaa deris ku taalline
Dagaallama nindoorkii la laa duubcaddii Hagare
Ama na daaya waa wada qabnaa daawashiyo ceebe
Caliyoo da'daan ahay waqaa looma duurxuloe
Duq gaboobey iyo wiil yarbaa loo dedaa hadale
Diirkaan ka garan xaajadaa dabaqa saarteene
Ma dumaalo naaguhu ninkay nolol ku dayrshaane
Nin walaalki doorsaday ilaah derejo siin waaye
Dalkaad Ina adeerkaa dhigtaad weli degeysaaye
Baadida ninbaa kula deydeyi daalna kaa badine
Oon doonahayn inaad heshana daayin abidkaaye
Dadkuna moodi duul wada dhashon wax u dahsonayn
Dilla malaha aakhiro haddii loo kitaab dayoe
DIlaal iyo malaal wuxuba waa carabta deynkoode
Dibnihiinna uunbaan galay oo way dudubiseene
Allay diliye Iidoor adaa iiga sii darane