Gaari ay la socdeen Ciidamada Booliska oo lagu qarxiyay agagaarka Isgoyska KM4
Qarax miino ayaa barqanimadii maanta waxaa lagula eegtay Gaari ay la socdeen Ciidamada Booliska Dowladda KMG, iyadoona qaraxaas Ciidamada lagula eegtay agagaarka Isgoyska KM4.
Qaraxa oo ahaa mid aad u xooganaa ayaa qabsaday Gaariga, kaasoo bur buriyay gaariga, waxaana la xaqiijiyay dhimashada ilaa afar askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska.
Dad goob joogayaal ayaa ku soo waramaya in qasaaraha ka dhashay qaraxa uu ahaa mid ku koobnaa Ciidamada Booliska, iyadoona gaariga qaraxa lala eegtay uu wali yaalo halkii lagu qarxiyay.
Qaraxa kadib ayaa la sheegay in Ciidamada Booliska ay fureen rasaas, waxaana hakad ku yimid dhaq dhaqaaqii wadadaas oo la arkayay iyadoo ciidamada dadka iyo gaadiidka ka celinaya halkaas.
Warar qaar ayaa sheegaya in gaariga qaraxa lala eegtay uu ka mid ahaa Kolonyo ay la socdeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyed, iyadoo aanu jirin ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Taliska Booliska.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
Hooyga wararka Somaliyed
www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.com
Jowharcom@gmail.com
_________________________________________________________________________________________________________________________________________________
Wararkii u dambeeyay dagaalada ka holcaya Yaaqshiid iyo Ciidamo daacad u ah Cabdi Jiinow oo dagaalka xoogiisa ka qeyb qaadanaya.
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal faraha looga gubtay oo si xoogan uga socdo qeybo ka mid ah Degmada Yaaqshiid, iyadoona dagaalkan uu yahay mid u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Kooxaha ka soo horjeeda.
Dagaalka oo waabarigii saaka ka bilowday agagaarka Saldhiga Yaaqshiid ayay ugu suura gashay Ciidamada Dowladda inay saldhiga la wareegaan, kadib markii ay ka saareen Xoogagii halkaas gacanta ku haayay.
Ciidamo daacad u aho Cabdi Jiinow ayaa lagu soo waramayaa inay dagaalka xoogiisa ka qeyb qaateen, kuwaasoo la wareegay goobo dhowr ah, sida Saldhiga Yaaqshiid, Xarunta Degmada, iyadoona Cabdi Jiinow Maareeyaha Dekeda Muqdisho lagu arkay isagoo ku sugan Gurigiisii uu horay uga qaxay ee Degmada Yaaqshiid.
Dad goob joogayaal ayaa soo sheegaya in dagaalka uu xoogiisa iminka ka socdo agagaarka Jiiro Garoob ilaa Hotelkii Towfiiq, halkaasoo rasaas xoogan ay ka dhaceyso.
Dagaalada ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay dhaq dhaqaaqii ganacsiga Suuq Bacaad oo ah Suuqa labaad ee ugu weyn Magaalada Muqdisho, iyadoona albaabada la isugu dhiftay Suuqa oo mar kaliya lagu kala yaacay.
Waxaa ilaa iyo iminka si dhab ah loo ogeyn qasaaraha uu geysanayo dagaalka, waxaase jira warar loo helayo si horu dhac ah oo sheegaya in qasaaraha dhimasho ee soo gaaray dadka rayidka uu gaarayo ilaa saddex ruux
Ma jirto ilaa iyo hada cid ka hadashay labada dhinac dagaalada dhex maraya, iyadoona ay degan tahay xaaladaha goobihii kale ee ay todobaadyadii u dambeeyay isku hor fadhiyeen Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga Mucaaradka.
Hooyga wararka Somaliyed
www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.com
Jowharcom@gmail.com
Mahad on June 01 2009 10:07:58
Fresh violence rocks Mogadishu,capital of the failed state
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
Re: Fresh violence rocks Mogadishu,capital of the failed state
waxaa la yiri"mukulaal meeshi ay macaan ku barato ayey macluul ugu dhimataa",these crazy wadaads think they are in 2006,when the local population were supporting them in every way,militarily,intellegence and propoganda.but right now,the situation is utterly different,their support has fallen to lowest and the wadaads forced millions of people to flee from the city.
both of the groups have a modern weapons capable of mass killing,this scenerio will continue for a while may be at least for the next two years.
as we speak,more fighting is going to happen in all south and central somalia from galgaduud,hiiraan,sh.dhexe,bay and bakool ,jubboyink and gedo.while xamar is the mother of all wars!
both of the groups have a modern weapons capable of mass killing,this scenerio will continue for a while may be at least for the next two years.
as we speak,more fighting is going to happen in all south and central somalia from galgaduud,hiiraan,sh.dhexe,bay and bakool ,jubboyink and gedo.while xamar is the mother of all wars!
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 869 Views
-
Last post by Somali2003
-
- 9 Replies
- 1225 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 0 Replies
- 277 Views
-
Last post by newsbot
-
- 5 Replies
- 1464 Views
-
Last post by Smile-LiKe-SuN-RiSE
-
- 8 Replies
- 480 Views
-
Last post by Xusseyn
-
- 0 Replies
- 268 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 0 Replies
- 1661 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 8 Replies
- 1683 Views
-
Last post by Garuun
-
- 0 Replies
- 204 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 363 Views
-
Last post by SomaliDefenceCouncil