Soomaalidu waa dad xirxiran oo dhowrsan, waana dad isla weyn oo qabkoodu sareeyo waxay ahaan jirtay sifo dadkeena ay laheeyeen taariikhiyan, laakiin isbedelka dhacay ee qaranjabka ugu weyn yahay wuxuu na dhaxalsiiyay inaanu weyno wax waliba oo qiime lahaa Diin ahaan, dhaqan ahaan iyo dad ahaanba.
Dhaqanka lumaya ee haweenkeena wuxuu ka mid yahay dhibatooyinka waaweyn ee hore u bilownaa balse xaaladda la galay ay uga sii dartay, duruufta jirtana ay sii quudisay ilaa heer gebi ahaan laga tegayo dhaqankii suubaa iyo diintiiba.
Ciidamadii shisheeye ee dalka yimid sanadkii 1992-kii ilaa 1995-kii waxay ku kaceen falal aan yareyn oo lagu waxyeeleeyay Soomaalida ku dhaqan degaanadii ay ka howl galeen, sidaasoo ay tahayna inta la ogyahay ee la shaaciyay aad ayay u yar yihiin, taasoo la wada fahmi karo sababta ugu wacan.
Ciidamadii ugu faqsiga badnaa waxaa lagu tilmaamay xilligaasi Talyaaniga iyo Nayjeeriya, waxaa kaloo iyana jiray ciidamo aan laga maleysan karin oo ku kacay falal ka baxsan bani’ aadamnimada sida kuwa Belguim oo Kismaayo dab ku gubay wiil Soomaaliyeed, kuwii Kanada oo Beledweyne wiil kale dilay kadib markii ay fara xumeeyeen.
Ogowna inta aan la ogeyn ee kiisas ah inay kumanaan gaarayeen.
Dhacdo markii ugu horeysay soo shaac baxday 24-kii Bishan Ogost ayaa igu dhalisay inaan ka hadlo arrintan waxayna ahayd war uu qoray wargeyska The New Vision ee dalak Uganda kaasoo cinwaan looga dhigay:
GABAR SOOMAALIYEED OO RAADINEYSA ASKARI YUGANDES AH OO AY JECLEYD!.
Walaalka muslimka ahow gabahan da’da yar ee Soomaaliyeed sida warku qorayo waa 23 sano jir aabaheed caafimaad ahaan u geysay isbitaalka ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho waxayna natiijadii noqotay in dhaqtarkii Ugandeska ahaa ee ay la kulantay uu fursadaasi uga faa’iideysto kadibna sidaasi gabadhii kula falgalo kuna uureeyo.
Magaceeda waxaa lagu sheegay Nino Cumar Ibraahim iyadoo wadata wiil ay sheegtay inuu dhalay askarigaasi kooxda caafimaadka Uganda ee Muqdisho ka mid ahaa waxayna tagtay Kampala, iyadoo raadineysaa ninkaasi oo ay sheegtay inay jeceshahay una baahan tahay, kana soo baqatay in lagu dilo Muqdisho.!!!!
Kiiskan ihaanada ah ee muujinaya heerka xaalkeena akhlaakhda ahi marayo, wallaalayaal ha u qaadainina wax kale, waa calaamad digniin ah oo hordhac ahaan Alle u soo shaac bixiyay.
Gabadha hadda waxay ku sugan tahay Kampala waxaana sida ay sheeegtay gacan siiyay guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kampala Xuseen Xasan, waxaana dacwadeeda ay gaartay afhayeenka ciidamada Uganda Paddy Akunda, ninka arrintan kula kacay Nino waxaa lagu sheegay magaciisa Joshua Aziza oo ah shaqaale caafimaad, waxaana la filayaa tallaabada laga qaado. Wuxuuse siiday inuu saxaafadda la hadlo.
Kiiskan marka lagu daro dhibaatada dadkeena heysta ee u nugul wax waliba, loogana faa’iideysanayo xitaa samafalka la sheego in loo sameynayo, marka aan ogaano in Uganda ay tahay dal uu si weyn ugu baahay cudurka HIV/AIDS iyo ciidamada ka jooga Soomaaliya inay ku dhow yihiin 2000 askari, maxaad u maleyneysaa inay dhici karaan.?
Arrintu waa halis aad u weyn oo u baahan dadaal badan iyo iskaashi dhinacyada bulshada oo dhan, waxayna ilo xog ogaal ahi ii sheegeen in Isbitaalka AMISOM ee ciidamada Uganda maamulaan dad badan ku jabeen oo adeeg caafimaad u ooman balse inta badna kuwa ka shaqeeya ay yihiin shaqaalo ciidamadeed dhinaca caafimaadka ah oo dhaqankooda jinsiga ahi aad u liito ayna yar tahay haweeney tagta oo ka badbaada, xitaa kuwa la suuxiyo ee qalliinka lagu sameynayo.
