
You can view more pictures here cuz i can't post them all..Source:http://www.puntlandpost.com/newspage.php?articleid=7850GERMANY: Jaaliyadaha USA iyo Canada haka qayb qaateen Mashruuca Dhismaha Isbitaalka Dadka Dhimirka La' ee PTL (Dr. Abushacar)
Posted to the Web Jul 03, 11:00
S5000154_921069631.jpgGermnay: (pp)- Mashruucan oo ay hirgalintiisa ay ku balameen inay hirgeliyaan Ururka NASRULLAAH oo Gabddho soomaaliyeed oo ku mool Garoowe/Puntland ay aasaaseen 2005-tii ayna ku soo arruuriyeen kuna xanaaneeyaan Dadka soomaaliyeed oo Dhimirka l'a iyo anagoo ah ururka ah SAMOFAL . Germany ayaan ilaa hada waxaan qabanay:
Marxaladiisii koobaad Diraasad iyo Qaban-qaabin ayaa noo dhamaata
*
Marxaladii labaad ee Dhaqaale u helidda ayaan bilaawnay, wada hadal iyo tashi badan ka bacdi, anigoo ah Dr. Abushacar waxaan safaro "Fund-rising" ah oo war-bixin, wacyi-galin ah iyo Codsi Teegaaro-dhaqaale kaga codsaday Jaaliyadha Kopenhagen/ Denmark, Stockholm/Sweden iyo London/UK, si ay uga qayb qaatan Jaaliyadahaasi dhisida Isbitaal lagu daweeyo dadka Maskaxda ka jiran ee ku kool Caasimada Puntland ee Garoowe.
Safaradii aan u galay dalalkaas anoo fasax ka qaaday shaqadii aan ka hayey dalka Germanay ayaa noqotay mid lagu guuleystay dantii laga lahaa ee Fund.rising-ka, oo waxaan mahad gaar ah halkan uga jeedinayaa dhamaan Jaaliyadahii aan la kulmay iyo sida au u soo dhoweeyeen inay ka qayb qaataan Dhismaha Isbitalkan.
Sawiradan hoose waxaa ku cad in dadkan maskaxda ka jiran ay ka warqabaan culimada Puntland oo waxay u heli karaan ay ku taageeraan , waxaa kale jira shacab soomaaliyeed oo iyagana mar marka qaarkood lacago quudin ah hadii loo helo banaanka mar mar uga soo dira , intaas oo jirtana ma dabooli karaan baahidooda dadkan.
Wax kasta oo la siiyo waxaa ka muhiimsan in hooy lagu hayn karo laguna daaweyn karo dadkaasi in loo helo. Waad garan kartaa bani'aadamka kan haysta caafimaadkiisa , ayaan mararka qaarkood ay adag tahay hadaan la caawin inay qatar ku jirto noloshiisu, maxaad u malaynaysaa maanta hadii uu jiraan dad soomaaliyeed oo maskaxda looga jiro oo aan haysan Dowlad indhaha ku haysa , sidaas daraadeed Waxaa lagama maarmaan inaan u istaagno dadkaasi, anigu waxaan ahay Takhtar soomaaliyeed waana garan karaa Dhibaatada haysata dadkan inta ay le'eg tahay , taas weeye mida igu kaliftay inaan gabdhaha gacanta ku haya dadkaani ay garab istaago oo waxaan qaban karo aan qabto.
Si boqortinimo leh ayey u soo dhaweeyeen Dhisida Isbitalka dalalkii aan maray ee aan ka dalbaday inay taageeraan in Cusbitaal ay leedahay Puntland oo lagu daaweeyeyo dadka soomaaliyeed ee dhimirka la' in laga aasaaso Caasimada Puntland ee Garoowe. Haddii Alla idmo waxaa ii qorshaysan inaan safaro kale u galo dalalka Holland, Belgien, Swiserland iyo Norwey in aan gaaro ayaan ku dadaali doonaa. hadii ilaahay ii fududeeyo.
