Ogaadeenya oo u dhaxeysa gooni isu taag iyo Xasuuq.

User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Ogaadeenya oo u dhaxeysa gooni isu taag iyo Xasuuq.

Post by hanqadh »

Home Spotlight Ogaadeenya oo u dhaxeysa gooni isu taag iyo Xasuuq.
Ogaadeenya oo u dhaxeysa gooni isu taag iyo Xasuuq.
Wednesday, 20 May 2009 22:09
Africa International April 2009/Yannick Demoustier
Image

Wargeyska lagu magacaqabo Africa International oo ka soo baxa dalka Fransiiska bishiiba mar ayaa cadadkiisi bishan May 2009 qoray maqaalka uu cinwaankiisu sare ku xusan yahay.
Ogaadeenya waxaa ka taagan dagaal xornimo raadin ah oo u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo mucaarad soomaali ah. Sida Daarfuur oo kale, dowlada Itoobiya gabood fal iyo danbiyo dagaal oo xuquuqda aadanaha ka dhan ah ayeey Ogaadeenya ka geeysatay.

Wariye madax banaan laguna magacaabo Yannick Demoustier ayaa Ogaadeenya ka soo laabtay qoraalkana kaga sheekeenaya wixii uu indhihiisu ku soo arkay.

Marka ciidamada mucaaradka soo galaan tuulooyinka iyo meelaha la dagan yahay si farxadi ku jirto ayaa loo soo dhaweeyaa. Waxaan arkay qoys sideed ruux ka kooban oo waxa ay heeystaan oo kaliya tahay waxoogaa ari ah kuna hoyda labo aqal mudul ah. Saboolnimo hoose ayaa gobalkan la hartay. Waa goob uu dagaal ka socdo in ka badan shan iyo toban sano. Is la markiiba hal arin ayaa indhahaada ku soo dhacaya oo ah in wax rag ah aysan agagaarka magaalooyinka joogin. Ciidamada Itoobiya ayaa caruurtan aabahood laayay bishii desember ee sanadkii tagay ayeey igu tidhi haween haweenka ka mid ah. Arintani waa mid aan in badan ka maqlay dadka Ogaden degan oo aan meelo kala duwan kula kulmay, haweenka iyo caruurta meel cidla ah ayaa looga tagay. Ciidamada Itoobiya waxey Gobalka ka abuureen xaalad argagax ah iyaga oo laaya raga. Arintani labadii sano ee ugu danbeeyay ayeey ciidamadu kor u qaadeen leeynta raga.
Image
Africa International April 2009/Yannick Demoustier

Wariyayaalka, heeyadaha aan dowliga ahayn iyo kuwa caalamiga ahba looma ogola in ay Gobalka Ogaden cagta dhigaan. Itoobiya Ogaadeenya way ka jartay dunida inteeda kale. sida kaliya ee lagu gali karo waa in aan habeeno iyo habeeno badan guureeysaa, wadooyinka oo dhan in la maro ayeey Itoobiya mamnuucday. Ma heysano raashin ciidamada doowlada ayaa xoolihii naga laayay, Xasan oo ah Oday da’ah ayaa hadalkiisa intaa ku soo koobay isagoo ku daray waxaa inoo haray waxoogaa geel ah, beerihii ayeey naga gubeen dawano ma heeysano.

Dagmadan dad sodomeeyo ka yar ayaa ku nool intii kale dhamaan naftooda ayeey ula carareen dhulka buuraleeyda ah ama meel ka baxsan Ogaadeenya sida Kenya, Jabouti ama meelo ka mid ah Soomaaliya. Bishii Janaayo ee sanadkan boqolaal askarta Itoobiya ayaa dagmadan timid waxeey dileen dad kor u dhaafaya 250 ruux. 150 ka mid waxeey ahaayeen haween iyo caruur. Meeydadka qaar lama aasin iyagoo wada dhan sababtoo ah xubnaha qaar ayaa maqnaa, waxeey ciidanka Itoobiya dadka u jarjareen sida dhurwaa hilib kala boobaya oo kale. Iridaha qaar ee xaafada quful ayeey ku xidheen si shacabka ugu muujiyaan in goobta ka qaxaan, Odeygan da’da ah ee goobjooga ahaa ayaa isagoo ilmeenaya hadalkiisa intaa ku soo gabagabeeyay.

Umad aan Itoobiyaan ahayn.

