My New HERO
Posted: Fri Jun 05, 2009 9:21 am
Bandow xalay lagu soo rogay Degmada Afgooye oo ay ku xiran yihiin maxaabiis laga qabqabtay Degmada Y/Shiid
Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee ka taliya Degmada Afgooye iyo tuulooyinka hoos yimaada ayaa xalay bandow lagu soo rogay, waxaana bandowgaasi oo bilaabanaya saacadu markay tahay 4-Saac habeenimo la sheegay in lagu adkeynayo ammaanka magaalada Afgooye sida uu sheegay Sarkaal u hadlay ururka Xisbul Islaam.
Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose oo xalay bandowgaasi kow u ahaa ayaa la sheegayaa inuu ka dhaqan galay magaalada gudaheeda, iyadoona dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidkuba sii yaraanayeen daqiiqadb daqiiqada ka dambeysa.
Taliyaha Ciidamada nabadgelyada Degmada Afgooye Maxamed Xuseen Koofurow ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedada ka dambeysa bandowga ay tahay kooxo mindiyo wata oo habeenkii khalkhal geliya xasiloonida iyo kala dambeynta magaalada, isagoona sheegay in sidoo kale ciidamada Xisbul Islaam ay baaritaanno ku sameyn doonaan guud ahaan gawaarida safarka ah ee isaga kala goosheysa Muqdisho iyo gobolada dalka.
Dhinaca kale sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxaa Degmada Afgooye ku xiran maalintii afaraad laba nin oo ka tirsaneyd Istaafka Maareeyaha Dekedda Muqdisho Eng. Cabdi Jiinow Calasow, hase yeeshee waxaa ilaa iyo haatan la isku mari la’yahay in nimankaasi la sii daayo.
Labadan oo ciidamada Xisbul Islaam ka soo qabteen guriga Cabdi Jiinow, ayaa la sheegay inay sababtay in iyana la soo qabto caruur uu dhalay Axmed Sh. Muxudiin (Axmed Laashin), lamina oga sida xaaladu noqon doonto, bacdamaa warar soo baxaya ay sheegayaan in Axmed Laashin aanu awood u lahayn inuu nimankaasi sii daayo, isagoona ku cudurdaartay in kiiskooda loo gudbiyay madaxda isaga uga sareysa Xisbul Islaam.
http://www.somaliweyn.org/pages/news/Ju ... une12.html