Source:http://www.nugaalmedia.com/news.php?readmore=447Shir ku saabsan iskaashiga Yurub iyo Africa oo lagu qabtay magaalada The Hague ee dalka Holand
11-07-2009
Holand:(Nugaalmedia) Waxaa maalintii khasiimsta 9, juli 2009 lagu qabtay magaalada The Hague ee caasumada Netherlands shir balaaran oo soo abaabuleen xarunta Africa Diaspora and Policy Centre (ADPC) oo fadhigoodu yahay magaalada Amsterdam. ADPC waa xarun cilmi baaris oo aasaaseen aqoonyaho Afrikaan ah. Shirka looga hadlaayay iskaashiga afrika iyo yurub ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee wasaarada cadaaalda Netherlands. Shirkaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay ergooyin kor u dhaafay 25 xubnood oo ka kala socday 11 dal, waxaa kaloo shirkaan kasoo qeyb galay xubno ka socdo wasaarada arimaha dibadda ee Netherlands, wasaarada cadaalada, heyadaha deeq bixiyayaasha, bulshada rayidka, goob joogayaal iyo waliba saxaafada.
Shirkaa ayaa waxaa furay Mudane: Cawil Maxamuud madaxa xarunta ADPC oo si diiran kasoo qeyb galayaasha ugusoo dhaweeyay shirka. Intaa kadibna ku bogaadiyay in fikradohooda iyo aragtiyadooda si hagar la'aan ah ugu deeqaan shirka maadaama loogu gudbindoono EU iyo Midowga Afrika. Mudane Cawil intaa kadib wuxuu ka warbixiyay xarunta uu madaxda ka yahay taariikhdeeda, heerarkii eey soo martay, ujeedooyinkooda, iyo waliba himilooyin eey tiigsanayaan.
IMG_0530
Ujeedada kulankaan ayaa aheyd in ururada iyo xubnaha firfircoon ee matala qurba-joogta afrikaanka qeyb ka qaataan dajinta siyaadadaha iyo qorshayaalka loogu talagay siyaadada hormarineed ee midowga yurub ee ku aadan qaarada afrika. Waxaa aad looga dooday qaabka ugu wanaagsan ee codka qurba-joogta (DIASPORA) loo gaarsiin lahaa xarumaha lagu qorsheeyo siyaasadaha midowga yurub ee ku aadan qaarada afrika. Mawduuca doodaha dhextaalka u ahaa ayaa ahaa kobcinta iskaashiga EU iyo Yurub ayadoo ayadoo la adeegsayo DIASPORA.
Mowduucyada ayagana aadka looga dooday waxaa kamid ahaa:
* U ololeyta in diaspora afrikaan ka qeyb qaataan siyaasada dalalkii marti galiyay
* Qaabka diaspora-ha dalkoodii hooyo iyo dalka martida loo yahay la isugu xiro karo sida ugu haboon
* Doorka dib u dhis iyo maalgashi ee diaspora-ha laga doonayo ineey dalkooda hooyo wax ugu taraan
* Isbadalka cimilada, diirimaadka hawada iyo nabaad guurka sida ba'an u sameeyay qaarada Afrika
Waxaa xusid mudan in shirkaan aheyn kii ugu horeeyay oo xaruntaanu qabato oo kusaabsan arimaha qurba-joogta. Waxaa kulankaan ka horeeyay mid sanadkii hore bishii september lagu qabtay magaalada Brussels, isla sanadkaan bisha Oktober mid kale lagu qaban doon isla Brussels. Iyo ugu danbeyntii oo sanadka 2010 mid kale lagu qabandoon xarunta midoowga afrika ee magaalada Adis Ababa shirkaas oo noqondoon mid madaxda afrika iyo kuwa yuruba ku kulmi doonaan.
Qurba-joogta soomaaliyeed ee qaarada yurub ayaa waxaa ugu qeyb galay shirkaan labo urur oo kala ah Puntland Aid Service oo laga casumay Mudane: Saalax Siciid Diiriye oo ah madaxa ururweynahaas iyo Mudane: Mohamed Mahamoud oo ka socday ururweynaha HIRDA oo xaruntiisu tahay dalka Netherlands kana howl galo soomaaliya. 2 urur ee matalayay qurba joogta soomaaliyeed ayaa goobta kusoo bandhigay aragtiyadooda iyo fariimihii eey kasideen qurbajoogta soomaaliyeed. Shirkaa oo socday in ka badan 9 saacadood ayaa wuxuu ku dhamaaday guul, dhamaana xubnihii kasoo qeyb galay waa u riyaaqeen.
Nugaalmedia Holand,The Hague
The Netherland diaspora have held a conference to discuss how build closer ties between host nations that somalis live in and the mother-country. It is mainly talking about developments and other areas. Puntland had 2 parties representing them Puntland Aid Service and also Hirda Organization. They gave their views on what they think is the best way forward on developing ties between host countries where somalis live and the mother country. It is good to see Puntland participating in federal related issues. We can't let somalia take all the good stuff for themselves. We want our Slice also..