Nasiib-xumo Jaalliyadaha USA iyo KANADA sanad kan Safar sidaas ah kuma soo gaari karo, Fasaxa intii ii hartay waxaan u keydsanaayaa Safar PTL, oo aan jeclahay inaan Goob-joog ka ahaado Taagidda Dhismaha Isbitaalkan. Sidaas ayaan Jaaliyadaha Reer-Puntland ee USA iyo Kanada uga codsananayaa in ay ka soo qayb-galaan -Sadaqada lagu taageerayo ee lagu hirgalinaayo Dhismaha Isbitaalka Dad ka Dimirka L'a ee Punbtland.
Isbitaalkani Xarrun ayuu u noqon doonaa Laahama yar-yar ee laga dhisi doono Magaalooyinka kale ee PTL, waxa lagu qiimadeeyay in lagu taago Isbitaalkaas 115-130.000$ ( Waxaana Isbitaalkaas si hufan u qiimiiyey : Injineer Abdulqaadir Omar / Shirkada-Mubarak, oo Sawirka, Plan-dajis ka iyo Qiimadaynta guud iyo shaandhayn ahaan soo sameeyay, Hawshaas nagu tabarucay).
Maanta Isbitaalkani aan niyada ku hayno Xarruna u noqon doona Puntland Inshaa'alah ayaan u hawl galaynaa, Laamo yar-yar -ayaan rajaynaynaa Mustqbalka inaan ka dhisi doono Magaalooyinka Puntland.
Xusuus gaar ah : Maqaalkani wuxuu si toos ugu socdaa inta u dhalatay Deegaanada Puntland iyo dadka kale ee Soomaaliyeed ee wax la jecel in la badbaadiyo Dad soomaaliyeed oo madaxa looga jiro oo qabiil kasta oo soomaaliyeed uu ku jiro, waxaa dadkan ku jira dad badan oo ka yimi gobolada kala duwan ee Soomaaliya , kuwaas oo iyaga oo iska socda yimi caasimada puntland, kuwaas oo ka mid ah dadka jiran ee ku xaraysan Gurigaas yarka ah ee aan kor ku soo xusnay.
Waxaan kaloo aqoonyahanka, Culimada, Ganacsatada, iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ka codsanayaa inay nala qabtaan wixii karaankooda ah ee ay nala qaban karaan.Runtii dadkaan masaakiinta ah ee aan lahayn Ehel iyo wax gacan qabta ilaahay hortiis uga qayb qaata
Mahadsanidiin
Dr. Axmed Abushacar
kala xiriir: abushaar9@yahoo.de
Daabacaada: Puntlandpost.com
Live TV
Puntland has begun the development of the modern hospital to house the disabled ppl and mentally sick. They also going around right now on the charity-run to help the poor people of the state to lift up the standard of idp camps which has been disgraceful to say the least. If there is anything i criticize about Puntland it is the monstrous conditions that idp's are living in and this must change regardless if their not darod or darod it doesn't matter, what matter is their in Puntland.
Anyways this charity run is good and many more of them are needed to bring the idp population up to standard. I am very pro-darood however when it comes to guests in our land i don't care if your from uganda you must be treated equally and live like other ppl of the state and not be neglected. I drop my qabiil hat when it comes to inside puntland regardless who the person is. I just have my qabiil hat when it is outside of puntland that is at concern.
Anyways this charity run is doing it's best and the religious ppl are taking part and doing their bit and so is the puntland diaspora who gave $150 000 just in the uk alone when this certain guy samofal went to europe to collect the charities He went to other parts of europe to collect funds also from puntland diaspora but i am not certain on the exact funds he recieved from there. He collected a fairbit of funds i know that and puntland post is reported on where that money has gone and it has gone to good cause al hamdulilah.
To all those ppl who say puntland is qabil state, if puntland is qabil state why is it spending all this charity on idps who are mainly from the south? it doesn't make sense a qabiil state would do such thing. Anyways excellent job to puntland admin and it is time qabiil hats are left outside the door of puntland that is my policy anyways...but u can wear ur qabiil hat when u step outside the region...which i always do believe me