Shacabka Ogaadeenya waa dad Soomaali ah diintooduna Islaam tahay. Jabhada Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya (JWXO) waxaa la aasaasay 1984, una halgameeysay kolkii ugu horeeysay xukun daaqila sax ah ka dibna u weecatay xornimo raadin taam ah. Shakiga ah in aad JWXO taageersan tahay waxey si toos ah ku galineeysaa xabsi halkaa oo uu jidh dilku ka yahay sheey caadi ah joogtana ah. Waa wixii ku dhacay Axmed kaasoo ku soo biiray ciidamada JWXO sanadkii 2001 ka dib markuu ku soo qaatay afar sano oo xadhig ah xabsiyada Itoobiya.

Africa International April 2009/Yannick Demoustier
Anigoo qarka u saran dhameeystirka waxbarasho magaalada Direrdhawe, ayey i qabteen iguna eedeeyeen in aan JWXO ahay wey I garaaceen ina jir dileen mararka qaarkood koronto igu qabanayeen. Sababtan darted ayeey dhalinyaro aad u tiro badan ugu soo biiraan jabhada. Itoobiya waxeey isticmaashaa wax walbo oo dunida ka mamnuuc ah.

Geeska ugu shisheeya magaalada Galaalshe, waxaad ku arkeeysaa dhagaxyo is dul saaran muujineeysana xabaalo wadareedyo kana marqaati kaceysa xasuuqa Itoobiya ka geeysato Ogaadeenya. Qabri walba halkan ugu yaraan 50 qof ayaa ku xabaalan ayuu ii sheegay ruux deegaanka ah. In ka badan 1500 qof ayey halkan ku dileen labadii bilood ee ugu danbeeysay. Bal eeg iskuulkii waxeey ka soo reebeen gidaarkii kaliya, farmashigiina dhulka ayeey dhigeen ayuu ruuxani hadalkiisa sii raaciyay isagoo xaafada biyo u soo doontay cabsina u dheer tahay, sidoo kale dhacdooyinkan oo kale ayaa inta aan Ogaadeenya ku guda jiray la ii la soo dhawaanayay.

Shan askarta Itoobiya ah ayaa i kufsatay ayeey ii sheegtay Farxiyo oo 19 jir ah, wiil yar oo lix bil jir ah oo aan dhabarka ku sitay feer ayuu dhabarka kaga soo tuuray ka dibna dhagax maskaxda banaanka kaga keenay. Galaalshe sida dagmooyin kale oo tiro badan waa cidla qaarkood waa la gubay danbaskii ayaa weli ka qoyan.

Itoobiya Mareykanka ayaa saaxiib dhow ka dhigtay si waxa argagixisada loogu yeero ula dagaalamaan siiba Soomaaliya. weerarkii Itoobiya ku qaaday Soomaaliya waxey uga gol lahayd niyad jabinta JWXO. Dagaalka hubeysan ee Ogaadeenya wuxuu biloowday 1994 kolkaa oo ay JWXO ahayd urur siyaasadeed maankana ku hayay xornimo u raadinta Gobolkooda, Itoobiyana dil iyo qaarijin ku biloowday siyaasiyiin reer Ogaadeenya ah. Wuxuuse cirka is ku shareeray weerarkii jabhadu ku qaaday ceelkii shidaalka halkaasoo 74 lagu dilay 9 shiinees yihiin inta kalana Itoobiyaan. Itoobiya JWXO waxeey ku sheegtaa in ay argagixiso yihiin. Midowga Yurub iyo Mareykanka fikradaa ma qabaan.

Image
Africa International April 2009/Yannick Demoustier

Dagaalkayagu wuxuu ku wajahan yahay Ogaadeenya oo kaliya sidaa waxaa yiri Faarax oo ah taliyaha ciidan 2500 ka kooban aaga Jigjiga isagoo ciidii dhulkiisa hooyo cantoobsaday. 2007dii John Holmes oo Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka ayaa xaqiijiyay in hal qof afartiiba dacdari ku heysato Ogaadeenya, xaaladu wey ka sii dartay. Waa in dunidu ogaataa waxa Melez halkan ka sameeynayo, waa in xasuuqa uu ninkani dadkayaga ku hayo ogaataa Qaramada Midoobay kana hadashaa, waa in John Holmes soo noqdaa ayuu Faaarax yiri.








Qoraalkii Yannick Demoustier
Africa International
430 April 2009
............

Turjume: Cabdulahi Yare
Queen_Arawello
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6096
Joined: Mon Jan 12, 2009 4:23 pm
Location: Aware and Dhagax-Buur

Re: Ogaadeenya oo u dhaxeysa gooni isu taag iyo Xasuuq.

Post by Queen_Arawello »

:clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap:
User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Re: Ogaadeenya oo u dhaxeysa gooni isu taag iyo Xasuuq.

Post by hanqadh »

Marka ciidamada mucaaradka soo galaan tuulooyinka iyo meelaha la dagan yahay si farxadi ku jirto ayaa loo soo dhaweeyaa.
jwxo for the people :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”