HAL WALIBA SHILISKA AY IS DHIGTO AYAA LAGU GOWRACAA, haddii ciidamada Uganda oo sharci inay ku joogaan dalka la sheego meel loo dacwoodo iyo cid u hadasha oo loogu hagaagana la heli karo sidee walaalayaal xaalkoodu noqonayaa ciidamada 30-ka Kun lagu sheego ee Itoobiyaanka iyo waxa ay sameyn karaan?.
Dhacdo kale oo aan goobjoog u ahaa waxay ahayd saddex gabdhood oo Soomaali ah da’dooduna u dhaxeyso 16 - 18 sano ayaa lacag 300 Birta Itoobiya ah loo sarifay, goobtii sarifka oo aanu si kama’ ah ugu kullanay ayay dadkii meesha joogay isu sheegayaan inay yihiin gabdho ay qabaan askar Itoobiyaan ah oomarkaasi deganaa dhisme Dugsi sare oo Muqdisho ku yaala, waxaana hadaladii laga sheegayay ka mid ahaa in hal qol lagu wada qabo, diinta lagu qabose ma garan.!!!!.
Xaaladdu ma fududa imitixaankuna waa weyn yahay, waxaase la doonayaa in aan la yareysan arrimahan oo qeyb weyn ka ah ujeedooyinka lagu doonayo in lagu dooriyo dhaqanka iyo diinteena, inta xilka saaran yahay ayaase laga doonayaa inay ka dhiidhiyaan.
Ujeedadu maaha in lagu mashquulo gabadha geftay ee baxsatay sababta kasta ha u geysee jariimadaasi..
mana aha in kiiskani kaliya laga hadlo, laakiin arrimaha la doonayo in inta waxgaradka ah ee damqashada leh ay u istaagto waxay kala yihiin:
SAXAAFADDA SOOMAALIDA siiba tan gudaha waa inay arintan tooshka saarto baaritaanno badanna sameyso si ay shacabka wax u ogaadaan, kiisaska kale ee jirana la soo shaac bixiyo.
Mar haddii aanay jirin dowlad Soomaaliyeed oo baaritaan iyo awood koontraool leh waa in saxaafaddu doorkaasi buuxiso.
INTA WAXGARADKA AH Waa inay isu xil saaraan daba qabashada dadka, dhinacyada arrintan ku lugta lehna ay kala xiriiraan, waxna ka weydiiyaan ugu yaraan sida ay wax u wadaan, Tusaale ahaan ciidamada Uganda waa loo dacwoon karaa welibana wax weyn ayaa laga qaban karaa arrintooda.
Kooxaha dagaalka ku jira wax badan ayay ka qabteen haweenka noocan ah ee nabaadguurka akhlaaqeed ku socda siiba kuwii laga celin waayay xerooyinka Itoobiyaanka, laakiin waa inaysan arrintu noqon in miisaanka la lumiyo oo dad aan waxba galabsan la waxyeelo, xaaladda lagu jiro haba dhib badnaato.
Waxaana muhiim ah in la sameeyo kooxo gaar ahaan u qaabilsan la dagaalanka akhlaaq xumida noocan oo kale ah.
BULSHADA INTEEDA KALE: Waxaa la gudboon inaysan qarin falalka iyo kiisaska noocaasi ah ee ay gaarsiiyaan cid kasta oo ay is leeyihiin wax bay ka qaban kartaa ama ugu yaraan ay la haldaan saxaafadda gudaha si ay dibadda ugu soo baxaan tacadiyadan oo ah dagaal lagu hayo bulshadeena dhinacii u fiyoobaa.
JAALIYADDA SOOMAALIDA KAMPALA: Waxaa laga rabaa inaysan kiiskan ka harin oo ay daba galaan ilaa heerka ugu danbeeya, gabadhaasi yarna waa inay u caqli celiyaan, kana wareystaan xaaladeeda si macluumaad dheeraad ah oo xaqiiqo ah looga helo.
Walaalayaal dagaalku nagu socdaagi waa wejiyo badan yahay, midkanse waxba ma reebayo waa dagaal mujtamac ahaan nagu wajahan oo haweenkeena dhalan rogayo, sidaasi darteed waa inaynu u wada istaagnaa sidii looga hortegi lahaa, waa sax Soomaalidu ma jecla in arrimahan la faaqido laakiin suuragal maaha in xasuuqa qarsoon ee ku socda haweenkeena laga aamuso.
