: Puntland Diaspora Forum (PDF)
Golaha Qurbajoogta Puntland, cutubka Minnesota 'Puntland Diaspora Forum, MN Chapter' oo 20-ka June shir bulsheed ku yeelan doona Minneapolis.
Minneapolis, June 11 | Golaha Qurbajoogta Puntland, cutubka Minnesota [Puntland Diaspora Forum, MN Chapter] oo bilihii la soo dhaafay ku hawlanaa dhismaha hoggaanka sare ee cutubka, turxaan bixinta hawlaha cutubka, dejinta shuruucda hagi doonta cutubka, iyo dardargelinta shaqada guud ee cutubka ayaa shir bulsheed ku yeelan doona Minneapolis 20-ka bishan June.
Hogaanka ku meel gaarka ah ee Cutubka MN oo in dhawaale darsayey yagleelka hogaanka joogtada ah ee cutubka, iyo qorshe hawleedkiisa ayaa go'aamiyey in hadda la gaaray xilligii bulshada Puntland ee MN loo soo bandhigi lahaa himilada guud ee Golaha Qurbajoogta Puntland, iyo tan Golaha Qurbajoogta Puntland, cutubka MN.
Hawlaha Cutubka MN ayaa bilawday horaantii sannadkan, bilihii la soo dhaafayna qabtay tiro shirar wadatashi ah oo ay bulshada la yeesheen, lagu soo bandhigay himilada iyo yoolka guud ee golaha Puntland Diaspora Forum, iyo hirgelinta qorshe hawleedka bulsheed ee golaha.
Dhismaha cutubka MN ayaa waxaa ka qayb qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland ee Minnesota, waxaana uu kaashan doonaa ururada bulshada ee hore uga jiray Minnesota.
Puntland Diaspora Forum ma aha gole siyaasadeed ama tijaaro sida ku cad shuruucda golaha, mana aha mid la tartami doona ururada bulsheed ama siyaasadeed ee mashaariicda ka fuliya Minnesota.