
Madaxwaynaha Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sheegay in kooxaha leh ajandaha siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya ay la gudboon tahay in ay ka wadatashadaan aayaha dalka isaga oo sheegay in maamulkiisu diyaar u yahay in uu arintaas gacan ka gaysto.
Madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, oo kujira gaba-gabada safar uu ku joogo Maraykanka, ayaa VOA-da u sheegay in maamulkiisu uu ku dhagan yahay nidaamka Federaalka, isaga oo sheegay in xalku ku jiro in degaannada Soomaaliyeed loo ogolaado in ay hoosta maamullo heerar kala duwan ah ka soo dhistaan.Waxa uu sheegay in nidaamka Federaalka uu xittaa xal u noqon karo doodda gooni-isu-taagga ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland.
Inkasta oo uusan carabka si buuxda ugu dhufan suura-galnimada in Puntland gooni isu-taagto, madaxwayne Faroole waxa uu alleefay cawaaqibka ka iman kara haddii nidaamka Federaalka uu ka hirgali waayo Soomaaliya, isaga oo tibaaxay in Puntland ayan isku xiri doonin qol, dabadeedna ayan furaha tuuri doonin, sida uu dastuurkeedu qabo.
Mar uu ka hadlayay arinta kooxda Alshabab ayuu sheegay in ayan kooxdaasi wax cabsi ah ka qabin sababtuna tahay in nidaamka ay ku shaqayso kooxdaas aan laga soo dhaweeyneeyn degaannada Puntland, dadka reer Puntland-na ay fikirkaas ka midaysanyihiin.
Dhinaca ciidamada AMISOM, madaxwaynuhu waxa uu sheegay in ay dawladda u hayaan howlo dhinaca ammanaka ah oo aad u muhiim ah, waxana uu taageeray in la koridhiyo tirada ciidamadaas ka jooga Muqdisho.
Midigta sare ee boggan ka dhagayso waraysiga madaxwaynaha oo buuxa



