
Dagaal ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Shibis iyo Kaaraan ee Magaalada Muqdisho
Arbaco, July 01, 2009(HOL): Dagaal la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo dhinac ah iyo Xoogagga Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab oo isku dhinac ah ayaa galabta wuxuu ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Sanca iyo Igsoyka Degmada Kaaraan iyo xaafadaha u dhow.
Dagaalka ayaa wuxuu xooggiisa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Sanca iyo Daarta Beyxaani iyo Isgoyska Degmada Kaaraan iyo halka loo yaqaano Geedoole, wuxuuna dagaalkaas ahaa mid xooggan oo hubka noocyadiisa kala duwan la isugu adeegsaday.
Inta la xaqiijiyay 15 ruux ayaa geeriyootay 40 ruux oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray, kuwaasi oo u badnaa dad rayid ah oo ay haleeleen madaafiic iyo rasaas habow ah. Dhimashada iyo dhaawaca tirada badan ee dadkaas soo gaartay ayaa waxaa kordhiyay madaafiic ay dhinacyada dagaallamaya isu adeegsadeen intii uu dagaalka socday.
Dagaalkan oo bilowday galabta casirkii isla markaana socday muddo seddex saacadood ka badan ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo maalmihii aynu ka soo gudubnay ay xasiloonaayeen xaafadaha ay maanta dagaallada ka dhaceen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya