“Doorashadu maaha hebel baan necebahay iyo hebel baan ku bed

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
AbduQadir
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 581
Joined: Wed Apr 08, 2009 3:41 pm

“Doorashadu maaha hebel baan necebahay iyo hebel baan ku bed

Post by AbduQadir »

“Doorashadu maaha hebel baan necebahay iyo hebel baan ku bedelayaa, laakiin doorashada dhicitaankeeda ayaa inoo faa’iido ah oo aynu kaga guuraynaa Soomaaliya” Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile.




Hargeysa (Oodweynenews)- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa wallaac weyn ka muujiyey dib-u-dhac mar kale ku yimaada doorashada Madaxtooyada oo uu sheegay mid halis gelinaya somaliland, caddowga somaliland-na ka farxin doona.

Waxa uu Sidaa ku sheegay Md. Maxamed Faarax Qabile mar uu shalay xarunta Golaha Wakiillada ugu waramayey wargeyska Jamhuuriya, shabakadaha wararka ee Berberanews iyo Oodweynenews waxa uu sheegay in bulshada caalamku indhaha ku hayso doorashada Madaxtooyada, isla markaana ay ballanqaadeeen inay tahay iminkaanka lagu xidhayo aqoonsi ay hesho. Haseyeeshee waxa uu muujiyey inay jiraan cago-jiid badan oo halis ku ah in dib-u-dhac kale yimaado.

Md. Qabile waxa kale oo uu waraysigiisaas ku duray xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti oo uu sheegay in aannu garanayn faa’iido uu leeyahay, isagoo tilmaamay in aanay Jabuuti raali ka ahayn madaxbannaanida Somaliland oo ay tahay cadow.

“Shuruuda iyo imtixaanka caalamku wuxuu ahaa haddii doorashada soo socotaa noqoto mid xor iyo xalaal ah in Somaliland aqoonsigeedu ku xidhan yahay, waxa maanta muuqata cago-jiid badan oo dhinaca doorashada ah. Somaliland cadow badan ayey leedahay, maanta Soomaaliya oo Jabuuti lagu soo aasaasay dhawr iyo toban dawladdoodna ay ka dumeen, Somaliland-na intaas oo dhan dhismaysay maanta dan weyn baa ugu jirta in doorashada Somaliland qabsoomiweydo, Puntland dan baa ugu jirta, Jabuuti dan baa ugu jirta oo siyaasadeedu waxay tahay in doorashadaasi dib u dhacdo.

Haddaba ninka reer Somaliland ah ee doonaya in doorashadaasi dib u dhacdaa muxuu eegayaa? Somaliland haddaynu mucaarad iyo muxaafad nahay waxay dani inoogu jirtaa in doorasho qabsoonto,” ayuu yidhi Md. Qabile, waxaannu intaa ku daray, “Deeqbixiyayaashu waxay ballanqaadeen haddii Serfarku dib u dhac innagu keenayo inay innaga ogolaanayaan bilaa Serfer in doorashadu ku dhcado haddii aynu isla ogolaano. Waxa kale oo ay inoo ogolaadeen in haddii xukuumaddu bixin kariweydo lacagta doorashada ee 25% ah in aynu soo sheegno bishan aynu ku jirno ee June 16-keedii, si ay u buuxiyaan. Deeqbixiyayaashu waxa kale oo ay ballanqaadeen inay innoo soo diraan khubaro waayo-arag ku ah doorashooyinka sida Kiiniya oo kale, maadaama Komishankeeda jilayc lagu sheego, taasina waxay muujinaysaa siday uga hadhi la’yihiin in doorasho ka dhacdo Somaliland.”

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile waxa uu sheegay in aanay doorashada Somaliland ahayn mid cid gaar ah u dana, isla markaana aanay ahayn hebel hebel ku beddel, balse ay tahay mid faa’iido u ah Somaliland oo dhan.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxaan sheegayaa in labada xisbi mucaarad ku dhiiradeen oo dareenkaas muujiyeen, dhawaana wadahadaladii axsaabtu way soo salgaabteen oo xagga doonayey in ay deeqbixiyayaasha qanciyaan waxa muuqata in xisbiga UDUB ka cago-jiidayo arrimahaas. Waxaan leeyahay UDUB xisbigii soo baxaaba waa hooggaankii dalka, waxase maanta shaabadi ku dhacaysaa cid kasta oo diida ama ka warwareegta doorashada iyadoo adduunku sidaa inoogu heelanyahay, maaha doorashadu hebel baan necebahay iyo hebel baan ku bedelayaa, doorashada dhicitaankeeda ayaa inoo faa’iido ah oo aynu kaga guuraynaa Soomaaliya.

