Janaale

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
Ayub21
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 421
Joined: Mon Mar 16, 2009 9:24 am
Location: Boqol sano oo dawlad xumo ah, hal habeen oo dawlad la'aana baa xun

Janaale

Post by Ayub21 »

Gelinkii danbe maalinimadii shalay waxaa la soo gabagabeeyay qodista kanaal loogu magac daray [Primo Sukundaariyo] oo socday mudo bil ah oo kanaalkaasi lagu hayay lagu qodaayo kanaalkaasi, si ay uga faaiidaystaan Beeralayda Gobolka Sh/hoose.

Image

Dhererka kanaalkaan [Primo Sukundaariyo] 32km ayaa waxaa ka faaiidaysta deegaanada ku teedsan kanaalkaan ee kala ah degaanada Jiida Janaale Golweyn iyo weliba B/Mareer.

Image

Kanaalkani oo in ku dhow Muddo Shan Sanno ah aanan la dayactirin ayaa waxaa fuliyay dayactirkiisa NAGO [ ADCO] oo ka mid ah Haya’daha maxaliga ee ka howlgala degaanada goblka Sh/hoose waxaana ay gacan buuxda ay ka heleen haya’dda [FAO ]oo ka mid ah laanta u qaabilsan Q/Midoobay horumarinta dhinaca Beeraha.

:clap: :clap:
Image

Beeralayda Gobolka Sh/Hoose oo kanaalakani dhibaato xoogani ay uqabeen, ayaa la sheegayaa in dhibaatada Kanaalkaan ay ahayd mid ay saamaysay dad lagu qiyaasay illaa iyo 15000 qoys oo isugu jira beeraley iyo xoolo dhaqato.



Dib u dayactirka lagu sameeyay Kanaalkkaasi ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadweynaha gobolkaasi oo u badan Beeralay, waxayna tani ay qayb ka tahay sidii loo kordhin lahaa wax soo saarka tacabka Beeraha ee goblka sh/hoose oo ah Goblka ugu wax soo saarka badan dalka Soomaaliya dhinaca Beeraha.

Image

Waxaa sidoo kale dadka Gobolkaasi ay u badan yihiin dadkii ka barakacay, ayaa islamrkaana waxa ay ku jiraan xeryo qaxooti, iyagoo la filaayo inay dib ugu soo laabtaan degaanadoodii abaaro iyo colaad darteed ay ay uga haajireen taasoo qayb ka ah kor u qaadista iyo dib udejinta dhaqaalaha dadka dalka Somaaliya loona baahan yahay in ay dadka kaa faaideeysrtaan kheyraadk Eebbe ugu maneeystay oo aanan la sugin kaalmooyinka Haya’daha .
User avatar
Warsan_Star_Muslimah
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4574
Joined: Mon Apr 21, 2008 3:19 pm
Location: ''A Malyuun Bucks''

Re: Janaale

Post by Warsan_Star_Muslimah »

Salaam,

What is happening? Please English. :oops:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Banaadir”