Source:http://horseedmedia.net/portal/somali/25447/
Horseed Media
Gaalkacyo, Somaliya
Koonfurta magaalada Gaalkacyo gaar ahaan xaafada Baraxley ayey Bandow kusoo rogeen ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca oo dhawaan deegaankaasi la wareegay.
Tan iyo intii ay halkaasi soo gaareen kooxda Ahlu sunna waljamaaca kadib markii khilaaf soo dhexgalay maamulkii Galmudug ayaa waxaa jiray hawlo la sheegay in amniga lagu sugayo.
Bulshada ku dhaqan koonfurta Gaalkacyo ayaa waxay ka hadleen Bandowgan galay habeenkii 4aad ayaa sheegay in qaarkood soo dhaweenayaan bandowgan.
Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan koonfurta Gaalkacyo ayaa u sheegay Horseed Media in bandowga ay soo rogeen Ahlu Sunnah Waljamaacah,ay soo dhaweenayaan, hase yeehsee ay codsanayaan in wax laga bedalo xiliga uu bilowdo bandowga.
Waxayna dadkan sheegeen in bandowga dib looga dhigo xiliga uu bilowdo ee ah 7da fiidnimo ee habeenkii.
Dadka qaarkiis ayaa sheegay in maadaama ay magaalada furan tahay fiidkii ay bandowga ka dhigaan wixii ka danbeeya 9ka fiidnimo.
Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa maanta Horseed Media u xaqiijiyey in wakhtigii bandowga la bedalay oo laga dhigay xiliga uu bilaabanayo 8da fiidnimo.
Col.Xassan Faarax Kaarshe oo kamid ah saraakiisha Ahlu Sunna waljamaaca ee ku sugan koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay bedalaadan sameeyeen kadib markii ay soo gaartay cabashada shacabka.
Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa lagu arkayaa koonfurta magaalada Gaalkacyo kuwaasi oo la sheegay inay sugayaan amniga magaalada, ayadoo tan iyo intii ay ciidamadaasi halkaasi soo gaareen aysan jirin falal amni oo laga dareemay deegaankaasi oo ay horey uga dhici jireen falal kala duwan oo amniga khal khal geliyey.
Horseed Media
What the hell is Puntland going to do? Do we want to see galkacyo divided? if the south has curfew, and they see north galkacyo is not having curfew this may lead to clashes. Wallahi this is confusing issue but this may lead to future clashes because Puntland has 1 vision for Galkacyo and Ahlul Sunnah Has another view.
Its probably best for all parties Ahlul Sunnah is kicked out because our views for the region are completely different and those different views might lead to future clashes. What does everyone say about this? Curfew Time on South Galkacyo and they did the same thing in beled weyne also when they captured it.
Should we just get rid of them and save us trouble in the future, or let south galkacyo deal with it? Because The problem is they are not extremist group ahlul sunnah like shabab. If they were like shabab then i wouldn't want to be living next to them, but these ppl are sufi moderates. Can they work together with puntland? if it was shabab then no way. Shabab would never be able to work with puntland and we would have to fight them. But i don't know about ahlul sunnah. There is no point capturing south galkacyo and forcing them to live under puntland because if the ppl don't want it their is no need to force them.
But it seems that their are sections of south galkacyo who do support ahlul sunnah administration they even welcomed them in. What does everyone think about this situation? Because it is disturbing to say the least...