Source:http://horseedmedia.net/portal/somali/25232/
Waddaniyada iyo Dhalinta Maanta
Cisman Axmed Ciise Gaadasaar (Turaabi)
Horseed Media, Bosaso Puntland
Ururka Ardeyda Puntland ee Puntland Students Assocaition (PSA) ayaa maanta qabtey shir si weyn loo soo agaasimey, waxaana halkudhig looga dhigey “Waddaniyada iyo Dhalinta Maanta” waxaa shirkan ka soo qaybgal, masuuliyiin ka socota Dawladda Puntland, Aqoonyahanka Gobolka, Dhalinyarada, Ururada Bulshada,Ganacsatada iyo Culimaa’udiinka.
Ugu horeyntii waxaa lagu soo dhaweeyay in uu furo shirka Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Puntland Cabdishakuur Mire Adan, wasiirka ayaa ka hadley muhimada uu lee yahay shirkan oo kale, iyo sida ay muhim u tahay in dhalinta loo qabto shirar caynkan oo kale ah, Cabdishakuur Mire Adan ayaa sheegay “…Waa muhim in dadku bartaan in Waddaniyada iyo Dawladu ay labo kala yihiin, laakiin waddaniyaddu waa masuuliyad saaran muwaadin kasta lagana doonaayo in uu hormariyo dalkiisa xumaantana ka ilaasho….”.
Sidoo kale waxaa ka hadley gudoomiyihii hore ee Puntland Students Assocaition (PSA) Cabdiraxmaan Cabdirisaaq, Cabdiraxmaan ayaa ka hadley waxqabadka ururka PSA, waxa uu sheegay in la ‘asaasey bishii Feberaayo sanadkii 2002-dii, Cabdiraxmaan ayaa sheegay in PSA ay qayb lixaadleh ka qaadatay hormarinta waxbarashada Puntland, sidii dhalinta wacyigooda loo soo qaadi lahaa, mushkiladaha waxbarasho ee la soo gudbaanadana wax looga qaban lahaa iyo weliba mideynta aragtiyada iska soo horjeeda.
Sidoo kale waxaa ka hadley Prof.Shiikh Ciise Axmed, Profosoorka ayaa ku amaanay ururka PSA shirkan ay soo qaban qaabiyeen ee muhimada gaarka ah leh, waxa uu sheegay in dhalintu midoobaan, hal gacana wax ku wada qabtaan “…dadka qaar ayaa u arka ayuu yiri Shiikhu haddii waddaniyada laga hadley in loola jeedo daaquud iyo sanam la caabuday, halka dadka qaarkiisna ay ku xadgudbaan laakiin islaamku waa dhexda…”. Shiikha ayaa kula dardaarmey in Dhalintu ay waddanka wax u qabtaan, qolo kastaana ay ku hormarto gacanta dhalintu ay ka geysato hawlaha waddanka.
Ururka PSA ayaa kamid ah ururada ugu shaqada badan ee ay iska leeyihiin ardeyda Puntland, waxaana maanta lagu amaanay doorka muhimka ah ee waddaniyada ee uu soo bandhigay.
Well the puntland student association, religious scholars, puntland government representatives, puntland experts, youth, business-men, and other organizations have attended a historic meeting in bossasso to discuss the differences between patriotism and puntland administration and that their not exactly the same thing. Puntland government is there to enforce laws, Patriotism is duty upon all muslims and the religious scholars have verified that this is not like idolatry worshipping a state. To love your state and to work for your state is charity to the religion and nothing to be ashamed of.
And i will end by quoting one of my personal heros jfk...."# "And so my fellow Puntlanders, ask not what your country can do for you - ask what you can do for your country""
