



Madaxweynaha Puntland oo Maanta ka dhoofay magaalada Garoowe
Madaxweyanaha DGPL C/raxmaan Max’ed Max’ud Faroole iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta ka ambabaxay Caasimada Puntland ee Garoowe isagoo u safar ku ugu imanaya Magaalada Boosaaso halkaas oo uu uga kicitimayo dalka dibadiisa gaar ahaan Dalka Mareykanka .
Waxaana madaxweynaha Safarkiisa ku weheliyay xubno ka tirsan golihiisa wasiirada. Sida wasiirka Arimaha gudaha, kan dowladaha hoose iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaarada qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ah .
Madaxweyne Faroole oo wareysi siiyay inta uusan ka ambabixin magaalada Galroowe Tv-ga caalamiga ah ee SBC xafiiska Magaalada Garoowe ayaa waxaa uu shegay in howlo shaqo iyo xooqashoba ay ku tagayaan dalkaasi Mareykanka .
Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Mr Faroole ayaa inta uusan Garowe ka ambabixin sidookale waxaa uu usoo xiray Xildhibaanada Baarlamanka Puntland kaas oo kalfadhi aan caadi ahayn oo todobaadyo u soo sociyaya lahaa. Islamarkaana uu u furay kalfadhigii 22aad ee xubnaha Baarlamanka .
Dhanka Kale Baarlamanka DGPL ayaa maanta waxay ansixiyeen go’aankii dhanka Tastuurka ahaa ee ay goliha xukuumada DGPL ay ku ansixiyeen waxaana goobta kalfadhiga uu ka socday ku ansixiyay ku dhowaad 51xildhibaan.
C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garowe