Xaflada si xeer saro ah loo soo agasimay islamarkaana ilaa 40 arday oo ka qalin jibinsay Dugsiga sare lagu Gudoonsiinayay kaararka shahaadooyinka Dugsiga sare lagu doonto ayaa maanta waxaa ay ka dhacay Baar Makka ee Gudaha Magaalada B/weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Munaasabadan oo ay ka hadleen mas'uuliyiin ka tirsan Maamulada dugsigayada iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa si weyn looga hadlay waxbarashada iyo doorka ay u leedaha bulshada.
Ugu horeyn Prof. Ibraahim Cumar Max'ed oo ah Madaxa Dugsiga Hoose/Dhexe/Sare Mujamac Dhiiba Tacliim ayaa ka warbixiyay qaabkii ay ardaydani u soo mareen dadaalkan waxuuna tilmaamay in ay u soo dhabar adeegeen in mudo ah iyadoo lagu jiro dhibaatooyin Dagaalo iyo Fowda iyo wax qabad la'aan waxuuna intaasi ku daray in wax weyn ay ku kala duwan yihiin waxbarashadii hore iyo tan maadaama aysan xilligii dowlada jirin wax colaad ah islamarkaana ardaydu ay si niyad ah wax u baranayeen hadana ardaygu uu ku taalamayo goormee lagu qarxin iyo gormee ayaa imtaxaanaku fadhiisan.
Sidoo kale Ustaad Aadan Axmed max'ed oo ah maamule xigeenka dugsigaasi ayaa isna carabka ku adkeyay in xilli adag ay soo mareen ardaydan waxaana uu sheegay in dugsigan la aasaasy sanadii 1996dii ilaa hadan uu dhisan yahay ardayna maanta qalain jibinayso ayaa noqonayso dufcadii 11aad ee ka barmoosto Dugsiga Mujamac Dhiiba waxuuna kula dardaarmay in ay dadaalkooda waxbarasho sii wataan ooaysan meel cidla ah kaga harin.
Gudoomiyaha Maamulka Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo ka hadlay xaflada ayaa isna sheegay in waxbarashadu ay tahay muhiim dhankasto ee bulshada waxuuna kula kaftamaya ardayda isagoo dhoolo cadeynaya in aysan noqon Profesorada dhinacyada maadiga iyo diiniga ka dhisan ee maanta madaafiicda ku garaaceyso Muqdisho waxuuna balan qaaday in dugsiyada waxbarashada ee Gobolka wax weyn uu maamulkiisa ka qaban doono waqtiyada dhaw ee soo socda.
Xafladan oo ahayn mid si weyn loo soo qaabeyay ayaa dhamaan waalidiinta iyo martida kale ee ka soo qeyb gashay waxaa ay kula dardaarmeen ardaydu in ay sii wadaan dadaalkooda dhinaca waxbarashada ah oo ay jaamacado iyo daraasado kale sii wataan si ay u gaaraan yoolkooda waxbarasho.
Gababadii xaflada ayaa waxaa kaararkii shahaadada ay ku doonan lahaayeen ardaydu waxa Gudoonsiiyaya Gudoomiyaha Maamulka Maxkamadaha ee Gobolka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow shahaadooyinka dugsiga sare ayaa waxaa bixiso Hay'adda Fpens oo ay ku mideysn an yihiin Dugsiyo badan oo Gobolda Dalka ku kala yaalo.


Prof. Ibraahim Cumar Max'ed oo ka hadlaya xaflada

Gudoomiyaha Maxkamadaha Gobalka Hiiraan oo ka hadlaya Xaflada

Dadkii ka soo qeyb galay Xaflada

Haweenkii ka soo qeyb galay xaflada

Gudoomiyaha Maxkamadaha Hiiraan oo shahaado siinaya Ardayda