Xasillinta Geeska Afrika oo maanta adduunku ku dhako faaray in xasilloonidaasi saarnaan doonto baalasha Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa jira waddamo badan oo inagu gedaaman oo aan u soo jeedinayno inay faraha kala baxaan wax kasta oo dibindaabyo u keeni kara Somaliland sida Jabuuti oo kale, waa dal aannu dhismihiisa ka qayb galnay, waa dal aannu nabadiisa jecelnahay. Labada dal shacabkoodu waa dad walaalo ah oo dhaqan iyo diin isku mid ahba leh, laakiin hoggaanku saamaynayo bulshadiisa.

Deeqbixiyayaasha waxaan leeyahay doorashada Somaliland nin kuma xidhna, xisbi kuma xidhna ee waa himilo uu shacabku aayo-ka-tashigiisa ku go’aansaday oo helitaanka xorriyadooda goostay.”

“Maamulka tallada dalka haya ee Madaxweyne Rayaale oo muddadiisu dhammaatay ee muddo-kordhinta maqaar-saarka ahayd ku fadhiya, waxaan u sheegayaa in aanay jirin meel dambe oo laga xigto muddo-kordhin, haddii taa lagu sii adkaysto waxa weeye, in cidii cago-jiidkaa Somaliland ku samaysaa in aanay daacad ka ahayn jirintaankeeda,” ayuu intaa raaciyey.

Mar la weydiiyey su’aal ahayd masuuliyadda dib-u-dhaca doorashada waxaad saartay xisbiga UDUB iyo xukuumadda, waxa jiray dhawaan inay xisbiyada mucaaradku soo jeediyeen in la beddelo ama xubno kale lagu kordhiyo Komishanka miyaanay taasi ahay mid dib-u-dhaca qayb ka ah, waxa uu ku jawaabay, “Beddelaada xubnaha Komishanka yaa dalbaday, iyagoo maaweelo iyo wax kala bedel ka dhiganaya si ay u qariyaan khaladaadka, is-dabamarinta iyo ruxanka dhexdooda ku jira ee saddexda guddoomiye ay marayaan, iyadoo aannu jirin xeer dhigaya beddelkooda, markasta Madaxweynuhu dib-u-dhaca Komishanka ayuu saaraa, Komishankauna Interpeace, innagu Komishan ayeynu diranee ma Interpeace diranay, doodaha uu Madaxweynuhu ku difaaco Interpeace-na waa gacan-saar dibadeed oo dhawaan soo bixi doona.”

Isagoo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxa iman kara haddii doorashadu ku dhici waydo waqtigeeda waxa uu yidhi; “Waxa iman doonta mugdi iyo dib-u-dhac weyn oo hadheeya taariikhda iyo horumarka Somaliland, waana mid ka farxin doonta caddowga Somaliland.

Waxa kale oo la weydiiyey Md. Qabile asaabaha uu u durayo xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, waxaannu ku jawaabay, “Xukuumadda Jabuuti waxa ka soo yeedhay in haddi Somaliland wadahadal dhaw la yeelato xukuumadda Sheekh Shariif in Jabuutina ay gacan-saar dhaw la yeelanayso Somaliland, waxa kale oo Ismaaciil Cumar Geelle wakiilkeenii uu wakiilkeenii duhur cad ku soo tuuray Lawyo-caddo, maanta Jabuuti xafiis kuma lihin. Adduunka kalena badankiisa waynu ku leenahay, maxaa keenay dal aynaan xafiis ku lahayn in aynu xidhiidh sokeeye la yeelan karno, Yurub oo dhan waa lagu qabtay xuskii Somaliland ee 18 May, Jabuuti-na laguma qaban, waxaanay dilaal ka noqotay ganacsigeenii oo ay ka faa’iidaysanayso, iyadoo ka faa’iidaystay jileeca hoggaamineed ee madaxda Somaliland dalka ku hoggaaminayaan. TOTAL-ta xukunta shidaalkeena waa TOTAL-ta Jabuuti, xoolaheenii halka ay mareen waad ogtihiin.”

Oodweynenews.com Desk/Hargaysa



http://www.oodweynenews.com/display_pag ... cleid=8391
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”