Cid waliba oo wax uun ka tari karta arrintan waa inay haddaba hore u dhaqaaqdaa oo qeylo dhaantan tixgelisaa.
Halkaan Ka Akhriso Maqaalkii New Vison
Waxa Qoray:
Shariif Moalim
shariif55@hotmail.com
Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com
http://waagacusub.net/29.08.08.1.htm
english version
A Somali mother is in Kampala looking for a UPDF soldier who she says fathered her four-month-old baby-boy. The 23-year-old Nino Omar Ibrahim arrived five days ago after a one-week journey from war-torn Somalia.
The situation back home, she said, had forced her to search for the father of her son who was one of the 1,600 Ugandan peace-keepers deployed in Mogadishu.
“I met him when I took my father, Sheik Ibrahim Omar, for treatment at the AMISOM hospital in Mogadishu,” said the frail-looking Nino.
While she searches for the soldier, Nino has taken refuge in Kisenyi, the Kampala slum which has most Somali refugees.
“I love the father of my boy. All I need is to get in touch with him for assistance. I need him that is why I came. My child is a Ugandan but I feared being killed due to this act. I am safer here,” she said.
Under Islamic law, which operates in some parts of Somalia, a woman may be killed for having sex out of wedlock.
Nino, who says she gets help from Hussein Hassan, the chairman of the Somali community here, wants the UPDF to help her.
Army spokesman Maj. Paddy Ankunda, who met Nino at his Mbuya offices on Friday, promised to help. He identified the officer as Joshua Asiza, a medical worker.
“We want him to take responsibility and take care of the boy and the mother. They need help,” Ankunda said. “If he denies responsibility, that will be another matter.”
Ankunda would not say what sentence or charges the officer would face if he declined to take responsibility. But he added that if Asiza fathered the child, he breached the army code of conduct.
“We have guidelines to follow while on a peace mission especially abroad. In the UPDF, we don’t condone indiscipline.”
Asiza, a Warrant Officer II, was part of the first batch of the African Union peace-keeping force in the war-torn Somalia.
He refused to take his calls yesterday.
President Museveni had warned the officers to desist from “immoral acts”.
Meeting them in Kimaka, Jinja, before their departure, Museveni said: “You are leaving while healthy. Don’t go and start irresponsible behaviour that will see you contract HIV/AIDS.”
During the UPDF mission in DR Congo, many Congolese women, along with children, followed the officers back to Uganda after the mission ended.
Many settled down with the soldiers as married couples.
This What Happens when you Bring African Baboons to Xamar
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This What Happens when you Bring African Baboons to Xamar
Last edited by Player99 on Mon Jun 01, 2009 10:39 am, edited 2 times in total.
- MzunguMweusi
- SomaliNetizen
- Posts: 288
- Joined: Tue Mar 13, 2007 8:31 am
- Location: Pale Juu karibu na Chini
Re: This What Happens when you Bring African Baboons to Xamar
That's too long to read but in Asia even You are an african baboon.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 10831
- Joined: Fri Feb 29, 2008 4:55 am
- Location: Stonetown, Zanzibar
Re: This What Happens when you Bring African Baboons to Xamar
Please stop referring to them as baboons..& stop embarrassing us on the world wide web 

Re: This What Happens when you Bring African Baboons to Xamar
Enlightened~Sista wrote:Please stop referring to them as baboons..& stop embarrassing us on the world wide web
enlighten me then what do they derserve to be called - elhu jannah :rolleyes:
Re: This What Happens when you Bring African Baboons to Xamar
Enlightened~Sista wrote:Please stop referring to them as baboons..& stop embarrassing us on the world wide web
enlighten me then what do they derserve to be called elhu jannah :rolleyes:
- sheekh-Farax-zero
- SomaliNet Super
- Posts: 7590
- Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
- Location: pppppppp
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 236 Views
-
Last post by Diva19
-
- 14 Replies
- 920 Views
-
Last post by jamols2
-
- 15 Replies
- 1451 Views
-
Last post by Djiboutian
-
- 16 Replies
- 1372 Views
-
Last post by PLATINUUM
-
- 7 Replies
- 881 Views
-
Last post by Advo
-
- 3 Replies
- 38 Views
-
Last post by oxymoron
-
- 0 Replies
- 312 Views
-
Last post by Enemy_Of_Mad_Mullah
-
- 6 Replies
- 1222 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 4 Replies
- 971 Views
-
Last post by many55