Dagaal Culus Oo Dhex Maray Dad iyo Daanyeero Boorama

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Dagaal Culus Oo Dhex Maray Dad iyo Daanyeero Boorama

Post by Keyse_0208 »

i just cant stop laughing waliyo bilee :lol: :lol:


Dagaal Culus Oo Muddo-dheer Dad Iyo Daanyeer Ku Dhex Maray Buuraha Shaylaha Ee Duleedka Magaalada Borama

“60 Rag ah iyo 3000 oo Daanyeer ayaa 15 Saac ku dagaalamayay Buuraha Shaylaha”.
:lol: :lol:

Borama (Oodweynenews)- Dagaal socday intii u dhaxaysay 4tii Galabnimo ee shalay ilaa 5 tii Subaxnimo ee Saaka isla markaana u dhaxeeyey dadka degaanka Camuud iyo Daanyeero tiro badan oo raxan raxan u degan buuraha ayaa shalay ka dhacay buuraha Shaylaha oo dhinaca Bariga wax aan ka badnayn 10km kaga beegan Magaalada Borama.

Md.Cabdi Aleele Mixile oo isagu ka mid ahaa Abaanduulayaashii weerarka shalay ku qaaday daanyeerka ayaa Lughayanews uga waramay sida ay wax u dhaceen waxana uu yidhi “Waxa aan ahayn 60 Rag ah oo iskugu jira Dhalinyaro iyo Waayeel kuwaasi oo ku hubaynaa Warmo, Ulo iyo Wadhaf, waxana weerarka qaadnay 4tii galabnimo, 15 saac ka dib waa nalaga awood batay,

:lol: :lol: Daanyeerkiina dib ayuu noo soo jabiyay waxana uu gabi ahaanta nagala wareegay Buuraha Shaylaha, waxa uu ahaa dagaal xoogan waxa uu dhinaca hore soo mariyay Nooca loo yaqaan Coonfaadhka oo dagaalka aad ugu fir fircoon, xoog iyo quwad badanina ay ka muuqato oo isku soo maqiiqayay meesha uu wadhafka iyo warankuba ka soo dhacayaan”.

Abaanduule Mixile oo sida ay shalay wax u dhaceen ka sokow ka waramayay inta uu leegyahay khasaaraha uu soo gaadhay Ciidankiisa ayaa yidhi “Khasaaraha dhinayaga soo gaadhay waa Rag uu ku dhacay Wadhaf dhinayaga ka yimiday, Raga qaarna Buurta ayay ka shalwadeen markii nala soo jabiyay. :lol:

Abaanduule Mixile oo ka waramayay inta uu dhanaa Daayeerka ay shalay weererka ku qaadeen ayaa waxa uu yidhi “Haddii aanu ka badnayn kama yara 3000 oo Daanyeer”.

Degaanka Buuraha Shaylaha iyo degaanada kale ee ku hareeraysan ayaa ah kuwo uu daanyeerku aad ugu Tarmay waxana ay dadka degaanku sheegayaan inay ku qabaan dhib aad u furo badan oo ay ka mid tahay isagoo Daanyeerku Cuna xoolaha kaligood daaqa ah, sidoo kalena waxa uu faqaa Dalaga beeraha, Caruurta iyo dadka Waayeelka ah qaarkooda kali kalida u socdana wuu laayaa waxa kale oo jirta in Daayeerkii Tuugo joogto ah ka sameeyo guryaha degaanka isagoo ka cunaya Cuntada iyo Caanaha labadaba, dhibaatadan isbiirsatay ayaa nagu kalifay inaan weerar ku qaadno Daayeerka si aan uga xoreyno degaanka ayuu yidhi Abaanduule Mixile.

Waxa kale oo uu Md.Cabdi Alaale Mixile uu sheegay in arrinta dhibaatada Daanyeerkan ay hore ugu war galiyeen Maamulka degaanka balse aan ilaa hada helin cid wax ka qabatay.

Arrintii shalay dhacday iyo Khasaaraha uu gaystay Daanyeerkani shantii sano ee u dambaysay ayaa waxa ay noqonayaan kuwii ugu badnaa ee Muddo 40 sanadood ah ka dhaca degaankan oo uu Daanyeer gaysto.

Sida uu sheegay Abaanduule Cabdi Alaale Mixile (Maanta ayaa noo qorshaysan inaan dib isku urursano isla markaana qaadno weerar ka xoog badan kii shalay si aan Daanyeerka degaanka buuraha Shaylaha uga sifayno”.

Lughayanews-Borama




Btw, this is the type of Monkeys its actually a baboon

Image

Image
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Dagaal Culus Oo Dhex Maray Dad iyo Daanyeero Boorama

Post by LiQaaye_TDH »

I saw them monkies in Burco ones, i was scared i was gonna get attacked by them... ive heard there was a big Civil war between the Waraabes and Arap back in the days, the war lasted for 6 months alot of Arap died during the war!!!!
Cisse Westlake
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3763
Joined: Sun Mar 30, 2008 5:06 pm

Re: Dagaal Culus Oo Dhex Maray Dad iyo Daanyeero Boorama

Post by Cisse Westlake »

monkies caadi mahaa.... they used to scare us as kids around sheikh
User avatar
snoop12
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4399
Joined: Sat Oct 11, 2008 7:13 am

Re: Dagaal Culus Oo Dhex Maray Dad iyo Daanyeero Boorama

Post by snoop12 »

:shock: :shock: :shock: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol:

the monkeys want independence :up:
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Dagaal Culus Oo Dhex Maray Dad iyo Daanyeero Boorama

Post by Goljano Lion »

Cisse Westlake wrote:monkies caadi mahaa.... they used to scare us as kids around sheikh
Ciisa musihii KHAATI baa laga joogaa :lol: :lol:
User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Re: Dagaal Culus Oo Dhex Maray Dad iyo Daanyeero Boorama

Post by Ducaysane_87 »

:lol: those monkies are not ciyaar - - Wild Baboons
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”